Sunday, August 11, 2013

Udugii la Xaday

Waxay ahayd xilli qorraxda sii galbaneyso ama sii dhaceyso. Garas Qoox wuxuu ahaa nin miskiin ah oo aan waxba haysan ama jeebadahiisa madhanyihiin. Maalinkaasi oo dhammi wuxuu ku howlanaa tuugsi iyo baadhitaanka qashin qubka sifa uu uga helo wax uu quuto. Nasiib darro waxba uma hagaagin. Garas Qoox wey la noqonweyday in uu habeenkaasi gaajo ku seexdo. 

Galab carrawgii ayuu is yidhi bal maad sii indho-indheysid maqaaxiddii uu lahaa maalqabeen Teneg bin Barmiil. Wuu kusoo laabtay oo abbaaray tenegii qashinka lagu uruurin jiray. Cabbaar ayuu ku dhexjiray oo qashinkii rogrogay. Mise wuxuu ka helay gabal roodhi ah oo ingegan. Wuu la fadhiistay sifa uu u cuno. Waa ay u dhadhami weyday. Wuu fekeray siduu suugo ama fuud uu ku cuno ku heli lahaa. Maqaaxidda maba geli karo oo waaba la cayrsanayaa oo Teneg bin Barmiil ayaaba diyaar u ah oo dilaya cid kastoo kusoo xadgudubta hantidiisa. 

Qaddar markuu ruugay roodhigii, ayuu goostay inuu ka faa'ideysto uduga raashinka ee sankiisa kusoo dhacaya. Wuxuu maskaxdiisa iyo qalbigiisaba ka dhaadhiciyay in roodhiga uu ku cuni karo udgoonka cuntada ee ay dabeysha uga soo gudbineyso jikada maqaaxidda. 

Halkii uu taagnaa ayuu isaga huleelay maadaama uduga ahaa wax u dhadhamaya sida cajiinka canjeerada. Dariishad kale ayuu ag istaagay wuxuuna ka dareemay dhadhan cambuulo. Madaxa intuu gilgilay ayuu ka dhaqaajiyay. Dariishad kale ayuu isku gaddaamay waxaana usoo dhadhamay wax sida calooleeyda ah. Dariishaddii u dambeysay ayuu isku aadiyay mise waaba hilibka loo yaqaan aroosto oo lagu shiilaya basal iyo wixii qudaar ahaa. 

Halkii ayuu raamsi ka bilaabay. Wuu la qabsaday oo cuntadii ayaa ubaxday. Mar uu kalabar marayo oo uuba dhereg udhowyahay, un buu hal mar ka war helay qof dul taagan oo ku qaayliyaya oo leh, "tuug, tuug dhale udgoonka cuntadeyda ayaad ku raaxeysaneysaa miya"? Isla markiiba kulleetiga shaarka ayaa lagu dhegay Garas Qoox waxaana lagu xidhay qol maqaaxidda kamid ah.

Qaddar yar kadib, Teneg bin Barmiil ayaa wuxuu wacay booliska oo si deg deg ah ku soo gaadhay goobtii. Teneg bin Barmiil dacwaddii ayuu ugudbiyay booliska taasoo ahayd in Garas Qoox sanka ku dhuuqay wixii udgoon ahaa ee maqaaxidda jikada kasoo burqanayey. Eedeeysane Garas Qoox waxaa loo dhaadhiciyay saldhiga booliska halkaasoo kiiskiisa lagu qoray buugga dhacdooyiinka ee loo yaqaan Occurrence Book ama OB. 

Tobankii aroornimo maalinkii dambe ayaa Garas Qoox oo dhafoorrada ay isku dumeen, dhuxulo naareedna daacaya gaajo iyo masaariif la'aan awgeed la horkeenay xakiim Cantara Baqash. Dacwaddii ayaa loo akhriyay Garas Qoox wuxuuna maxkammadda horteeda ka qeexay in uu falay dembiga lagu soo oogay. Xakiimkii ayaa ujeestay dhankii Teneg bin Barmiil, wuxuuna ku yidhi, "Teneg bin Barmiiloow isoo eeg oo ha udeymo la'aan falka aan fali doono". Teneg bin Barmiil waxaa la faray in uu dhegaha iyo indhahaba kala furo.

Xakiimkii ayaa wuxuu jeebka kala soo baxay shilin markaasuu weeydiiyay Teneg bin Barmiil in uu ujeedo iyo in kale. Teneg bin Barmiil wuxuu sheegay inuu ujeedo shilinka. Xakiimkii intu gacantiisa kor ubaaciyay ayuu shilinkii kor utuuray. Dhammaan waxaa lawada maqlay dhawaaqa shilinka oo ahaa, dhalalalalalalalalalalay...

Xakiimkii ayaa wuxuu weydiiyay Teneg bin Barmiil bal inuu maqlay dhawaaqa shilinka. Markuu qirtay inuu maqlay dhawaaqa shilinka, ayaa xakiimkii wuxuu ka codsaday Teneg bin Barmiil inuu bixiyo qiimaha dhawaaqa shilinka maadaama asagaba uu dalbaday in ninka maskiinka ah uu bixiyo udeygii uu ka dhuuqay maqaaxidiisa. Maxkammaddii waa lagu kala tegey Garas Qodaxna sidaas ayuu xurriyaddiisa ku helay.

No comments:

The Horrors of Female Genital Mutilation

  By Adan Makina August 5, 2010 * This article contains graphic pictures illustrating the horrors of Female Genital Mutilation. Viewer d...