Friday, August 30, 2013

Labo Kala Daran

W/Q Aadan Makiina



Waa xilli waaberi ah carruurtiina wey baahanyihiin. Hooyadood Mama Mwikali waxaa la soo dersay xaalad adag maadaama aysan faraha ku hayn wax raashiin ah oo ay ilmaha dabka u saarto. Yar iyo weynba waxay ku dhawaaqayeen, “Mama ee tunataka chakula” (hooyooy cuntaan rabnaa). Odeyga ay wada noolyihiin oo la yidhaahdo Kioko ayaa isla xilligaasi shaqo isu diyaarinayey. “Kioko ee”, ayey ugu yeedhay Mwikali odeygeeda. “Ee” ayuu ugu jawaabay xaaskiisa. “Naata ee” (see tahay ama iska warran) intay ku salaantay ayuu ugu jawaabay “nekuseo muno” (waan fiicanahay). 

Mwikali waxay u sheegtay ninkeeda in ilmaha aan dab loo shidin oo gaajo baahsan ay guriga ka jidho. Wuxuu u sheegay Mwikali bal in ay digsi biyo ku shubto dabadeedna ay dabka saarto illeyn wuxuu soo indho indheynayaa xaafadda Eastleigh oo ay Soomaalida ku badantahay. Intuu si degedeg ah u labistay ayuu aaday saldhigii booliska kana soo qaatay qori cabbeysan oo G3 ah. Asagoo ay la socdaan labo askari oo saaxiibadiisa ah ayey xaafaddii Easteleigh dalag yidhaahdeen oo galeen.

Odey Xandulle waaga ayaa asagana ugu baryey xaafadda Eastleigh. Xaaskiisa Muxubo oo saalaaddii subax ay wada tukadeen ayaa usheegtay in caarruurtu gaajeysanyihiin. Wuxuu ku yidhi xaaskiisa, “bal digsi biyo ku shuboo dabka saar waxaan noo raadinayaa shaxaade”. Halkii buu ka shiraacday wuxuuna cagta saaray waddo gashoxaafadda Islii (Eastleigh) ee Soomaalida caan kutahay magaalada Neyroobi. Wuxuu guriga kaga soo tegay xoogaa qaad ah oo uu xaleyto kasoo shaxaaday saaxiibadiisa. Qaadkuna kuma filleyn sigaarna maba uusan haaysan. Sida keliya maalinkaasi uu ku murqaami lahaa waa isagoo raadsada xoogaa shaxaad ah.

Kioko oo ay saaxibadiisa la socdaan iyo odey Xandulle ayaa ku kulmay meel goolad ah. “Wee Waryaa simama” (waryaa istaag), ayaa la amray Odey Xandulle oo argagaxsan. “Balo, waar maxay ahaayeen waxu”, intuu yidhi ayuu socodka joojiyay. “Lete kipande” (keen waraaqahaaga aqoonsiga) ayaa isla markiiba la amray. Kaar aqoonsi ah oo sharciyeysan intuu jebadda kala soo baxay ayuu udhiibay Kioko. “Hii ni fake (kani waa faalso), twende station (inakeen saldhiga), nitakufunga” (waan ku xirayaa), ayaa lagu yidhi Odey Xanduulle oo ay xaajadu ku xumaatay. Nasiib wanaag, Odey Xandulle wuxuu meel dheer ka arkay Odey Magan Qadiid oo in muddo ah ay saaxiibo ahaayeen. Wuu udhawaaqay. Odey Xandulle intuu afka furtay buu ku qaayliyay, “waar Magaanoow isoo gaadh”. Wax yar kadib Magan Qadiid baa kasoo dul dhacay halkii lagu buuqsanaa. “Waar ina adeeroow 1,000 shilin ideemi anaa dib kaa siinayaaye”, ayuu Odey Xandulle ku calaacalay saaxiibkiis Magan Qadiid. Magan Qadiid intuu jeebka gacanta gelshay ayuu kasoo saaray 1,000 kii shilin ee saaxiibkiis ka amaahday. 

Odey Xandulle wuxuu Kioko farta ka saaray 500 shilin sidii ayuuna xorriyaddiisa ku helay maalinkaasi. Asagoo dheg la qabto lahayn ayuu Odey Xandulle ku laabtay gurigiisi. 200 shilin buu udhiibay xaaskiisi. Isla markiiba waxaa lasoo gaday raashiin. Carruurtii gaajeysneyd maalinkaasi waa ay dhergeen. Odey Xandulle 300 shilin ee u soo hadhay buu ku iibsaday xoogaa qaad ah iyo sigaarkii uu ku dhuuqi lahaa. 

Askerigii Kioko ahaana wuxuu iska fasaxay saaxiibasiisa oo wuxuu markiiba aaday gurigiisa. Dherigii dabka la saaray markuu kasoo hayaamay gurigiisa ayaa la cabbeeyay oo loo helay raashiin ay quutaan carruurtiisa iyo xaaskiisa intaba. Guud ahaan Kioko wuxuu asagana xaaskiisa udhiibay lacag dhan 200 shilin oo Kinyaati ah. Lacagtii kale ee usoo hadhay wuxuu la aaday goobaha khamriga nooca Chang’aa la yidhaahdo lagu cabbo. Odey Xandulle iyo askeri Kioko dhibkii waa ka haaday maalinkaasi oo waxaa u dambeeyay murqaan iyo damaashaad

No comments:

The Horrors of Female Genital Mutilation

  By Adan Makina August 5, 2010 * This article contains graphic pictures illustrating the horrors of Female Genital Mutilation. Viewer d...