Showing posts with label Sheeko. Show all posts
Showing posts with label Sheeko. Show all posts

Saturday, March 14, 2020

Janan Yemeni ah iyo Gabadh Soomaali ah

Soomaalida qurbaha ku nool wey meelo galgal badanyihiin. Taasina waxaa ku kallifeysaa sidey ku heli lahaayeen nolol maalmeedkooda iyo xoogaa dheeri ah illeyn maata gaajeysan ayaa ka danbeysaaye.
Waa mar kalee, haddana waa dalka Yemen. Gabadh Soomaaliyeed ayaa waxaa shaqo ku saabsan nadaafadda laga siiyey guri uu lahaa nin Janan ahaa oo goor danbe ku naf waayi doona diyaarad nooca qumaatiga u kacda oo ay cillad farsamo soo ridday.
Gabadhii waxay cabbaar shaqeysaba, waxaa la ogaadey in ay si wanaagsan u taqaan cunto karinta. Xaaski Jananka ayaa waxay gabadhii u xil saartay in Jananka ay u noqoto cunto kariye.
Khariidadda Yemen
Cuntada ay kariso, xitaa carruurta ayaa ku dagaallami jiray. Haddey noqoto saambuuska marka aad goosato aan laheyn saliid dililiqeysa oo aan dharka kaa wasakheyn, baasta alfoorno oo dhadhan macaan iyo udeyg ku soo jiidanaya, bariiska bilaaw iyo biriyaani.
Subax baa Janankii gabadhii quraac ka dalbaday weyna u keentay waloow uu ka maqnaa khubuskii uu jeclaa ee uu ku goosan jiray. Gabadhii buu ka codsaday in ay u keento khubus waxayna u sheegtay in suuqa laga soo waayey.
Wuxuu faray bal in ay qaboojiyaha wax un ka raadiso.Wax yar kadib ayey ku soo noqotay una sheegtay in waxa ay qaboojiyaha ku soo aragtay aheyn wax uu cuni karo. "Waxba igama geline, xitaa hadduu toddobaad yiillay ii soo kululee iina keen", ayuu faray inantii weyna u keentay. Intuu ku quraacday khubuskii qamiirka ahaa, kana dhergay ayuu u mahad naqay gabadhii.
Wax yar kadib ayuu u yeeray gabadhii kuna yiri, "dad baan haaysan khubuskaasi qamiirmay ee weligaa cunto ha qubin."

Tuesday, April 7, 2015

LAMA FILAAN

Waan isku mushquulsanaa oo waxaan ku fooraray telefonkeyga gacanta. Gaari ayaan dhex fadhiyay oo waxaan akhrisanayey qisadii As-xaabu Sabti ee naloogu sheegay Qur'aanka Kariimka ah. Gabadheyda ayaan sugaye in aan ka soo qaado dugsiga sare ee Oak Park High school. Kulbeegga wuxuu tilmaamaye in cimilada ay kulushahay kuna taagneyd 85 dhigirii. Dariishadaha gaariga waa ay ii furnaayeen. Hal baabbuur ayaa horteyda yaalley, dhinaca bidixna wey dhoobnaayeen. Xagga midig cidina igama xigin oo waxaa ku beernaa caws iyo geedo dhaadheer. Gadaal waxaa iga taagnaana maba aanan ogeyn.

Waxaan ka war helay qof dumar ah oo weliba Caddaan ah oo i dul taagan. Waxay i weydiisay in aan amaahin karo qalin. Waan yara naxay illeyn si kedis ah ayey iigu timide. Wey ila yara kaftantay. "Waxaa yaab ah in aniga iyo ninkeyguba aynan qalin sidan", ayey ku calaacashay. "Teeda kale, shaqo ayaan ku jiraa oo sidan baan Ku shaqyn hayaa", ayey sii raacisay hadalkeedi. Intaan qalin cuseyb ahaa farta ka saaray ayaan ugu bishaareeyay in ay iska qaadato qalinka. Ayadoo faraxsan ayey agteyda ka dhaqaajisay oo ku noqotay fatuuraddeedi oo gadaasheyda tiil.

