Friday, July 26, 2013

Maandeeq Meysan Dhimman


Dhurwaaga ama waraabaha waa bahal xeelad badan. Inkastoo inta badan uu ku noolyahay waxa xayawaanaadka kale ay dilaan sida libaaxa, haramcadka, iyo shabeelka, dhurwaaga, sidiisaba waa bakhti-quute. Ayadoo ay sidaas tahay, ayuu haddana ku xeeldheeryahay weerarka iyo khayaanada ee uu kula kaco xayawaanka kale ee aan is difaaci karin sida geela, lo’da, iyo adhiga intaba.

Hadda kahor ayaa dhurwaa weerar ba’an ku qaaday hal iyo nirig meel iska daaqaya oo war moog ahaa. Intuu argagixiyay labadii is dhalay, ayuu midba dhinac u eryay. Nirigtii ayuu bishimaha ka goostay; hashiina candhada ayuu qardam ka siistay markaasuu intuu madax madax isku tuuray oo qosol la dhacay, yidhi: “maxay ka nuugtaa, maxayse ku nuugtaa”, oo ula jeedadiisu ahayd, haddiiba nirigtu bishimihii go’anyihiin, maxay haaysa oo ay ku nuugtaa naasaha hooyadeed. Teeda kale, maxay ka nuugi hooyadeed haddiiba hooyadu candho ku oolin oo ay go’anyihiin.

Anigoo tusaale usoo qaadanaya dhacdadaasi dhurwaaga, ayaa waxaan jeclaan lahaa inaan arrimaha Soomaaliya wax ka furdaamiyo. Haddii aynu bidhaansano sida wax uga socdaan Soomaaliya, waxaan odhan karraa hasha waa dalka, nirigtuna waa dadka, candhadana waa Xamar, dhurwaagana waa kuwa xumaanta u horseedaya dalka iyo dadkaba.

Hashii Maandeeq ahayd, oo dalka Soomaaliya ah, naasaha ama candhada ayaa go’an. Xanuun aysan u adkeysan karin ayaa hayaa wax dawo ahna looma hayo. Dawada waa xeeladihii, tabihii, ama maareyntii lagu daweyn lahaa dalkani masiibada aafeysay. Waddankii Maandeeq ahaa wuu is dhex daadsanyahay oo maamul iyo maareyn ayaa ka maqan. Gees kasta waxaa asiibay fowdo iyo farosaar. Waxaa hashii Maandeeq ahayd had iyo jeer lala dhacayaa qoryo fudufudud iyo kuwo celys badan. Nidamkii oo maqan awgeed, Maandeeq waxba isma tari karto. Waa dhaawac; waa naf-laf-caari; wey sumeysantahay; waxay u dhowdahay geeri.

Kuwii maareyn lahaa oo ah dadweynaha, waxay matalayaan nirigtii sida ba’aneyd loo dhaawacay ee bishimihii ay wax ku nuugi lahayd laga goostay. Waxay garan la’yiin sidii ay wax u hagaajin lahaayeen. Iskuma kalsoona oo waxaa ayagana dhib ku haya kala daadsanaan, garasho iyo garaad yari, tuugonimo, musuqmaasuq, wax-is-dabamarsi, hunguri, iyo aargoosi aan dhammaad lahayn.

Dadkii ama ummaddii Soomaaliyeed bishimaha ayaa go’an oo jeermi halis ah ayaa ka quudanaya afkii lagu doodi lahaa illeyn jeermiga ishu ma qabatee. Xanuunka nirigta haya waa tan dadka iyo adduunweynuhuba wax ka qaban la’yihiin. Waa xanuun aan dawo lahayn xilligan aynu joogno. Qaxootinimada, dilalka qorsheysan, isqarxinta, dagaalka lagu riiqmo had iyo jeer, umulo dooxa, kufsiga, barakaca, gaajada iyo harraadka, is-dex-yaaca falsafadeed, iyo dhibaatooyinka faraha badan waa tan ay la xuunsanyaan dadkii oo ah nirigtii bishimaha go’neyd.

Candhada waa caasimaddii muqdisho aheyd. Candhadii ay nigrigta nuugi lahayd (haba iska liidatee) wey buktaa oo dhiigeysaa. Qanjidhadii, seedihii iyo xididadii ayaa wada dhiigayaa ama dheecamayaa-dheecaankaasina ma aha caano ee waa dareere wasakheysan oo aan la quudan karin. Ilmihii (waa dadkii ee) ayaa qatan oo gaajo udhimanaya. Xitaa haddii la daweyn lahaa, farsamadii lama hayo, lamana yaqaan falkeeda.

Dhurwaaga ama waraabaha waa kuwa madaxda ah ah ee dhibkan guud u geystay Maandeeq iyo nirigteedi. Qaswadeyaashan qaar waa Soomaali, kuwana waa deriskeena, qaarna waa dad ajaanib ah oo dawlado shisheeye matalaya. Wax dan ahoo wanaagsan oo ay waddanka ka leeyihiin ma muuqdaan. Waxay daneynayaan keliya danahooda iyo danaha waddamada ay metelayaan.

Sida keliya ee lagu daweyn karo waa ayadoo lagu sameeyo waxa afka walaad loo yaqaan Plastic Surgery. Qalliinkana wuxuu suurtoobaya marka la helo dawlad loo dhanyahay oo ku dhisan caddalad iyo sinnaan. Markaa kadib ayun baa lala tacaali karaa sidii loo daweyn lahaa candhada Maandeeq iyo faruurta nirigta. 

No comments: