Sunday, August 25, 2013

Damaashaadkii Dharka

Beri ayaa waxaa jiray nin la odhan jiray Sheekh Sacdi kaasoo ahaa gabyaa kunoolaa magaalada Shiraas (Shiraz) ee hadda katirsan gobolka Fars ee waddanka Iiraan. Inksatoo abtirsiinyadiisu aheyd Abuu Muxammad Muslix al-Diin bin Cabdalla Shiraasi, haddana marka lasoo gaabiyo magaca loogu yeeri jiray ayaa ahaa Sacdi Shiraasi. Aabbihii wuxuu dhintay asagoo saqiir ah. Kadib marki imberedooriyaddii la odhan jiray Moongol (Mongol) burburiyeen xukunkii Islaamiga ee baaxadda weynaa ee la odhan jiray Khawaarismi, ayuu Sheekh Sacdi bilaabay socdal dheer kaasoo uu ku maray dhulalka ay kamid yihiin Anatooliya (Turkiga), Sindi (Bakistaan), Ciraaq, Suuriya, Masar, iyo gobollo kale oo badan. Sheekh Sucdi wuxuu tegey magaalooyinka barakeysan ee Makkah, Madiina, iyo Beytul Quddus wuuna xajiyay.

Sida dadka kale ee falsafistayaasha iyo gabyaasha lagu yaqaan, Sheekh Sacdi wuxuu ahaa qof caadi ah oo aan maal badan lahayn. Maalin ayaa nin magaalada magac dheer ku lahaa oo ahaa maalqabeen martiqaadey Sheekh Sacdi iyo dad kaloo farabadan. Martiqaadkana wuxuu ahaa mid loogu dabbaaldegayey maalqabeenka gabadhiisa oo la guursanayey. Sheekh Sacdi wuu aqbalay martiqaadkii asagoon wax diidmo ah muujin.

Maalinka uu dhacayey damaashaadka arooska gabadha, ayaa aabbaheeda iyo dad kaloo gacan siinayey raxan raxan u tubnaayeen albaabka laga soo galo guriga xafladda. Dadka la martiqaaday ayey soo dhoweynayeen una sii gubnayeen qolka laga cunteeyo. Tijaariinta iyo dadkii ugu magac dheeraa magaalada Shiraas ayaa uga soo qeybgalay arooska si aan caadi ahayn. Cid walba oo aragtay xafladda wey la yaabtay dhaqalaha ku baxay iyo sida loo agaasimay intaba. Martidii oo isugu jiray rag iyo dumar, waayeel iyo carruur ayaa mid waliba wuxuu maalinkaasi soo xidhay dharka ugu quruxda badnaa.

Dumarka waxay soo xaadireen ayagoo ku labisan dharka xariirta ah isla markaana gacmaha, qoorta, iyo lugahana ay ka lushaan dahab, dheeman, iyo luul la xardhay. Carrurtiina waxaa loo soo xidhay kuulal dhaldhalaalaya. Raguna waxay ku soo labisteen dharkii ugu qaalisanaa geyigaa xilligaasi. Barafuuno iyo wax walba oo la isku carfiyo ayaa laysku soo shushubay intaanan xafladda la tegin. Sheekh Sacdi wuxuu xafladda lasoo galay dhar aan sidaa indhaha usoo jiidan oo aan bilic fiican lahayn.

Sheekh Sacdi wuxuu istaagay meel xooga ka yara durugsan albaabkii laga soo gelayey wax dheg jalaq usiisayna ma uusan arag. Wuxuu islahaa waa laguu immaanayaa oo gacanta ayaa lagu qabanayaa sida dadka tijaariinta ee qaddarinta mudan loo soo dhoweynayey oo kale. Xitaa ninkii martiqaadka horboodaye waxba shuqul iskama gelin Sheekha meesha taagan oo danihiisa ayuu iska watay.
Sheekh Sacdi markuu arkay sida wax usocdaan, ayuu si tartiib ah isaga huleelay xafladdii. Wuxuu abbaaray dukaan laga ijaarto dharka aroosyada. Markuu dukaankii tagey ayuu codsaday in laga ijaaro dhar dahab ku xardhanyahay. Wuxuu kaloo dalbaday duubka madaxa lagu xidho oo aad iyo aad u qurux badnaa. Wuxuu haddana ku labistay sheey dhexda lagu xidho oo sida suunka oo kale. Markuu dharkii isku hubsaday, ayuu muraayad isku eegay. Wax kastoo uu xidhnaa ayaa cajabiyay. Intuu lacagtii ijaarka iska baxshey ayuu halkii kasoo dhaqaajiyay oo soo abbaaray goobtii xafladda.

