Map of the World

Map of the World
Our World

Tuesday, April 7, 2015

NAF JECLEYSI

Dad waxaa jiraa caabuda jirkooda, naftooda, hawadooda. Kuwa jirkooda caabuda waxay maalin kasta ku mushquulaan sidey jirkooda u wanaajin lahaayeen oo waxay sammeeyaan jimicsi xad dhaaf ah. Maalin walba waxay aadaan meelaha lagu jimicsado. Noloshooda waa shaqo iyo jimicsi, daawo la laqo oo qanjidhada iyo xididdada lagu kiciyo iyo kolba meel hor leh oo jirkooda ka mid ahi ay la tacaalaan.

Kuwo waxaa jira kastuuma yar dabada loogu xiro oo kolba dhinac loo rogroga dabadeedna la eego, la salsalaaxo, la masaajeeyo, la miisaamo oo ugu dambeyn sawirro laga qaado kadibna qiimeyn lagu sammeeyo.

Mar waxuu ka shaqeynayaa murqaha gacmaha, marna bowdada iyo kubka, marna barida, marna feeraha iwm. Waa shaqo joogta ah. Waxay cunaan cunto miisaaman. Waxay iska ilaaliyaan baruurta, borotiinka badan, sonkorta, hilibka jiirka ah iyo hilibka digaagga.

Culimada jir dhiska waxay yiraahdaan cuntooyiinka ku habbon jir dhiska waxaa kamid ah nooca kalluunka loo yaqaaan oyster, hilibka loo yaqaan saturated steak ee uu ku badanyahay dheecaan-biyoodka ama atamada (atoms) haydaroojiinka kuna yaryahay labo kaarboonka (double carbon) ama saddex kaarboonka (triple carbon), ukunta iyo yoogada ah caano fadhiya oo lagu daray kheyraad kale sida qudaar la shiiday.

Waxay kaloo si ba'an u cunaan cuntada leh qolfaha (fiber), liinta loo yaqaan grapefruit, beytaraafka (beetroot), badharka laga sameeyo xoolaha cawska cuna, mooska, iyo ugu dambeyn canabka.

Kuwa jecel naftooda iyo hawadooda waxay daba kacaan wax allaale wixii naftooda raaxo gelinaya sida galmada, guryo qurxoon, dahabka, dalxiiska, filimaanta ama shaneemooyiinka, is dhex galka ragga iyo dumarka ama is dhex mushaaxa aadanaha, damaashaadka, heesooyiinka iyo muusikada, xayawaanaadka, badaha, cimilada oo la daawado lana daneeyo, iwm. 

No comments:

Somalia's Beauty of the Past

  Somalia is a Horn of Africa nation bordering Ethiopia, Djibouti, Kenya and the Red Sea and the Indian Ocean and endowed with assortments o...