Sunday, June 29, 2008

Sideedaba Khayaanada Mabanaana

Been sheeg wax halagu siiye, waa arrin aad uculus. Qurbajooga Soomaalida, siiba kuwa kunool waddamada Galbeedka, waxaa laga dhadhansaday dhaqamo lid ku ah hab dhaqankii soojireenka ahaa ee qofka Soomaaliga ahi lagu yaqiin, waxaana kamid ah been aan lahayn geed loogu gabbado. Beentano kuqotonta halkudhegii ahaa 'wax badso waxay leedahay wax beel'. Hunguri iyo damac waa waxyaabaha qofka/qofta Muslimka/Muslimadda ahi looga baahanyahay in ay iska ilaaliyaan waayo waxaa dabasocda ceeb aan layska meydhi karin. Xariifnimada iyo xeeldheerida waa in ay xad lahaadaan haddii kalese waxaaba dhici karta in ay qar kaa tuuraan. Waa arrin cajiib ah in qofka wax doonaya laga waayo wax sarriig ah ama xishood ah.

Waddamada barwaaqada badan waxaa lagu yaqaan inay shacabkooda aan dhaqaale kufilan lahayn siiyaan lacago iyo raashiin ay noloshooda kumeelmariyaan kuna kabaan baahida baahsan ee aysan dabooli karin maadaama mushaharada ay qaataan kufileyn isu dheelitirka noloshooda guud. Dhaqaalahan dadka saboolka ah lasiinaaya waa canshuurta ay bixiyaan shaqaalaha iyo ganacsatada soo gala dakhli culus.

Haddaba waxaad arkeysa rag iyo dumar isqaba oo leh carruur isla markaana dafiraya inay isqabaan sifa loo siiyo xoogaa lacago ah oo ay danahooda kufushadaan. Sabanadan waxaa soo ifbaxay halqabsi ama kalimad loo yaqaan 'separate' taaso loola jeedo labo isqabay oo kala tegay ama aan hadda isla nooleyn. Xafiisyada arrimaha qoyska iyo bulshada qaarkood markay gorfeyn waayeen arrimaha noocaasi ah ayey weydiisteen culimada Islaamka bal inay wax kayiraahdaan jawaabtuna waxay noqotay mid iska bayaan ah oo ah in aysan jirin oraahda 'separate' ama kala noolaanshaha aysana banaaneyn ama habooneyn in lagu dhaqmo.

Haddiiba laguu ogolyahay dhaqaale kufilan nolol maalmeedkaaga, maxaa keenay inaad been sheegto ood tiraahdo isma qabno? Ma haboontahay inaad khayaanto qof ku aaminay? Waa lawada ogsoonyahay Soomalida debedaha kunool inay biilaan eheladooda jooga Afrika iyo meelo kale. Haddaba maxaa udiiday qofka inuu shaqeysto oo uu muruqiiso maalo sifa uu uhelo maal xalaal ah? Taasi jawaabteeda waxaa weeye, 'maal bilaash ah ayaaban arkaaye, maxaan kufali shaqo'.

Haddiiba qofka curyaan yahay, ama indhool yahay, ama hayo cudur uusan kakici karin, ama ay tahay hooyo carruur haysatoo keligeed nool, waa arrin lagaran kara una baahan qaddarin waayo giddigoodba haddii aynu eegno diiniyan iyo mabda'iyanba waxay ubaahanyihiin taakuleyn bani'aadminimo. Laakiin labada isqaba haddana beenta ku abtirsanaya waa arrin hadhowto loo heli doono waddo lagaga taqalusi doono. Way jiraan kuwo badano ladabagalay lana ogaaday inay kunoolaayeen been iyo quraafaad. Maantana waa ayaga shalaayaya markii lagu xukumay inay soo celshaan lacagihii ay hore ucuneen oo gaaraya kumanaan kun oo doolar ma yuro ah.

Haddaba waxaa nala habboon Soomaali haddeynu nahay inaan isbarno daacadnimda iyo run sheega. Waxaa kaloon ubaahanahay inaan kudhaqano diinteena suuban sifa aan ummadaha nala diinta ahayn ugu noqono hogaan ama hormuud. Beenta sideedab inaad naftaada kudaafaceyso mooyaane, waa ka mamnuuc qofka Muslimka ahi. Calooshaada kurid wax xaaraan ah waa shey aad uqurmuun badan. Sideedaba, khayaanada ma banaana ee shaqeyso shafka beele.

No comments: