Showing posts with label Science. Show all posts
Showing posts with label Science. Show all posts

Tuesday, April 7, 2015

NAF JECLEYSI

Dad waxaa jiraa caabuda jirkooda, naftooda, hawadooda. Kuwa jirkooda caabuda waxay maalin kasta ku mushquulaan sidey jirkooda u wanaajin lahaayeen oo waxay sammeeyaan jimicsi xad dhaaf ah. Maalin walba waxay aadaan meelaha lagu jimicsado. Noloshooda waa shaqo iyo jimicsi, daawo la laqo oo qanjidhada iyo xididdada lagu kiciyo iyo kolba meel hor leh oo jirkooda ka mid ahi ay la tacaalaan.

Kuwo waxaa jira kastuuma yar dabada loogu xiro oo kolba dhinac loo rogroga dabadeedna la eego, la salsalaaxo, la masaajeeyo, la miisaamo oo ugu dambeyn sawirro laga qaado kadibna qiimeyn lagu sammeeyo.

Mar waxuu ka shaqeynayaa murqaha gacmaha, marna bowdada iyo kubka, marna barida, marna feeraha iwm. Waa shaqo joogta ah. Waxay cunaan cunto miisaaman. Waxay iska ilaaliyaan baruurta, borotiinka badan, sonkorta, hilibka jiirka ah iyo hilibka digaagga.

Culimada jir dhiska waxay yiraahdaan cuntooyiinka ku habbon jir dhiska waxaa kamid ah nooca kalluunka loo yaqaaan oyster, hilibka loo yaqaan saturated steak ee uu ku badanyahay dheecaan-biyoodka ama atamada (atoms) haydaroojiinka kuna yaryahay labo kaarboonka (double carbon) ama saddex kaarboonka (triple carbon), ukunta iyo yoogada ah caano fadhiya oo lagu daray kheyraad kale sida qudaar la shiiday.

Waxay kaloo si ba'an u cunaan cuntada leh qolfaha (fiber), liinta loo yaqaan grapefruit, beytaraafka (beetroot), badharka laga sameeyo xoolaha cawska cuna, mooska, iyo ugu dambeyn canabka.

Kuwa jecel naftooda iyo hawadooda waxay daba kacaan wax allaale wixii naftooda raaxo gelinaya sida galmada, guryo qurxoon, dahabka, dalxiiska, filimaanta ama shaneemooyiinka, is dhex galka ragga iyo dumarka ama is dhex mushaaxa aadanaha, damaashaadka, heesooyiinka iyo muusikada, xayawaanaadka, badaha, cimilada oo la daawado lana daneeyo, iwm. 