Friday, August 30, 2013

Labo Kala Daran

W/Q Aadan Makiina



Waa xilli waaberi ah carruurtiina wey baahanyihiin. Hooyadood Mama Mwikali waxaa la soo dersay xaalad adag maadaama aysan faraha ku hayn wax raashiin ah oo ay ilmaha dabka u saarto. Yar iyo weynba waxay ku dhawaaqayeen, “Mama ee tunataka chakula” (hooyooy cuntaan rabnaa). Odeyga ay wada noolyihiin oo la yidhaahdo Kioko ayaa isla xilligaasi shaqo isu diyaarinayey. “Kioko ee”, ayey ugu yeedhay Mwikali odeygeeda. “Ee” ayuu ugu jawaabay xaaskiisa. “Naata ee” (see tahay ama iska warran) intay ku salaantay ayuu ugu jawaabay “nekuseo muno” (waan fiicanahay). 

Mwikali waxay u sheegtay ninkeeda in ilmaha aan dab loo shidin oo gaajo baahsan ay guriga ka jidho. Wuxuu u sheegay Mwikali bal in ay digsi biyo ku shubto dabadeedna ay dabka saarto illeyn wuxuu soo indho indheynayaa xaafadda Eastleigh oo ay Soomaalida ku badantahay. Intuu si degedeg ah u labistay ayuu aaday saldhigii booliska kana soo qaatay qori cabbeysan oo G3 ah. Asagoo ay la socdaan labo askari oo saaxiibadiisa ah ayey xaafaddii Easteleigh dalag yidhaahdeen oo galeen.

Odey Xandulle waaga ayaa asagana ugu baryey xaafadda Eastleigh. Xaaskiisa Muxubo oo saalaaddii subax ay wada tukadeen ayaa usheegtay in caarruurtu gaajeysanyihiin. Wuxuu ku yidhi xaaskiisa, “bal digsi biyo ku shuboo dabka saar waxaan noo raadinayaa shaxaade”. Halkii buu ka shiraacday wuxuuna cagta saaray waddo gashoxaafadda Islii (Eastleigh) ee Soomaalida caan kutahay magaalada Neyroobi. Wuxuu guriga kaga soo tegay xoogaa qaad ah oo uu xaleyto kasoo shaxaaday saaxiibadiisa. Qaadkuna kuma filleyn sigaarna maba uusan haaysan. Sida keliya maalinkaasi uu ku murqaami lahaa waa isagoo raadsada xoogaa shaxaad ah.

Kioko oo ay saaxibadiisa la socdaan iyo odey Xandulle ayaa ku kulmay meel goolad ah. “Wee Waryaa simama” (waryaa istaag), ayaa la amray Odey Xandulle oo argagaxsan. “Balo, waar maxay ahaayeen waxu”, intuu yidhi ayuu socodka joojiyay. “Lete kipande” (keen waraaqahaaga aqoonsiga) ayaa isla markiiba la amray. Kaar aqoonsi ah oo sharciyeysan intuu jebadda kala soo baxay ayuu udhiibay Kioko. “Hii ni fake (kani waa faalso), twende station (inakeen saldhiga), nitakufunga” (waan ku xirayaa), ayaa lagu yidhi Odey Xanduulle oo ay xaajadu ku xumaatay. Nasiib wanaag, Odey Xandulle wuxuu meel dheer ka arkay Odey Magan Qadiid oo in muddo ah ay saaxiibo ahaayeen. Wuu udhawaaqay. Odey Xandulle intuu afka furtay buu ku qaayliyay, “waar Magaanoow isoo gaadh”. Wax yar kadib Magan Qadiid baa kasoo dul dhacay halkii lagu buuqsanaa. “Waar ina adeeroow 1,000 shilin ideemi anaa dib kaa siinayaaye”, ayuu Odey Xandulle ku calaacalay saaxiibkiis Magan Qadiid. Magan Qadiid intuu jeebka gacanta gelshay ayuu kasoo saaray 1,000 kii shilin ee saaxiibkiis ka amaahday. 

Odey Xandulle wuxuu Kioko farta ka saaray 500 shilin sidii ayuuna xorriyaddiisa ku helay maalinkaasi. Asagoo dheg la qabto lahayn ayuu Odey Xandulle ku laabtay gurigiisi. 200 shilin buu udhiibay xaaskiisi. Isla markiiba waxaa lasoo gaday raashiin. Carruurtii gaajeysneyd maalinkaasi waa ay dhergeen. Odey Xandulle 300 shilin ee u soo hadhay buu ku iibsaday xoogaa qaad ah iyo sigaarkii uu ku dhuuqi lahaa. 

Askerigii Kioko ahaana wuxuu iska fasaxay saaxiibasiisa oo wuxuu markiiba aaday gurigiisa. Dherigii dabka la saaray markuu kasoo hayaamay gurigiisa ayaa la cabbeeyay oo loo helay raashiin ay quutaan carruurtiisa iyo xaaskiisa intaba. Guud ahaan Kioko wuxuu asagana xaaskiisa udhiibay lacag dhan 200 shilin oo Kinyaati ah. Lacagtii kale ee usoo hadhay wuxuu la aaday goobaha khamriga nooca Chang’aa la yidhaahdo lagu cabbo. Odey Xandulle iyo askeri Kioko dhibkii waa ka haaday maalinkaasi oo waxaa u dambeeyay murqaan iyo damaashaad

Sunday, August 25, 2013

Cagaha Mise Wejiga?

Wadaad baa beri wuxuu raacay diyaarad. Wakhtigii salaada markii la gaadhay ayuu galay musqusha sifa uu u weyso qaato. Maadaama musqulaha diyaadaha ay yaryar yihiin, dantu waxay ku qasabtay in uu albaabka musqusha furo sifa uu cagaha u saarto saxanka wejiga lagu dhaqdo ee loo yaqaan 'sink'-iga. Gabadh ka dhex shaqeyneysay diyaaradda ayaa soo agmartay oo aragtay ficilka wadaadka waxayna u sheegaty in uusan cagaha saarin saxanka maadaama ay cagahiisa wasakh yihiin. Wadaadkii ayaa wuxuu gabadhii weydiiyay: "Imisaa jeer ayaad wejigaaga dhaqdaa maalin walba?" Waxay ugu jawaabtay, "Hal ama labo jeer". Wadaadkii wuxuu hadalkiisa kusoo gunaanaday oo uu ku yidhi gabadhii, "Maalin walba waxaan cagahayga dhaqaa shan jeer". "Sidaasi awgeed, cagahayga ayaa ka nadiifsan wejigaaga".

Caqlileey Reer Banii Israa'iil ah

Sida uu soo weriyey Muxamad bin Kacab, waxaa beri jiri jirey wadaad reer Banii Israa’iil oo ahaa nin caqli badan isla markaana ahaa caalim looga dambeeyay garashada cilmiga diiniga iyo maadda.  Wadaadkan Reer Banii Iraa’iil ayaa xaaskiisa oo aad iyo aad uu ujeclaa si lama filaan ah ugeeriyootay. Murugo iyo ciil darteed ayuu goostay inuu albaabada xidho oo dib dambe uusan la haasaawin dadkii magaalada ay qaraabada iyo saaxiibada ahaayeen.

Haweeney Reer Banii Israa’iil ah ayaa maqashay murugada wadaadka haysata waxeyna go’aansatay in ay ugu tagto hooygiisa oo ay soo ogaato. Markay gurigii wadaadka tagtay ayey ka codsatay dadkii waardiyeynaayey bal in loo ogolaado iney la kulanto wadaadka sifa ay uweydiiso hal mas’aalo. Kadib markey ogolaansho weydiisatay dad waardiyeynaaye, ayey iska fadhiistay albaabka geeskiisa. Nin waardiye ahaa ayaa wadaadka ugalay una soo sheegay in qof dumar oo marti ah ay debedda u fadhido. Wuxuu faray in lasoo fasaxo waana la fasaxay oo wey ugashay.

Salaan kadib, waxay wadaadkii weydiisay su’aasha ah: “Waxaa jiraa dahab aan kasoo amaahday deriskeyga waana kan aan hadda xidhnahay. Dahabkan muddo dheer ayaan haaystay. Qoftii iska lahayd dahabkan hadda waxay soo dirsatay qof kale oo waxay dooneysaa in aan dahabkeeda ugu sii dhiibo ta lasoo dirsaday. Ee su’aasha aan doonayo in aan ku weydiiyo ayaa waxay tahay: “Ma iska dhiibaa oo ma u celiyaa”? Wadaadkii ayaa wuxuu ugu jawaabay, “haa, waa inaad iska dhiibtaa ood u celisaa illeyn waa amaahe”. Waxay ugu jawaabtay, “sideen ku celin karaa dahab aan intaasi oo sannadood xidhnaa”?. Wadaadkii ayaa wuxuu ku wargeliyay, “in kalgacal iyo wanaag loo muujiyay oo ay mudantahay in qoftii sidaasi kuugu naxariistay aad tixgeliso oo aad u celiso wexeeda”.


