Map of the World

Map of the World
Our World

Thursday, June 30, 2016

JINNI IYO INSI IYO SHEEKO JACEYL

Nin Insi ahaa ayaa wuxuu qabay labo haween ah oo mid ay aheyd Insi, ta kalena, Jinni. Haweeneeyda Inisiga ah waxay u dhashay saddex wiil, halka ta Jinniga aheydna, hal wiil. Odeygii labadan qoys maamuli jiray ayaa waxaa soo riday geeri maadaama uu gaboobay.

Wiilkii Jinniga iyo Insiga iska dhalka ahaa ayaa wuxuu jeclaaday gabadh aad u qurux badneyd oo aheyd Jinni. Hooyadii dhashay ayuu wiilkii u soo bandhigay jaceylka hayo iyo gabadha u eg sida dayax shan iyo toban ah, indho deero leh, dahabna lagu mitaali karo. Hooyo waa lama huraanee, waxay kula talisay in arrinkaasi ay u soo bandhigto walaalahiisa Insiga ahaa, sidii ayuuna yeelay.

Saddexdii walaal ee Insiga ahaa ayaa waxay walaalkoodi Jinka ahaa ee jaceylka soo riday ku war geliyeen in dhammaantood ay arrinkaasi kala xaajoodaan adeerkood oo la odhan jiray Mataan Qoolleey oo asaguna Insi ahaa. Kadib markey adeerkood uga sheekeeyeen xaalku siduu yahay, ayey dhammaantood safar galeen oo abbaareen dhankii gabadhii Jinniyadda aheyd ay ku nooleeyd ayagoo u siday eheladeedii iyo qaraabadeedii , haddiyad qiimi badan.

Geel Xanuunsan iyo Mid Fayoow

Waxey cagta, cagta saaraan ba, waxay soo galeen dhul Jinka ka taliyo oo wax Insi ah aan laguba arag. Waxay arkeen labo kooxood oo geel ah oo qaarkood gaboobeen oo innaba wax shanqadh ah ayan ka muuqan gabow awgeed iyo koox kale oo burraaqoonaya da' yaraan awgeed. Saddexdii wiil ee Insiga ahaa mid kamid ahaa ayaa arrinkii la yaabay oo cudur daartay, wuxuuna codsaday in la fasaxo oo uu ku laabto halkii ay ka soo hayaameen kal hore, waana laga aqbalay.

Saddexdii Ceel ee Cajiibka Badnaa

Safar kale ayey galeen oo hore u sii dhaqaajiyeen. Waxa xilligan wada socda waa wiilkii Jinka ahaa, labadii wiil ee Insiga ahaa iyo adeerkood. Cabbaar waxay socdaan ba, waxay arkeen saddex ceel. Labada ceel ee dhinacyada jira biyo ayey isku tuurtuuraayeen, halka ka dhexena uu madhnaa ama ingegnaa. Wiilkii Insiga ahaa ee labaad ayaa khalkhal galay wuxuuna codsaday in laga raalli ahaado oo uu dib ugu laabto degmadii ay ka soo kicitimeen billowgii safarkooda, waana laga yeelay. Waxaa isku soo hadhay hal wiil oo Insi ah, wiilkii Jinka ahaa iyo adeerkood

Jinnigii Tunka Weynaa

Xoogaa markey socdeen, ayey arkeen nin Jin ah oo gooynaya ama dumminaya geed baaxad weyn, deetana qaadi kari waayeey. Wax yar kadibna, Jinkii intuu sagaal geed oo kale wada jaray ama dumiyey, hal mar wada xambaaray. Halkii wiil ee Insiga ahaa ee soo hadhay ayaa wuxuu codsaday in loo sabro oo halkii uu horraan ka imi ku laabto, waana laga ogolaaday. Waxaa soo hadhay adeerkii iyo wiilkii Jinka ahaa.

Isbedel Jawi Deegaan

Wiilkii Jinka ahaa iyo adeerkii ayaa hal mar dareemay isbedel jawi oo waxay ku soo baxeen qaryad leh geedo aysan hore u arag, bilic cusub, cadeceed iyo ileys cajabiyey, shimbiro leh muuqaal iyo midab noocyo badan, iyo ugaadh iyo xoolo kaga yaabshey. Waxay muuqaal walba milicsadaanba, ugu danbeyn waxay u tageen aabbihii dhalay gabadhii loo dan lahaa. Salaan kadib, odeygii gabadha dhalay ayaa wuxuu u yeedhay gabadhii oo wuxuu faray in martida ay u keento gogol ay ku fadhiistaan. Wax yar kadibna gabadhii weey keentay wixii la faray.

Wax Weydiin Ogaal

Adeerkii wiilka la socday, ayaa wuxuu weydiiyey duqii Jinka ahaa ee gabadha dhalay, bal inuu wax uga sheego waxyaabihii layaabka badnaa ee ay la soo kulmeen intey safarka ku soo jireen. Wuxuu weeydiiyey geelii xanuunsanaa iyo kii fayoobaa, saddexdii ceel, iyo Jinkii tunka weynaa.

Waayeelkii Jinka ahaa ayaa mid mid u kala saaray waxay ahaayeen waxay soo arkeen:

  1. Geeli xanuunsanaa waxay muujinayeen odayaasha oo aan la dhageysan doonin hadalkooda loona diidi doono wax xukun ah ayadoo kuwii caafimaadka qabay ahaayeen dhallinyaro kuwaasoo la wareegi doono xukun walba, waana calaamadaha muujinaya in Qiyaamaha soo dhowyahay.
  2. Saddexdii ceel ee labo biyo isku tuurtuurayeen kii dhexda ku jireyna ingegnaa ama madhnaa waa taajiriinta oo wax isa siinaya, is caawinaya, is gargaaraya; halka ceelkii dhexda ku jiray ee madhnaa ahaa dadka danyarta ama masaakiinta oo la illoobi doono oo aan waxba la siin doonin. Maal qabeennada dheg uma dhigi doonaan kuwa aan waxba haysan umana gargaari doonaan goortey Qiyaamaha soo dhowdahay.
  3. Jinkii tunka weynaa ee qaadi waayey hal geed, deetana qaaday 10 geed waa qof dukaan ama bank deyn ka daldalanaya. Dukaanka ama bankiga ugu horreeya ayaa u diidi doonaa ama ka joojin doonaa deynta markey ku badato oo uu iska bixin waayo. Kolbo dukaan ama bank siduu deyn uga qaadanayo ayuu waayi doonaa meel uu deyn ka qaato. Waana calaamadaha Qiyaamaha mid kamid ah.

Guntii iyo Gebagebadii


Odeygii Jinka ahaa markuu tarjummaaddii bogay, ayuu u sheegay wiilkii iyo adeerkiisi in aysan odhan ‘Bismillaahi’ maadaama uu Jinku ka xijaabanyahay. Kadib gabadhii ayuu wacay si ay uga qaaddo gogosha. Wey timid oo qaadday gogoshii. Intey sii socotay ayaa labadii martida aheyd arkeen gabadhii sii socotay oo lugo qoobab leh, markaasey hal mar wada yidhaahdeen, ‘Bismillaahi’. Dabadeed, wax ilbidhiqsi ka yar ayaa waxay is arkeen ayagoo taagan degmadii ay ka soo kicitimeen. 

No comments:

Somalia's Beauty of the Past

  Somalia is a Horn of Africa nation bordering Ethiopia, Djibouti, Kenya and the Red Sea and the Indian Ocean and endowed with assortments o...