Saturday, March 21, 2015

Dabbaaldegga 20ka Maarso


Taariikhda shaleyto waxey aheyd 20 Maarso, 2015. Dadal badan ayaa laga dabbaaldegay 20ka Maarso. Waa maalinkii Nebruz. Magaca Nebruz waxaa kaloo loo yaqaan Nowruz, Norooz, Newroz, iyo siyaabo kaloo loo qoro. Waxaa inta badan laga dabbaaldegaa waddanka Iiraan, Turkiga, iyo dalal kaloo la jaar ah.
Dabbaaldegga Nevruz wuxuu billowday xilligii xukuumadihii la odhan jiray Achaeminids ee xukunkoodu lagu qiyaaso 530-330 Nebi Ciise (Caleyhi salaam) Ka Hor. Boqorkii ugu horreeyay ee meel dhiga dabbaaldegga maalinka Nowruz, wuxuu ahaa halyeygii la odhan jiray Saayraas (Cyrus the Great).
Haddaba 20 Maarso waxaa lagu yaqaan in qorraxda kulushahay waayo waxay ku sii socotaa xarriiq-beenaadka (imaginary line) ee loo yaqaan Ekwatooraha (equator) ayadoo hore usoo martay xariiqa konfureed Tropic of Capricorn. Intuusan sannadka dhammaan ayey qorraxda haddana tegeysaa xarriiq kale oo loo yaqaan Tropic of Cancer oo ku yaal dhanka woqooyi.
Tiirar-beenaadka loo yaqaan udub dhexaadka (poles) ee dunida ukala qeybiya labo dhan ama gabal ee cabbirkiisu yahay eber dhigirii (zero degree) wuxuu maraa magaalooyinka Akra (Accra) ee ah magaala-madaxda dalka Gaana (Ghana) iyo Landhan (London) oo ah caasimadda dalka Ingiriiska.
20ka Maarso waxaa laga gudbayaa xilligii jiilaalka ee qabowga badnaa ama abaaraha ba'an lagu yaqaan waxaana la gelayaa xilliga barwaaqada ama gu'ga ee geedaha caleemo yeeshaan dalaggana si fiican loo helo tacbashada kadib. Xayawaanno godad dhulka hoostiisa ku jiray baa soo baxaa oo haddana tarmaa ama dhaldhalaa. Waa xilliga dad iyo duunyaba damaashaado, shimbiraha noo ciyaan, badaha kululaadaan oo cayayaanka dunida kubato.
Laga billaabo Maarso 20keeda dalalka woqooyi waxay arkaan in qorraxda xilli hore soo baxdo, xilli danbena dhacdo. Dabbeyluhu waa kuwo deggan oo aan xawaara dheer ku socon inkastoo dabeyluhu xawaaraha kordhinayaan goorta la gaaro bisha Agosto oo ay socdaan illaa sannadka daba-yaaqadiisa. Waa xilliga duufanada iyo dabeylaha xoogga badan. Dabeylahaasina waa kuwa geedaha caleenta ka daadiya dhulkana xaaqa ama nadiifiya.
Nowruz oo afka Soomaaliga laoogu tarjumi karo Neyruus, waxaa billaabay dad raacsanaa diinta loo yaqaan Zoroastrianism ama Majuus-waa kuwa dabka caabuda e. Diinta Xoroastrianism-ka waxaa kaloo ku camal fali jiray xukuumadihii la kala odhan jiray Baartiyaan (Parthians) iyo Sasaniyiin (Sassanid). Baartiyaanka waxaa billaabay boqorkii Arsaces-kii Koowaad, Sasaniyiintana waxaa aas-aasay Ardashir-kii Koowaad-waana xukunkii ugu danbeeyay ee Farsiyiinta ama dhulkii la odhan jiray Beershiya (Persia). Kadib waxaa soo if baxay xukuumado Islaami ah.
Xilligii Achaemenids-ka ay xukumi jireen dhulkii Farsiga ee hadda loo yaqaan Iiraan iyo dalal kaloo badan, gobol walbo waxaa ka talin jiray boqor waxaana kasii wada sarreeyay boqor la odhan jiray Shahan Shah oo micnaheedu yahay Boqorkii Boqorrada. Boqorradani yar yari waxay Shahan Shah ukeeni jireen haddiyado xilliga dabbaaldegga Nevruz.
Dabbaaldeggani wuxuu saammeyn ku yeeshay madaahiib ku abtirsada diinta Islaamka kuwaasoo kala ah Ismaaciiliyiinta, Calaawiyiinta oo loo yaqaan Nuseyriyiin, Baxaayiinta oo raacsan Mirsa Xuseen Cali Nuuri, Suufiyiinta, Baabiis oo raacsan Seyid Muxammad Cali Shiraasi iyo Baktaashiyiin oo raacsan Xaaji Baktaash Weli.

Monday, October 6, 2014

Landforms Story

By Luqman Makina
Editor’s Note: The writer of this essay is a 7th grader who is interested in  animal and physical sciences.
____________
It all started while I was hiking a trail in Colorado; I went up some rocks and kept going. I looked around to see where I was. It seemed like I was near a canyon. I kept going to see where I would end up. After a long while, I saw a small stream that looked like it was connected to a lake. I kept going to see where it would lead me. When I made it to the end, it was connected to a river which must have been connected to a larger body of water.
The next day, I went hiking some more to see what I would find. It seemed that the region was mostly made up of water. I went another way this time; this way went to a deserted area with a lot of sand. I looked around to observe the area. I found that the island where I was near was surrounded by water. I kept going and eventually saw a volcano. It was inactive though. As the time went by, I kept seeing all these different landforms.
LandformsLater on the day, I was hiking some more and saw that there was all this movement going on around me. There were animals interacting with each other. I saw all these different types of animals looking for food.
There were young animals running around interacting. Eventually I left and kept moving.
The next location I went to was a forest that was full of all these trees. I decided to look around and see what my relative location was. I was five trees to the left from the back entrance. As I looked around, I went a little further down and saw a valley. Near it was a mountain that stretched along the back of the valley. I decided to climb the mountain and see where I would end up.
The further I went around the island, the more landforms I saw. The next day I went to continue my hiking and found a beach. Along the shore were some eroded rocks which had been caused by movement of the ocean. The rocks kept going higher and higher and around until I was back where I had started. I went another path down to the other beach.
As I was walking, I went back to the forest and saw that there were animals running around looking for each other. There was a little fence that said it was made for the animals to be protected. This seemed like HEI which stands for Habitat Enhancement Initiative. I kept going and found another river except this one went into a bigger river. It must have been a tributary with the two rivers. At the end of the day, I went back home.
Luqman Makina
This article appeared on www.wardheernews.com 

Battles of the Past

Introduction First and foremost, I would like to inform our ardent reader that I started writing this book on the 23rd of August, 2024. The...