Markuu wadaadkii jawaabihii udhammeeyay, ayey ku tidhi, “Allaah hakuu naxariisto”. Waxay wadaadka weydiisay waxa uu sidaas ula murugoonaayo. Waxayna usii raacisay, “ninyahaw Ilaahey wuxuu ku ammaahiyay xaaskaaga wuuna kaa qaaday illeyn asagaa leh oo abuurtay naf walba”. Mar allaale markey hadaladaasi dhegihiisa ku dhaceen ayuu ogaaday in uu qaldanaa. 

Damaashaadkii Dharka

Beri ayaa waxaa jiray nin la odhan jiray Sheekh Sacdi kaasoo ahaa gabyaa kunoolaa magaalada Shiraas (Shiraz) ee hadda katirsan gobolka Fars ee waddanka Iiraan. Inksatoo abtirsiinyadiisu aheyd Abuu Muxammad Muslix al-Diin bin Cabdalla Shiraasi, haddana marka lasoo gaabiyo magaca loogu yeeri jiray ayaa ahaa Sacdi Shiraasi. Aabbihii wuxuu dhintay asagoo saqiir ah. Kadib marki imberedooriyaddii la odhan jiray Moongol (Mongol) burburiyeen xukunkii Islaamiga ee baaxadda weynaa ee la odhan jiray Khawaarismi, ayuu Sheekh Sacdi bilaabay socdal dheer kaasoo uu ku maray dhulalka ay kamid yihiin Anatooliya (Turkiga), Sindi (Bakistaan), Ciraaq, Suuriya, Masar, iyo gobollo kale oo badan. Sheekh Sucdi wuxuu tegey magaalooyinka barakeysan ee Makkah, Madiina, iyo Beytul Quddus wuuna xajiyay.

Sida dadka kale ee falsafistayaasha iyo gabyaasha lagu yaqaan, Sheekh Sacdi wuxuu ahaa qof caadi ah oo aan maal badan lahayn. Maalin ayaa nin magaalada magac dheer ku lahaa oo ahaa maalqabeen martiqaadey Sheekh Sacdi iyo dad kaloo farabadan. Martiqaadkana wuxuu ahaa mid loogu dabbaaldegayey maalqabeenka gabadhiisa oo la guursanayey. Sheekh Sacdi wuu aqbalay martiqaadkii asagoon wax diidmo ah muujin.

Maalinka uu dhacayey damaashaadka arooska gabadha, ayaa aabbaheeda iyo dad kaloo gacan siinayey raxan raxan u tubnaayeen albaabka laga soo galo guriga xafladda. Dadka la martiqaaday ayey soo dhoweynayeen una sii gubnayeen qolka laga cunteeyo. Tijaariinta iyo dadkii ugu magac dheeraa magaalada Shiraas ayaa uga soo qeybgalay arooska si aan caadi ahayn. Cid walba oo aragtay xafladda wey la yaabtay dhaqalaha ku baxay iyo sida loo agaasimay intaba. Martidii oo isugu jiray rag iyo dumar, waayeel iyo carruur ayaa mid waliba wuxuu maalinkaasi soo xidhay dharka ugu quruxda badnaa.

Dumarka waxay soo xaadireen ayagoo ku labisan dharka xariirta ah isla markaana gacmaha, qoorta, iyo lugahana ay ka lushaan dahab, dheeman, iyo luul la xardhay. Carrurtiina waxaa loo soo xidhay kuulal dhaldhalaalaya. Raguna waxay ku soo labisteen dharkii ugu qaalisanaa geyigaa xilligaasi. Barafuuno iyo wax walba oo la isku carfiyo ayaa laysku soo shushubay intaanan xafladda la tegin. Sheekh Sacdi wuxuu xafladda lasoo galay dhar aan sidaa indhaha usoo jiidan oo aan bilic fiican lahayn.

