Saturday, March 21, 2015

Dabbaaldegga 20ka Maarso


Taariikhda shaleyto waxey aheyd 20 Maarso, 2015. Dadal badan ayaa laga dabbaaldegay 20ka Maarso. Waa maalinkii Nebruz. Magaca Nebruz waxaa kaloo loo yaqaan Nowruz, Norooz, Newroz, iyo siyaabo kaloo loo qoro. Waxaa inta badan laga dabbaaldegaa waddanka Iiraan, Turkiga, iyo dalal kaloo la jaar ah.
Dabbaaldegga Nevruz wuxuu billowday xilligii xukuumadihii la odhan jiray Achaeminids ee xukunkoodu lagu qiyaaso 530-330 Nebi Ciise (Caleyhi salaam) Ka Hor. Boqorkii ugu horreeyay ee meel dhiga dabbaaldegga maalinka Nowruz, wuxuu ahaa halyeygii la odhan jiray Saayraas (Cyrus the Great).
Haddaba 20 Maarso waxaa lagu yaqaan in qorraxda kulushahay waayo waxay ku sii socotaa xarriiq-beenaadka (imaginary line) ee loo yaqaan Ekwatooraha (equator) ayadoo hore usoo martay xariiqa konfureed Tropic of Capricorn. Intuusan sannadka dhammaan ayey qorraxda haddana tegeysaa xarriiq kale oo loo yaqaan Tropic of Cancer oo ku yaal dhanka woqooyi.
Tiirar-beenaadka loo yaqaan udub dhexaadka (poles) ee dunida ukala qeybiya labo dhan ama gabal ee cabbirkiisu yahay eber dhigirii (zero degree) wuxuu maraa magaalooyinka Akra (Accra) ee ah magaala-madaxda dalka Gaana (Ghana) iyo Landhan (London) oo ah caasimadda dalka Ingiriiska.
20ka Maarso waxaa laga gudbayaa xilligii jiilaalka ee qabowga badnaa ama abaaraha ba'an lagu yaqaan waxaana la gelayaa xilliga barwaaqada ama gu'ga ee geedaha caleemo yeeshaan dalaggana si fiican loo helo tacbashada kadib. Xayawaanno godad dhulka hoostiisa ku jiray baa soo baxaa oo haddana tarmaa ama dhaldhalaa. Waa xilliga dad iyo duunyaba damaashaado, shimbiraha noo ciyaan, badaha kululaadaan oo cayayaanka dunida kubato.
Laga billaabo Maarso 20keeda dalalka woqooyi waxay arkaan in qorraxda xilli hore soo baxdo, xilli danbena dhacdo. Dabbeyluhu waa kuwo deggan oo aan xawaara dheer ku socon inkastoo dabeyluhu xawaaraha kordhinayaan goorta la gaaro bisha Agosto oo ay socdaan illaa sannadka daba-yaaqadiisa. Waa xilliga duufanada iyo dabeylaha xoogga badan. Dabeylahaasina waa kuwa geedaha caleenta ka daadiya dhulkana xaaqa ama nadiifiya.
Nowruz oo afka Soomaaliga laoogu tarjumi karo Neyruus, waxaa billaabay dad raacsanaa diinta loo yaqaan Zoroastrianism ama Majuus-waa kuwa dabka caabuda e. Diinta Xoroastrianism-ka waxaa kaloo ku camal fali jiray xukuumadihii la kala odhan jiray Baartiyaan (Parthians) iyo Sasaniyiin (Sassanid). Baartiyaanka waxaa billaabay boqorkii Arsaces-kii Koowaad, Sasaniyiintana waxaa aas-aasay Ardashir-kii Koowaad-waana xukunkii ugu danbeeyay ee Farsiyiinta ama dhulkii la odhan jiray Beershiya (Persia). Kadib waxaa soo if baxay xukuumado Islaami ah.
Xilligii Achaemenids-ka ay xukumi jireen dhulkii Farsiga ee hadda loo yaqaan Iiraan iyo dalal kaloo badan, gobol walbo waxaa ka talin jiray boqor waxaana kasii wada sarreeyay boqor la odhan jiray Shahan Shah oo micnaheedu yahay Boqorkii Boqorrada. Boqorradani yar yari waxay Shahan Shah ukeeni jireen haddiyado xilliga dabbaaldegga Nevruz.
Dabbaaldeggani wuxuu saammeyn ku yeeshay madaahiib ku abtirsada diinta Islaamka kuwaasoo kala ah Ismaaciiliyiinta, Calaawiyiinta oo loo yaqaan Nuseyriyiin, Baxaayiinta oo raacsan Mirsa Xuseen Cali Nuuri, Suufiyiinta, Baabiis oo raacsan Seyid Muxammad Cali Shiraasi iyo Baktaashiyiin oo raacsan Xaaji Baktaash Weli.

The Horrors of Female Genital Mutilation

  By Adan Makina August 5, 2010 * This article contains graphic pictures illustrating the horrors of Female Genital Mutilation. Viewer d...