Sunday, June 29, 2008

Ama Bar ama Baro Yaan Lagaa Badine


'Aqoon la'aan waa iftiin la'aan' waa halqabsi Soomaaliyeedo tilmaamaya faa'idada ama muhiimada ay leedahay waxbarashada. Tan iyo intii dawladii kacaanka laga eryay xukunka, Soomaaliya waxaa soomaray mugdi xagga tacliinta maadaama dugsyadii iyo ilihii waxbarasho burbureen ayadoo ummaddii noqotay wax debedaha uhayaama iyo wax kutabaaleysan gudaha dalka. Tiro badan ayaa kunool xeryo qaxooti oo aysan ulaheyn madaxbanaani maadama danohooda ay fuliyaan dawlado shisheeye ama dad aan daneyn diintooda, dhaqankooda, iyo aaya katalintooda intuba.

Kacaankii utalin jirey dalka ma ahayn mid utafaxeyda kobcinta waxbarashada iyo dhaqaalaha bulshada maadaama uu ahaa mid militeri oo danihiisa kusaleysnaa inuu xoog kumuquuniyo wax kasto keeni lahaa horumar iyo isku filaan. Kumanaan kun oo ahaa mutacalimiin ayaa isaga cararay dalka markay heli waayeen dhaqaale kufilan. Qaar kalena waxay u adkeysan waayeen handadaad iyo cagojugleyn maadaama ay lahaayeen mabaadi' kaduwan tan kacaanka. Culuntii iyo khibradii ay debedaha latageen waxay ufaa'ideysay ardo badano ajnebi ah. Waxaa waddankii kuso haray tiro yaro macallimiin ah oo tabanayey dhibaatooyiin faro badano aan laso koobi karin.

Soomaaliya ilaa maanta waxay leedahay dad badano wax bartay kuwaaso kala ah borofesooro kadhiga jaamacado qadiimi ah, ha ahaadaan kuwo kuyaal Mareykanka, Ingiriiska, Yurubta Galbeed, Aasiya, Bariga Dhexe, iyo weliba waddamo kaloo Afrikaan ah. Waxaa kaloo intaasi sii dheer dhakhaatiirta ilkaha iyo caafimaadka, injineerada, kalkaaliyaasha caafimaadka ee sida ba'an looga baahanyahay isbitaalada waddamada horey umaray sifa sare ugu qaadaan caafimaadka shacabkooda, iyo laamaha kala duwan ee maanta lagu tartamo dunida sida kombiyuutarada, iyo iwm.

Wax kasto bilow lihi, wuxuu leeyahay dhammaad, dagaalada Soomaaliya kasocdana waa ay dhammaan doonaan goortey noqotaba. Waxaa haddaba looga baahanyahay cidda hanan doonta xukunka waddankani burburay sidii looga bixin lahaa ummadda Soomaaliyed jahliga, tuhunka iyo kalashakiga, nacaybka, iyo qabyaalada soo jireenka ahi. Dabcan, waad maqasheen dawlado badano dagaalo hore usoo galay maantana aysan kamuuqan wax colaad ah. Waddamada maanta loo yaqaan 'kuwa horumaray' ee ay kamidka yihiin Reer Galbeedka sida Mareykana, Kanadha, Ingiriiska iyo Yurubta Galbeed, Ostaraaliya, iyo Jabaan, dhaamaantood waxaa hore usoo baaba'shay dagaalo shisheeye iyo kuwo gudaha ah maatana waxaabad moodaa in aysan dagaal gelin abidkood. Waa waddamada ugu hodansan taasina waxay kugaareen kobcinta dhaqaalahooda iyo sare uqaadida waxbarashada bulshadooda.

Soomaaliya maanta waxaa kajira jaammacado faro badan kuwaaso kukala yaala gobolada Bari, Woqooyi, iyo Muqdisho. Weliba waxaa mudnaan mudan Jaammacadda Muqdisho oo gashay kaalintii 100aad ee jaammacadaha Afrika ugu fiican. Waa mid kafajicisay dadka ukuurgala waxbarashada caalamka. Waxaana layaab leh sida geesinimada ay kudheehantahy ee ay muujiyeen macalimiinta kadhiga ee isugu jira Soomaali iyo ajaanib intuba. Waxaa kalo Soomaaliya kajira kuuliyado, dugsiyo dhexe iyo sare inkasto ayan isku manaahij ahayn. Qaar waxaa lagu barta luuqadda carabiga, qaarna afafka qalaad oo ay ugu horeyso luuqadda ingiriiska.

Walwalka ugu weyn ee ardeyga Afrikaanka ahi haysta ayaa wuxuu yahay sidii uu kuheli lahaa kuuliyad ama jaamacad udhow tuulada ama magaalada uu kaga soo qalinjebiyay dugsigiisa sare maadaama culuunta sare oo dhammi laysugu geeyo inta badan caasimadaha. Xukuumadaha Afrika ayaa waxaa lagu yaqaan in xukuunkooda yahay mid laga furdaamiyo dawladda dhexe oo inta badan saldhigyadooda yahay caasimmadaha. Marka, haddii ardeygu kaqalinjebiyo tuulo kafog caasimadda, waxay qasab kunoqonaysa inuu safar dheer galo sidii uu kutegi lahaa jaamacadda oo kutaal caasimadda.

Akhristow, nabadu waa ay soo bidhaameysa, Soomaaliyaana way degi doonta ee waxaa lagaaga baahanyahay inaad qeyb lixaad leh kaqaadato waxbarashada dadkaaga iyo dalkaaga si hagar la'aan ah. Haddii aadan hore wax ubarana, hadda udhabagal maadaama aqoon la'aani tahay iftiin la'aan. Jahliga kabax hadda.

No comments:

The Horrors of Female Genital Mutilation

  By Adan Makina August 5, 2010 * This article contains graphic pictures illustrating the horrors of Female Genital Mutilation. Viewer d...