Friday, June 20, 2008

Maxaynu kayeeli doona dagaal oogayaasheena?


Wax kasto billow lihi, wuxuu leeyahay dhammaad. Soomaaliya waxay soo martay marxalado aad ukhadhaadh 17kii sannadood ee aynu soo daafnay. Dagaaladii ahliga ahaa waxaa kunafwaayay kumanaan kun; malaayiin ayaa kaqaxay guryahoodi; tiro aan laqiyaasi karina waa ay ku dhaawacmeen. Waxaaso dhammi waxaa usabab ahaa rag Soomaaliyeed oo weli nool hammiyayana inay weli wax gumaadaan oo maatada sii laayaan. Teeda kale, waxaa kasi daran markay kuso hogaamiyeen geyiga Soomaaliyeed cadow soo jireen ah kaaso sii cidhibtiray intii yarayd ee kuhadhay caasimmaddeeni quruxda badneyd siina baabi'iyay daarihii yaraa ee badbaaday. Waxaa arrin laga murugooda ah sidii ay wuxuushtani ugu sii dhexnoolaan lahayd ummadda Soomaaliyeed ee soo ay horey usoo ciqaabeen. Haddaba akhristow, waxaa iga su'aal ah: sidee laga yeeli doona kuwa noo horseeday dagaalka socday 17 sannadood? Mala saamaxaya, mise waxaa lahorkeeni maxkammad caalami ah ama mid qaran sifa ay uga jawaabaan dhibaatadii ay ugeysteen qarankii Soomaaliyeed?

Dabcan dhibkii soo maray Konfur Afrika waa kaduwanyahay kan Soomaaliya. Markuu madowga qabsaday xukunkii Konfur Afrika, waxaa lasameeyay baaritaan iyo dib uheshiisiin lahaa qaab maxkammadeed inkastoon dad badano caddaan ahi loo xidhxidhin. Sidoo kale, waddanka Ruwaandha wuxuu soo maray dagaal dhexmaray labada qabaa'il ee kala ah Hutu iyo Tutsi kaaso sababay dhimmasho gaareysa ilaa iyo hal malyuun oo qof ayadoo qoyska lalaayay ubadnaa kan Tutsi-ga haddana waxaa socda ilaa iyo maanta maxkammad caalami ahi taaso had iyo jeer soo taagta maxkammad eedeysane hor leh.

Mala odhan karaa waxa Soomaaliya kudhacay waa musiibo mise waa wax dad kaskooda uyeelay ayagoo katarjumayey danahooda gaar ahaaneed? Maxay kudhacday qof sheeganaya Islaanimo inuu ugeysto dad walaalihiisa ah oo ladiin ah, la dhaqan ah, la af ah, la deegaan ah, ayna wadaagaan xilo iyo xoolo ciqaabta socotay muddada intaasi la'eg? Sidee laga yeeli raggii dafiray aayadihii Ilaahey nafaray ee ahaa in aynu isku xukuno caddaalad? Haddii ay naf gooyeen, sowma aha in ayagana ladilo?

Haddaba akhristow, haddii lagaa dhigo xakiim ama laguu dhiibo darajo sare marka lahelo nabad iyo kala dambeyn, waxaa mudan inaad raadisid jahadii lagu soo taagi lahaa raggan dhiigyacabka ah maxkammad loona marin lahaa ciqaab daran, waayo, haddii aadan saasi yeelin, ogow waxaa adigana kuu laaban cadaab aduunyo, mid qabri, iyo mid aakhiro intuba. Diinteena muqadaska ah sharciyadeeda waa kafogyahay kuwa kale ee aadanaha kale soo dhodhoobtay. Waa diin Alle oo mudan in loogu dhaqmo sida ay tahay. Mana banaana in laleeleexiyo. Waxaan sugnaaba, waa sidii laga yeeli lahaa kuwii nabaaba'shay 17kii sannadood ee laso dhaafay.

Eedeysanow, eedeysanow
waa lagu ogyahay
eedeysanow
waa lagu abaal marin

No comments:

The Horrors of Female Genital Mutilation

  By Adan Makina August 5, 2010 * This article contains graphic pictures illustrating the horrors of Female Genital Mutilation. Viewer d...