Map of the World

Map of the World
Our World

Monday, July 8, 2013

Eedeysanow waa Lagu Ogyahay, waa Lagu Abaal Marin


Laga soo billaabo markuu dhacay xukunkii militeri 1991, addunka door weyn ayuu ka qaatay in la heshiisiiyo madaxda Soomaalida. Magaalooyiinka Islaamka ee barakeysan ayaa qaar la geeyay sifa loo heshiisiiyo. Qaar waxaa la geeyay magaalooyin qadiimi ah qaarna magaalooyin qurux badan. Si fiican ayaa loo martiqaadi jiray oo waxaa usii dheeraa cunto dheef iyo dheecaan leh oo macaan badan. Waxaa intaasi usii dheera haddiyado qaali ah iyo gogol hurdo macaan oo ay maalin iyo habeen ku seexan jireen. Lacagna sacabada ayaa loo buuxin jiray. Waxaaso dhammi waxay ka doorteen qori caaraddii, borobagaandha, isla weyni, san taagid, kibir, iyo dhaqamo lid ku ah diinta Islaamka. 

Sideedaba aadanaha markuu dulanka badiyo, wuxuu gaadhaa heer uu xoolaha ka liito. Garashadii baa yaraan; ma taxadarayo; ma fekerayo; tallaabada ayuu dedejin; wuu is ciil badi; dad aan waxba galabsan ayuu eedi; mana dhergaayo si kastoo uu wax u boobo. Waddanka Soomaaliya dhaqaale badan baa addunka ku baxshey maantana waxba lagama hayo. Waxay anfacday keliya tiro yaroo iimmaan la'. I sweydiin malaha in malaayiin doolar oo la xaday ku aasantahay dhulka hoostiisa waayo tuugga wuxuu ka baqaa in lagu ogaado wuxuu bangiyada dhigtay. Wuxuu dhinac marayaa la xisaabtanka-xisaabtan la'aana waxba ma hagaago. Lacagta tuuga aastay lalama wadaagayo qabiilka uu difaacayo ee uu ka dhashay. Waxaa raamsanayaa asaga iyo kuwo ay ehel wadaagaan oo tuugo ah. Haddaba waxaan leeyahay, "eedeysanoow, eedeysanoow, waa lagu ogyahay, waa lagu abaalmarin".

1 comment:

Somalia's Beauty of the Past

  Somalia is a Horn of Africa nation bordering Ethiopia, Djibouti, Kenya and the Red Sea and the Indian Ocean and endowed with assortments o...