Markuu hoolkii xafladda soo galay ayaa loo soo dhoweeyay si ka daran sidii dadkii hore ee taajiriinta ahaa. Mashxarad iyo sacab ayaa hoolkii qabsaday. Odeygii gabadha dhalay ayaa Sacdi shafka shafka usaaray oo dhabanada ka dhunkaday una riyaaqay Sacdi dharkii uu xidhnaa. Kadib, martisoorihii oo cod dheer ku hadlaya, ayaa ogeysiiyay dadweynihii in qofka hortaagan yahay,  gabyaagii caanka ahaa ee Sheekh Sacdi. Markaasaa hal mar lawada istaagay oo loo mashxaradeeyay loona sacabeeyay sidii boqor oo kale. “Saaxiib, maxaa kugu dhacay oo aad sidaa ugu soo habsaantey”?, ayaa la weydiiyay Sheekh Sacdi. Sheekhu shib buu iska yidhi oo waxba ma uusan odhan. Waxaa Sheekha loo sheegay in uusan waxbo hagaageen la’aantiisa habeenkaasi.

Sheekhu oo aan weli hadlin ayaa gacanta laqabtay oo la geeyay halkii uu habeenkaasi fadhiisan lahaa. Meel aan buuq iyo tafash lahayn oo loogu talogalay raggii ugu caansanaa magaalada Shiraas ayaa lagu hubsaday. Wax yar kadib waxaa la keenya cunto nooc walba leh cuntadaaso la taxay roogag qurux badan oo lagu dangiigsado. Waxaa jiqilada Sheekha loo dhigay firshaan iyo barkimooyin aad u raaxo badan. Martisoorihii ayaa unoqday sheekha adeege. Sheekha waxaa lasoo hordhigay faroxal, bariis udgoon badan, maraq, qudaar, hilib, iyo ceesh si fiican loosoo dubey.

Intaasi kadib, ayaa waxaa dhacday arrin yar oo sheekha qabsatay. Qamiiskii qaaliga ahaa ee sheekha xidhnaa ayaa ku daatay xoogaa baraq ama suugo. Qeyb idil oo qamiiskii sheekha ayaa noqday dheecaan maliiqan. Intuu xoogaa bariis ah gacanta ku qaatay ayuu Sheekh Sacdi ku kor firdhiyey halkii suugada kaga daatay asagoo qamiiskii ku odhanaya, “hoo, kani waa muraad adiga laguugu talogalaye ee ku raaxeyso”.

Martiidii oo dhammi ayaa hal mar dhankii Sheekhi soo wada eegay ayagoo la yaaban hadalka sheekha kasoo yeeray. Martisoorihii oo careysan ayaa ku buuqay sheekha wuxuuna ku yidhi, “maxaa dhacay oo ma waalantahay ee sidee ayuu qamiisku ku cuni karaa cunto”? Wuxuu dabadhigay su’aasha ah, “Sababta aad qamiiska u cunsiineyso cuntada maxay tahay”? Sheekhi ayaa si deganaansho ay ku dheehantay ugu jawaabay, “waxaan la yaabanahay su’aalahan aad iweydiineyso”.


Sheekh Sacdi ayaa martisoorihii ku yidhi, “sowma ahid kii i inkiray markaan dharka caadiga xidhnaa”? Waxaan arkaa in aadan wax dan ah ka lahayn dadnimadeyda ee aad daneyneyso keliya dharka ama labiska aan xidhnahay. Waxaan hadda daremayaa ixtiraam gooniya maadaama aan dhar qurxoon soo xidhay. Sheekhi ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo gebogebeeyay, “Xafladdan aniga layguma talogelin ee waxaa loogu talogalay dharkeyga”.

No comments: