Friday, August 16, 2013

Labadan Mid Dooro

Labo will oo la kala yiraahdo Caydaruus iyo Cawil ayaa saaxiibo ku ahaa Afrika. Yaraantoodina weyba isla soo koreen. Dabcan isku reer bey ahaayeen. Dabayaaqadii 90kii ayuu Cawil helay boos kaasoo uu kusoo aaday waddan waddamada reer Galbeedka ka mid ah. Wuu guursaday oo degey. Wuxuu noqday wadaad oo haddana wuxuu ku darsaday waxbarasho ilaa uu ka gaaray heer jaammacadeed. Wuxuu ahaa qof Muslin ah oo aad iyo aad isaga ilaalin jiray xaaraanta. Dhammaan hay'adihii uu usoo shaqeeyay waxay guddonsiiyeen shahaadooyiin iyo billad sharaf. 

Saaxiibkiis Caydaruus wuxuu shaqo ka helay dawlad Afrikaan ah oo uu markaasi saldhigtay qaxii kadib. Waddanka waxaa ka jiray musuqmaasuq aad u baahsan. Laaluush iyo wax is dabamarsiin ayuu dhaqan ka dhigtay Caydaruus. Muddo yar kadib wuu guursaday oo xaaskiina carruur badan ayey udhashay. Wuxuu qabtay lacag xad dhaaf ah. Wuxuu dhistay guryo; wuxuu gatay baabuurro iyo beero waaweyn, iyo weliba wuxuu furtay dukaamo. Dhowr sannadood kadib, Caydaruus wuxuu noqday maalqabeen laga danbeeyo. 

Mar ay kasoo wareegtay 10 sannadood, ayuu cawil kutegey boqasho gaaban waddankii uu hore uga soo haajiray ee uu saaxiibkiis Caydaruus kaga soo tegey. Labadii saaxiib ayaa kulmay oo weliba Caydaruus ayaa martiqaadka fidiyey maadaama saaxiibkiis waddanka muddo ka maqnaa. Meel maqaaxi ah ayey wada fadhiisteen sifa ay sheekadu isugu baxdo. Ismarxabeyn iyo isdhunkasho kadib, waxaa la guda galay in laga sheekeeysto nolosha guud. 

Caydaruus wuxuu ku faaney in uu hanti badan qabtay hantidaasoo ubadnaa hantida maguuraanka ah. Wuxuu usheegay saaxibkiis in uusan wax welwel ah ka qabin nolosha adduunka maadaama uu gaadhay isku filaansho. Markuu uwarramay saaxiibkiis, ayuu weydiiyay bal in uu asagana usheego wuxuu qabtay sannadihii uu maqnaa.

Cawil wuxuu ka warramay sida ay u adagtahay nolosha waddammada galbeedka ha yeeshe keliya uu ku dadaalay siduu nafsadiisa utoosin lahaa oo uu Rabbigiisa uga cabsan lahaa. Wuxuu u faahfaahiyay siduu ugu diyaargaroobay nolosha danbe. Cawil markuu sheekadiisa dhammeystay ayuu saaxiibkiis Caydaruus weydiiyay, "walaalow sidee baad uga dabbaalan doontaa maalinta qiyaame xoolahan aad soo dhacday"? 

Wuxuu dabadhigay su'alo badan oo ay kamid ahaayeen: Miyaadan ogeyn in xoolahan aad boobeyso ay xaaraan yihiin oo laguugula xisaabtami doono maalinta qiyaame? Sowma ogid nolosha addunyada in ay tahay cayaar iyo madadaalo? Qur'aanka micnihiisa ma raacatid miya? Sidee baad usiin kartaa ilmahaaga ceesh xaaraan an?

Caydaruus caro ayuu biq la yidhi illeyn ma uusan filaneyn su'aalaha noocaaso oo kale. Asagoo caaytamaya ayuu Caydaruus halkii isaga huleelay dibna uma uusan raadin saaxiibkiis Cawil. Cawil wuxuu ku shukriyay Allihii ka badbaadiyay ibtilada haysata Caydaruus oo kale. Asagoo u duceynaya saaxiibkiis Caydaruus ayuu Cawil goor danbe isaga dhaqaaqay maqaaxiddii. Intuu dhexda kusii jiray ayuu soo xasuustay cidhibtii ay ku danbeeyeen qowmihii hore sida Samuud, Eykat, Tubbac, Ra'si, iyo weliba Fircoon iyo kalkaaliyaashiisi Qaaruun iyo Haammaan.

No comments:

The Horrors of Female Genital Mutilation

  By Adan Makina August 5, 2010 * This article contains graphic pictures illustrating the horrors of Female Genital Mutilation. Viewer d...