Thursday, June 30, 2016

JINNI IYO INSI IYO SHEEKO JACEYL

Nin Insi ahaa ayaa wuxuu qabay labo haween ah oo mid ay aheyd Insi, ta kalena, Jinni. Haweeneeyda Inisiga ah waxay u dhashay saddex wiil, halka ta Jinniga aheydna, hal wiil. Odeygii labadan qoys maamuli jiray ayaa waxaa soo riday geeri maadaama uu gaboobay.

Wiilkii Jinniga iyo Insiga iska dhalka ahaa ayaa wuxuu jeclaaday gabadh aad u qurux badneyd oo aheyd Jinni. Hooyadii dhashay ayuu wiilkii u soo bandhigay jaceylka hayo iyo gabadha u eg sida dayax shan iyo toban ah, indho deero leh, dahabna lagu mitaali karo. Hooyo waa lama huraanee, waxay kula talisay in arrinkaasi ay u soo bandhigto walaalahiisa Insiga ahaa, sidii ayuuna yeelay.

Saddexdii walaal ee Insiga ahaa ayaa waxay walaalkoodi Jinka ahaa ee jaceylka soo riday ku war geliyeen in dhammaantood ay arrinkaasi kala xaajoodaan adeerkood oo la odhan jiray Mataan Qoolleey oo asaguna Insi ahaa. Kadib markey adeerkood uga sheekeeyeen xaalku siduu yahay, ayey dhammaantood safar galeen oo abbaareen dhankii gabadhii Jinniyadda aheyd ay ku nooleeyd ayagoo u siday eheladeedii iyo qaraabadeedii , haddiyad qiimi badan.

Geel Xanuunsan iyo Mid Fayoow

Waxey cagta, cagta saaraan ba, waxay soo galeen dhul Jinka ka taliyo oo wax Insi ah aan laguba arag. Waxay arkeen labo kooxood oo geel ah oo qaarkood gaboobeen oo innaba wax shanqadh ah ayan ka muuqan gabow awgeed iyo koox kale oo burraaqoonaya da' yaraan awgeed. Saddexdii wiil ee Insiga ahaa mid kamid ahaa ayaa arrinkii la yaabay oo cudur daartay, wuxuuna codsaday in la fasaxo oo uu ku laabto halkii ay ka soo hayaameen kal hore, waana laga aqbalay.

Saddexdii Ceel ee Cajiibka Badnaa

Safar kale ayey galeen oo hore u sii dhaqaajiyeen. Waxa xilligan wada socda waa wiilkii Jinka ahaa, labadii wiil ee Insiga ahaa iyo adeerkood. Cabbaar waxay socdaan ba, waxay arkeen saddex ceel. Labada ceel ee dhinacyada jira biyo ayey isku tuurtuuraayeen, halka ka dhexena uu madhnaa ama ingegnaa. Wiilkii Insiga ahaa ee labaad ayaa khalkhal galay wuxuuna codsaday in laga raalli ahaado oo uu dib ugu laabto degmadii ay ka soo kicitimeen billowgii safarkooda, waana laga yeelay. Waxaa isku soo hadhay hal wiil oo Insi ah, wiilkii Jinka ahaa iyo adeerkood

Jinnigii Tunka Weynaa

Xoogaa markey socdeen, ayey arkeen nin Jin ah oo gooynaya ama dumminaya geed baaxad weyn, deetana qaadi kari waayeey. Wax yar kadibna, Jinkii intuu sagaal geed oo kale wada jaray ama dumiyey, hal mar wada xambaaray. Halkii wiil ee Insiga ahaa ee soo hadhay ayaa wuxuu codsaday in loo sabro oo halkii uu horraan ka imi ku laabto, waana laga ogolaaday. Waxaa soo hadhay adeerkii iyo wiilkii Jinka ahaa.

Isbedel Jawi Deegaan

Wiilkii Jinka ahaa iyo adeerkii ayaa hal mar dareemay isbedel jawi oo waxay ku soo baxeen qaryad leh geedo aysan hore u arag, bilic cusub, cadeceed iyo ileys cajabiyey, shimbiro leh muuqaal iyo midab noocyo badan, iyo ugaadh iyo xoolo kaga yaabshey. Waxay muuqaal walba milicsadaanba, ugu danbeyn waxay u tageen aabbihii dhalay gabadhii loo dan lahaa. Salaan kadib, odeygii gabadha dhalay ayaa wuxuu u yeedhay gabadhii oo wuxuu faray in martida ay u keento gogol ay ku fadhiistaan. Wax yar kadibna gabadhii weey keentay wixii la faray.

