Showing posts with label Corruption. Show all posts
Showing posts with label Corruption. Show all posts

Friday, January 22, 2016

TANOO KALE WELI LAMA ARAG!

Waa odey dhaqameedyo dhaqdhaqaaqoodu sii laba jibaarma xilliyada doorashooyinka ay dalka ka curtaan. Waa xillliga dakhliga ugu badan ay soo xareeyaan-dakhligaasoo ay u isticmaalaan si lid ku ah dhaqanka suuban.
Dhagarta iyo hagardaamooyiinka soo jireenka ah ee ay kula kici jireen bulshada ay matalaan, ayaa dib ugu soo butaacay kuna dhaliyey dhammantood dhaawacyo halis ku noqday jiritaankooda dadnimo iyo caafimaadkooda guud.
Maadaama ay bahaloobeen kana fogaadeen tabaha toosan, waxaa mid waliba lagu ibtileeyey xanuunno ama cudurro ayaga u gaar ah. Dabcan, xumaanloowga madax-ku-sheegga ah, ma dhergo mana dheefo, ayaatiin wacanna kuma noolaado.
Xaqa dadweynaha oo lagu tuntaa waxey horseeddaa shallaayto siyaabo badan u aafeeysa ka ismooday in uu ku waaraayo barwaaqo beytimaal badan inta uu addunka dul wadhan yahay.
Hunguri weyne iyo keligiii haayste waa labo garasho yar, waayo xitaa haddii ay isa soo caseeyaan sida shimbirka Daa'uuska la yidhaa, oogadooda waxaa wasakheeyaa Ibleys har iyo habeen diyaar u ah in uu kala dhantaalo nadaafaddooda iyo caafimadkooda guud.
Haddaba akhristow, bal aynu eegno sidii loo ciqaabay ama loo abaalmariyey saddex waayeel oo si xun u daajiyey beelihii ay hoggaanka u hayeen.
Kii Qoorta Laga Qalay
----------------------------
Ninkani wuxuu ahaa keligii cune aan cidi kale u ogoleyn dheef iyo dheecaan intuba. Wax kastoo uu soo jabsada xilliga doorashooyinka, lacagi haba ugu badnaatee, inta maro ku duuduubo, ayuu ka dhigan jiray barkin.
Goortuu ka hayaamaya gurigiisana, wuu xaseysan jiray barkintaasi qaaliga la aheyd. Cabbaar ka dib, qoortii ayaa laga soo baxay-baxdintiina waxey isu beddeshay nabar dheecaan iyo dhusuq badan.
Wuxuu gu'yaal badan qoortiisi buktay qariyaba oo uu ahaado bukaan socod, ugu danbeyn cudur baa soo riday wuxuuna noqday bukaan jiif bilqan cusbatal qaddiimi ah.
Ninkani keligii quutaha ahaa, goor danbe ayaa lagu sammeeyey qalliin-qalliinkaasoo ku dhaafay calaamad ama nabar fool xun oo uusan abidkiis illoobin.
Kii Kilkisha Laga Qalay
------------------------------
Ninkani shiliinkuu soo dhacsdaba, inta cimmaamad ku duuduubo ayuu kilkisha ku keydsan jiray. Weligii intuu cimmaamaddaasi dhul ku fidiyey kama dhigan salli uu ku tukado salaadaha faralka ama kuwa sunnada intuba.
Kilkishiisa ayaa u aheyd bank ama keydka hantidiisa. Hadduu maqaaxi ka cunteynaayo, inta musqusha galo ayuu kala soo bixi jiray xoogaagii uu isaga bixin lahaa cuntada iyo marduufkii uu ku mirqaami lahaa.
Haddaba, in muddo ah kadib waxaa kilkishiisi ka soo baxay nabar weyn illaa uu gacantii qaadi waayo. Cimmamaddii inta xamili waayey qaadashadeeda, ayuu gebigeedaba xaafaddiisa meel ka mid ah isaga xaseeyay.
Markuu u dulqaadan waayey xanuun iyo taah badan oo aan kala go' laheyn, ayuu cusbatalka is geeyay. Waa la qalay waxaana laga lisay dhiig iyo malax is wata, waxaana laga jaray baruur qudhuntay iyo qanjidho waaweyn. Gacantii wuu ka naafoobay. Wax badso, wax beel ayey leedahay!
Kii Naaska Laga Qalay
-----------------------------
Shilinkuu helaba, wuxuu ku shubi jiray jeebado waaweynoo xabadkiisa ka dul tolnaa. Illeyn raggu ma laha naaso dumaree, shaf-biciidle wuxuu ragga kale kaga duwanaa shafkiisa oo u ekaaday ka hablaha oo kale. Tamashleyn iyo findhicilsi aan qarsooneyn, qosol been ah iyo sheeko qaras ah waa ta gaarsiisay garaad uusan laheyn.
Illeyn waa nooca Ibleys u sacabbo tumo e', ninkii is qaadqaadka badnaa ee jeebadaha weynaa, heer wuxuu gaadhay xabadkii uu lacagta ku shubi jiray, in ay ka soo baxaan labo naasoodo midkiiba ka weyn midhaha qaraha.
Haba iska weynaadaane, waxaa intaa u sii dheeraa dildillaac iyo dheecaan aan kala joogsi laheyn. Wuxuu gaadhay heer sanka laga qabsado, inaan salaanta laga qaadin, iyo in la takooro sida doofaarka nijaasada badan.
Waa adduun tegey ta maanta aynu joognee, ta keliya uu ku fakaday waa horumarka laga gaadhay caafimaadka. Asagoo laga labbalabboonaya, ayaa ambalaans lagu qaaday lana dhigay keyd caafimaadoo ka ag dhowaa gurigiisa.
Qalliin qaatay sacado kadib, waxay dhakhaatiirtii ku guuleeystaan in ay badbaadiyaan naftiisi kana soo saaraan naas waliba wax ka weyn badhi idaad kana yar kuruska geela. Ninkii xabadkaa weynaa ee jeebadihiisa maaxi jireen sida ceel aan gudhin, wuxuu noqday sida fiidmeertada habeenkii socota, illeyn filimadii uu jili jiray maalinkii ayaa ka galay god mugdi ah oo aan la baacsan karin xilliyada cadceedda si talantaallis u ganta fallaaraha firdhisan.

Friday, December 10, 2010

Century of Corruption

Overview of the Corruption Perceptions Index (...Image via Wikipedia

Corruption is a dangerous human interaction and has been in existence ever since the formation of human settlements. It is common for people regardless of sex or gender to indulge in selfish dealings. However, some nations are more corrupt than others. It all depends on the type of administration, the tautness of the constitution, the seriousness of authority in power, and the inflexibility of law and order.

Democratic nations are less likely to be corrupt and also less likely to descend into chaos while totalitarian regimes tend to be more lax and ineffective in fighting corruption of all types of vice. Authoritarian regimes usually compose of a cornucopia of unprofessional and untrained cadres who initially seized power by unconstitutional means. Corruption is more common in the global south or in developing countries than in the global north where leaders in power are more responsible and are known to uphold the rule of law. Corruption is most critical in flawed democracies, communist nations, and theocratic countries. In developed countries, corruption is rife in insider dealings, among lobbyists, and those who survive on commissions.

Once the police force of a nation is corrupt, dishonesty will seep to all sectors of society. Policemen and policewomen who solicit bribes may set a bad precedent for an entire nation. These are the people who are supposed to be setting good examples or act as role models in the first place. According to Transparency International (TI), Somalia, Chad, Angola, Iraq, Myanmar, Sudan, Turkmenistan, Uzbekistan, and Afghanistan top the list of the most corrupt states. Since 1995, TI has published the Corruption Perceptions Index (CPI). Despite criticism of the validity of method used by TI, TI continues to sound bells on countries perceived to be the most corrupt.

The latest report by TI lists the Kenya Police as the most corrupt institution in the country. 92% of respondents in the country reported to have bribed police officers. However, corruption in Kenya is not only restricted to the police force; in fact it has affected all sectors of society. It is everywhere.
Enhanced by Zemanta

Saturday, October 31, 2009

Kenya Must Eradicate Corruption to Flourish


The major factor hindering development in Kenya is the widespread corruption visible in every sector of the economy. Corruption is so prevalent in this East African nation such that it has become an eyesore that refuses to heal because government officials remain behind its proliferation. Transparency International regards Kenya to be in the top list of the most corrupt countries in the world. Kenya's Economic Freedom Index (EFI) is also at its lowest ebb. The Kenya Human Rights Commission and the Anti-Corruption arm have voiced concern at how corruption is eating away the vital fibers of the economy. Kenya's poorly paid police are at the forefront of spreading corruption.

The most eye-catching incident involved the arrest of traffic police officers caught in the act of receiving bribes from motorists. The men and women who took the oath of allegiance to the constitution to maintain law and order fell to the dragnet after being caught red handed soliciting bribes on major highways. Some of these officers were caught on tape and are now awaiting sentencing before a court of law.

Battles of the Past

Introduction First and foremost, I would like to inform our ardent reader that I started writing this book on the 23rd of August, 2024. The...