Sheekh Sacdi wuxuu istaagay meel xooga ka yara durugsan albaabkii laga soo gelayey wax dheg jalaq usiisayna ma uusan arag. Wuxuu islahaa waa laguu immaanayaa oo gacanta ayaa lagu qabanayaa sida dadka tijaariinta ee qaddarinta mudan loo soo dhoweynayey oo kale. Xitaa ninkii martiqaadka horboodaye waxba shuqul iskama gelin Sheekha meesha taagan oo danihiisa ayuu iska watay.
Sheekh Sacdi markuu arkay sida wax usocdaan, ayuu si tartiib ah isaga huleelay xafladdii. Wuxuu abbaaray dukaan laga ijaarto dharka aroosyada. Markuu dukaankii tagey ayuu codsaday in laga ijaaro dhar dahab ku xardhanyahay. Wuxuu kaloo dalbaday duubka madaxa lagu xidho oo aad iyo aad u qurux badnaa. Wuxuu haddana ku labistay sheey dhexda lagu xidho oo sida suunka oo kale. Markuu dharkii isku hubsaday, ayuu muraayad isku eegay. Wax kastoo uu xidhnaa ayaa cajabiyay. Intuu lacagtii ijaarka iska baxshey ayuu halkii kasoo dhaqaajiyay oo soo abbaaray goobtii xafladda.

Markuu hoolkii xafladda soo galay ayaa loo soo dhoweeyay si ka daran sidii dadkii hore ee taajiriinta ahaa. Mashxarad iyo sacab ayaa hoolkii qabsaday. Odeygii gabadha dhalay ayaa Sacdi shafka shafka usaaray oo dhabanada ka dhunkaday una riyaaqay Sacdi dharkii uu xidhnaa. Kadib, martisoorihii oo cod dheer ku hadlaya, ayaa ogeysiiyay dadweynihii in qofka hortaagan yahay,  gabyaagii caanka ahaa ee Sheekh Sacdi. Markaasaa hal mar lawada istaagay oo loo mashxaradeeyay loona sacabeeyay sidii boqor oo kale. “Saaxiib, maxaa kugu dhacay oo aad sidaa ugu soo habsaantey”?, ayaa la weydiiyay Sheekh Sacdi. Sheekhu shib buu iska yidhi oo waxba ma uusan odhan. Waxaa Sheekha loo sheegay in uusan waxbo hagaageen la’aantiisa habeenkaasi.

Sheekhu oo aan weli hadlin ayaa gacanta laqabtay oo la geeyay halkii uu habeenkaasi fadhiisan lahaa. Meel aan buuq iyo tafash lahayn oo loogu talogalay raggii ugu caansanaa magaalada Shiraas ayaa lagu hubsaday. Wax yar kadib waxaa la keenya cunto nooc walba leh cuntadaaso la taxay roogag qurux badan oo lagu dangiigsado. Waxaa jiqilada Sheekha loo dhigay firshaan iyo barkimooyin aad u raaxo badan. Martisoorihii ayaa unoqday sheekha adeege. Sheekha waxaa lasoo hordhigay faroxal, bariis udgoon badan, maraq, qudaar, hilib, iyo ceesh si fiican loosoo dubey.

Intaasi kadib, ayaa waxaa dhacday arrin yar oo sheekha qabsatay. Qamiiskii qaaliga ahaa ee sheekha xidhnaa ayaa ku daatay xoogaa baraq ama suugo. Qeyb idil oo qamiiskii sheekha ayaa noqday dheecaan maliiqan. Intuu xoogaa bariis ah gacanta ku qaatay ayuu Sheekh Sacdi ku kor firdhiyey halkii suugada kaga daatay asagoo qamiiskii ku odhanaya, “hoo, kani waa muraad adiga laguugu talogalaye ee ku raaxeyso”.

Martiidii oo dhammi ayaa hal mar dhankii Sheekhi soo wada eegay ayagoo la yaaban hadalka sheekha kasoo yeeray. Martisoorihii oo careysan ayaa ku buuqay sheekha wuxuuna ku yidhi, “maxaa dhacay oo ma waalantahay ee sidee ayuu qamiisku ku cuni karaa cunto”? Wuxuu dabadhigay su’aasha ah, “Sababta aad qamiiska u cunsiineyso cuntada maxay tahay”? Sheekhi ayaa si deganaansho ay ku dheehantay ugu jawaabay, “waxaan la yaabanahay su’aalahan aad iweydiineyso”.