Wax Weydiin Ogaal

Adeerkii wiilka la socday, ayaa wuxuu weydiiyey duqii Jinka ahaa ee gabadha dhalay, bal inuu wax uga sheego waxyaabihii layaabka badnaa ee ay la soo kulmeen intey safarka ku soo jireen. Wuxuu weeydiiyey geelii xanuunsanaa iyo kii fayoobaa, saddexdii ceel, iyo Jinkii tunka weynaa.

Waayeelkii Jinka ahaa ayaa mid mid u kala saaray waxay ahaayeen waxay soo arkeen:

  1. Geeli xanuunsanaa waxay muujinayeen odayaasha oo aan la dhageysan doonin hadalkooda loona diidi doono wax xukun ah ayadoo kuwii caafimaadka qabay ahaayeen dhallinyaro kuwaasoo la wareegi doono xukun walba, waana calaamadaha muujinaya in Qiyaamaha soo dhowyahay.
  2. Saddexdii ceel ee labo biyo isku tuurtuurayeen kii dhexda ku jireyna ingegnaa ama madhnaa waa taajiriinta oo wax isa siinaya, is caawinaya, is gargaaraya; halka ceelkii dhexda ku jiray ee madhnaa ahaa dadka danyarta ama masaakiinta oo la illoobi doono oo aan waxba la siin doonin. Maal qabeennada dheg uma dhigi doonaan kuwa aan waxba haysan umana gargaari doonaan goortey Qiyaamaha soo dhowdahay.
  3. Jinkii tunka weynaa ee qaadi waayey hal geed, deetana qaaday 10 geed waa qof dukaan ama bank deyn ka daldalanaya. Dukaanka ama bankiga ugu horreeya ayaa u diidi doonaa ama ka joojin doonaa deynta markey ku badato oo uu iska bixin waayo. Kolbo dukaan ama bank siduu deyn uga qaadanayo ayuu waayi doonaa meel uu deyn ka qaato. Waana calaamadaha Qiyaamaha mid kamid ah.

Guntii iyo Gebagebadii


Odeygii Jinka ahaa markuu tarjummaaddii bogay, ayuu u sheegay wiilkii iyo adeerkiisi in aysan odhan ‘Bismillaahi’ maadaama uu Jinku ka xijaabanyahay. Kadib gabadhii ayuu wacay si ay uga qaaddo gogosha. Wey timid oo qaadday gogoshii. Intey sii socotay ayaa labadii martida aheyd arkeen gabadhii sii socotay oo lugo qoobab leh, markaasey hal mar wada yidhaahdeen, ‘Bismillaahi’. Dabadeed, wax ilbidhiqsi ka yar ayaa waxay is arkeen ayagoo taagan degmadii ay ka soo kicitimeen. 

Tuesday, June 14, 2016

XAABADII INDHOOLAHA ARAGGA U FURTAY

Aabbe indhoole ayaa wiilashiisi mid ka mid ah faray in uu kaheeyo hal iyo rati oo hasha uu soo gado, ratigana badar lagu soo raro. Odeygii wuxuu la dardaarmay wiilkiisa in wax faataxa la socoto uu ku gado hasha.
Wiilkii hashii ayuu suuqa geeyey. Intaasi iga sii markii la dhahaba wuxuu sii raaciyaa,oraahda ah "maxaa la socdaa." Dadkii suuqa xoolaha joogay ayaa la yaabay, weyna ka kala dhaqaaqeen.
Markuu hashii iib ku waayey, ayuu soo carraabiyey. Intuu dhexda soo socdey ayuu la kulmay habar xaabo dhabarka ku sidato. Wey wareysatay wuxuuna u sheegay in hasha oo uu iib la rabay laga gadan waayey.
Habartii ayaa ka codsatay wiilkii in ayada uu ka gado hasha. Wuxuu weydiiyey qiimaha ay ka siineyso waxayna ugu jawaabtay in xaabada ay dhabarka ku sidatay kaga iibsaneyso. Su'aal ayuu daba dhigay oo wuxuu weydiiyey, "maxaa la socdaa"? Waxay ugu jawaabtay, "waxaa la socdaa afar faataxa oo min iyo moora gasho."
Xaabadii ayuu ka guddoomay wuxuuna ku wareejiyey hashii, halkii laga sugaayey badar. Markuu degmadiisi tegey ayaa lagu soo xoomay oo lagu buuqay. Odeygii wiilka dhalay ee indhoolaha ahaa ayaa dadkii ka codsaday in wiilkiisa ay ka joojiyaan buuqa iyo sawaxanka. .
Odeygii wuxuu su'aalay wiilkii oo wuxuu weydiiyey halkii ay ku dambeysay hashii uu faray in uu soo gado wuxuuna ugu jawaabay in dardaarankiisi uu ahaa in uusan gadin hasha haddii aysan faataxa la socon waxa looga iibinayo.
Markuu iib lacageed ku waayey ayuu xaabo faataxa la socoto ku doorsaday. Odeygii xaabadii ayuu shiday, iskuna qiiqiyey kadibna indhihii ayaa ufurmay. Xaabadii 10,000 oo indhoole ahaa ayaa lagu daweeyey mid walibana wuxuu ka qaatay labo qaalmood oo geel ah. Sow la yaab ma aha?

WALAALKII XASADKA AHAA

Goobtu waa xeryaha qaxootiga Kiiniya mid ka mid ah oo Soomaali badanoo soo barakacay ay degganyihiin.
Labo walaalo ah ayaa midkood labo wiil oo uu dhalay loo diray Mareykanka hab qaxootinimo. Wax yar kadib, wiilashii shaqo ayey billaabeen. Lacag aan kala joogsi laheyn ayey aabbahood u soo xawili jireen. Odeygii wuxuu is yidhi, alleylehe gaajo dambe is arki meysaan.
Odeygii wuxuu yeeshay raxan saaxiibbo ah oo uu qaadka u gado, kii la dhashayna wuu illoobay oo waxba uma uusan garan. Walaalkiisi ayaa dhowr jeer baryey bal inuu mucaawino u fidiyo maadaama kuwa debedda jira uu adeer u yahay ayna lamid yihiin kuwa asaga uu dhalay.
Muddo saddex sano ayey wiilashii lacag soo xawilayeen ayadoo adeerkoodkii laxmiga ahaana uu ka qatanaa. Maalin maalmaha kamid ah ayaa odeygii wiilasha dhalay loo soo diray lacag buuran. Walaalkiisi oo la socday lacagta la soo diray, ayaa ugaga hortagay xawaaladda wuxuuna ka codsaday inuu wax siiyo maadaama gurigiisa aanan dab laga shidin oo carruurtiina ay ka qatan yihiin. Wuxuu ugu jawaabay, "wax micna leh layma soo dirin oo waa in yaroo aan deyn isaga bixinaayo."
Kama uusan daba harine, asagoo is qarinaya ayuu daba galay kana soo kor dhacay walaakii oo goobta qaadka lagu iibiyo lacagta firdhinaya. Intuu garabka ka taabtay ayuu ku yiri, "ha iska dhammeyn lacagta waayo maanta ayaa kuugu dambeysa lacag damboo wiilashaada kuu soo diraan."
Dhowr maalmood kadib, kii wiilasha Mareykanka jiray dhalay ayaa telefoon qof ay qaraabo ahaayeen u soo diray una sheegay in labadii wiil midkood gaari jiiray oo uu geeriyooday, kii kalena uu waashey oo marada tuuray.

Friday, June 10, 2016

CAAQIL, WADAAD, IYO GEEL JIRE

Saddex nin baa walaalo ahaa. Mid wuxuu ahaa caaqil, midna wadaad, ka saddexaadna geeljire. Aabbihii dhalay ayaa si lama filaan ah ifka ka tegey asagoon ka dardaarmin sidii raggani uu ka xjiaabtay ay xoolaha dhaxalka ah u qeybsan lahaayeen.
Caaqilkii ayaa wuxuu ku dooday in xoolaha loo badiyo maadaama markastoo dadka kale ay damcaan in ay qaaraan ka qaadaan uu xoolahooda difaaci jiray oo aan hal neefna laga qaadi jirin. Labadii kale ayaa ku gacan seyray.
Waddaadkii baa hadloo wuxuu ku calaacalay in tiro badan la siiyo maadaama uu weligiis xoolahaasi xirsi xir iyo xijaab la daba taagnaan jiray, Qur'aan akhriskana ay caado u aheyd. Wuu ku hungoobay codsigiisi.
Geel Jirihii ayaa wuxuu xasuusiyey labadii kale in uu asagu xoolaha ka celin jiray ugaadha sida libaaxa, shabeelka, haramcadka iyo dhurwaaga waana laga diiday.
Haddaba, maadaama lays mari waayey, ayaa caaqilkii labadii kale ku wargeliyey in ay raadshaan cid kala saarta. Wuxuu u sheegay in uu jiro nin abwaan ah oo caan ku ah garsoorka iyo xaq dhowrka.
Safar dheer ayey u kicitimeen si ay ula kulmaan ninkan ku caan baxay xaajo goynta. Goortey u tageen abwaankii, ayuu faray in uu jiro nin asaga ka abwaansan oo deggan masaafo aan sidaasi u dheereyn. Hase yeeshee, wuxuu ku wargeliyey in ay jiraan labo libaax oo dad cun ah oo hadhsada waddada ay sii mari doonaan.
Xoogaa markey sii socdeen, ayey la kulmeen labadii libaax oo heegan ku jira. Labadii libaax mid ka mid ah ayaa hadlay oo wuxuu ku yidhi raggii, "naga fakan meysaane iska soo saara midkiin sifa aynu u cunno." Caaqilkii ayaa u jawaabay oo ku yidhi, ".bal noo yara kaadiya aynu tashanne oo aynu iska soo saarre kii aad cuni laheydeen."
Caaqilkii ayaa wuxuu u jeedsaday dhankii wadaadkii, wuxuuna ka codsaday in uu libaaxyada ka xijaabo. Waddaadkiina wuxuu yidhi, "xilligaan soo dhaqaajinnay illaa hadda un baan Qur'aan akhrin hayee, LIBAAXII ALAMTARA SOO DHAAF."
Kadib caaqilkii wuxuu la hadlay Geel Jirihii. Wuxuu ku yidhi, "heedhe, adiga un baa weligaa xoolaha raaci jiraye, bal si un naga dheh bahalladan oo naga celi", wuxuuna Geel Jirihii ugu jawaabay, "kuwanoo kale weligey ma aanan arag oo waa libaaxyo nooc kale ah."
Xaajadu markey halkaasi mareyso, ayuu caaqilkii wadaadkii iyo Geel Jirihii ku yidhi, "haddaan bahalladan inaga celiyo, nus dhaxalka ma qaadanayaa."? Wey aqbaleen.
Caaqilkii ayaa u tegey labadii libaax wuxuuna ku yidhi, "annagu aabbaheen boqor weeye, ee adinku, labadiinna keebaa boqor ah."?.Labadii libaax ayaa is galay oo dagaallamay. Ayagoo is rifaya, ayey si tartiib ah ka dhex xaluusheen. Abwaankii loo tegi lahaana looma baahan oo halkii ayey ka soo laabteen.
Caaqilkii ayaa kala badh qaatay dhaxalkii, labadii kalena intii soo hadhay ayey qeybsadeen.

Thursday, June 9, 2016

SADDEXDII CABDI IYO DARDAARANKII AABBAHOOD

Aabbe ayaa wuxuu ifka kaga tegey saddex wiil oo mid waliba la odhan jiray Cabdi. Dardaarankii aabbe ee ugu dambeeyey intuusan dhimman kahor ayaa wuxuu ahaa, "Cabdi dhaxal kuma laha maalka aan ifka kaga tegayo."
Saddexdii wiil ayaa muran iyo qalalaasa ka dhex dillaacay oo mid waliba wuxuu isu arkayey in asagu dhaxalku wax ku leeyahay. Markey is mari waayeen, ayaa midkood wuxuu soo jeediyey in ay u tagaan nin abwaan ama caaqil ahaa si uu u kala saaro.
Abwaankii oo degganaa meel aan sidaasi uga fogeyn tuuladoodi, ayey ka dul dhaceen ammin casar ah, weyna u warrameen sababta ay ugu immaadeen.
Abwaankii saddexdii Cabdi wuxuu u kala saaray Cabdi 1, Cabdi 2, iyo Cabdi 3 si uu u kala aqoonsado. Miid waliba wuxuu gogol u dhigay geedo kala durugsan.
Cabdi 1 ayuu cunto u geeyay wuxuuna faray in uu cuno. Xoogaa markuu ka cunay, ayuu u sheegay abwaanka in inta soo hadhay uu u geeyo walaalkii Cabdi 2. Abwaankii hambadii Cabdi 1 ma uusan qaadin oo halkeedi ayuu kaga tegey.
Deetana abwaankii Cabdi 2 ayuu sidoo kale xeero cunto ku jidho u geeyay kuna wargeliyey in uu cuno. Cabdi 2 sidoo kale cuntadii wuu soo hambeeyay wuxuuna faray abwaanka in inta soo hadhay uu u gudbiyo walaalkii Cabdi 1. Abwaankii ma uusan qaadin hambadii Cabdi 2 oo halkey tiil ayuu kaga dhaqaajiyey.
Ugu dambeyntii abwaankii wuxuu raashiin bisil la gaadhay Cabdi 3 waxbana ma uusan soo hambeyn oo xeeradii oo madhan ayuu dhinac isaga tuuray.
Abwaankii saddexdii wiil ayuu kulmiyey wuxuuna u sheegay in Cabdiga aabbahood ka dardaarmay uu yahay Cabdi 3. Sidii ayaa gartii lagu dhammeeyey oo Cabdi 3 wax dhaxal ah ma uusan helin.

The Horrors of Female Genital Mutilation

  By Adan Makina August 5, 2010 * This article contains graphic pictures illustrating the horrors of Female Genital Mutilation. Viewer d...