Sheekh Sacdi ayaa martisoorihii ku yidhi, “sowma ahid kii i inkiray markaan dharka caadiga xidhnaa”? Waxaan arkaa in aadan wax dan ah ka lahayn dadnimadeyda ee aad daneyneyso keliya dharka ama labiska aan xidhnahay. Waxaan hadda daremayaa ixtiraam gooniya maadaama aan dhar qurxoon soo xidhay. Sheekhi ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo gebogebeeyay, “Xafladdan aniga layguma talogelin ee waxaa loogu talogalay dharkeyga”.

Farsamoyaqaankii Naftiisa Khayaanay

Nin farsamayaqaan ah oo taqasus dheer ulahaa faryaamada iyo dhismaha guryaha ayaa wuxuu gaadhay xilligii uu geli lahaa hawlgabnimo da’ lasoo deristay awgeed. Qoladii uu ushaqeynaayey ayuu ku wargeliyey in uu shaqada ka fadhiisanayo maadaamo uu cagacageynaayo da’ aad u weyn isla markaana uu doonaayo in inta ka hadhay cimrigiisa uu ku noolaado deganaansho iyo raaxo aan rabash lahayn. Waxa keliya ee uu tebi goortuu shaqada ka fadhiisto ayaa waxay ahayd lacagta mushaharada ee uu qaadan jiray si aan kalago’ lahayn.

Qoladii uu ushaqeynaayey ayaa waxey ka codsatay, kana dalbatay in mar keliya uu guri u dhiso intaa uusan shaqada ka fadhiisan. Farsamayaqaankii wuu ka aqbalay codisgoodii inkastoo uu ku wargeliyay in shaqadaasi ay noqon doonto shaqada ugu dambeysa ee uu faraha la gelaya kadibna uu shaqada ka ruqseysan doono ayadoo soo laabasho dambe aysan jiri doonin.

Maadaama uu niyadda ku hayey aayatiin wacan iyo nolol barwaaqo leh oo dambe, farsamayaqaankii ma uusan siin wax tixgelin ah shaqadii la faray. Wuxuu noqday qof maankiisa maqanyahay oon wax kala ogeyn. Wuu gaabiyay oo xirfaddii lagu yaqiin ayuu sahwiyay. Si qalqaloocan ayuu hawshan dambe ufarsameeyay. Micnaha wax dareen ah ama jaceyl uma uusan hayn. Mar un iska dhammeystir oo dedeji ayuu islahaa. Qalabka uu wax ku dhisayey ayaa wuxuu ahaa mid tayo xun. Waa nasiib darro in gebagebadii shaqada uu si xun uqabtay asagoo fiiro gaar ah siin oo aan ka baarandegin wuxuu falayey.

Hawlihii guri dhiska markuu bogay, ayuu wacay qoladii si uu guriga isaga wareejiyo. Qolooyiinki markey yimaadeen, ayey ku wareejiyeen waraaqo muujinaya in asaga milkile ka yahay guriga. Waxaa loo siiyay abaalmarin ahaan maadaama uu shaqo wanaagsan soo qabtay intuu qolyahaasi uu shaqeynayey. Waxaana lagu yidhi goortii waraaqaha lagu wareejinayey, “kan waa gurigaaga, waana haddiyad.”

Farsamayaqaankii wuu naxay wuxuuna isu arkay inuu fadeexoobay. Keliya hadduu ogaan lahaa guriga uu dhisayey in uu yahay gurigiisa, wuxuu sammeyn lahaa dadaal dheeri ah oo wuxuu taagi lahaa guri aan dunidan lagu arag ama abidkiis uusan dhisin.


Hawlaheenna adduun waxaa lagu matali karaa shaqada farsama yaqaankan oo kale. Allaah wuxuu dunidani noo keenay in aan caabudno sifa guryo aan dhaxalno uu jannada nooga sameeyo. Haddaba, waa inaan udiyaargarownaa sidaan ku hantiyi lahayn jannooyiin iyo guryo kuyaal meel aan lahayn geeri iyo rafaad dambe. 

Battles of the Past

Introduction First and foremost, I would like to inform our ardent reader that I started writing this book on the 23rd of August, 2024. The...