Map of the World

Map of the World
Our World

Friday, June 20, 2008

Soomaalaay giddigiin guntadoo kakaca

Hay'adaha samafalka ee kahowlgala konfurta Soomaaliya waxay noo sheegayaan in tiro dhan 600,000 oo qof ay kutabaaleysanyihiin xeryo qaxooti ah oon daryeel lahayn ayagoo kaso hayaamay guryahoodi kadib markii ay kanabadgeli waayeen daryaanka rasaasta ay isweydaarsanayaan ciidamada dawladda KMG ah iyo kuwa ciidamada guumeysiga Itoobiya oo dhinac ah iyo dhalinta Al-shabaab ee xaq udirirka ah oo iskood isku uruursaday. Runtii, tiradaasi ma aha tiro yar waxaana kuu muuqanaya sawir aad ufool xun oo kamuuqda wejiyada dadka laga barakiciyay guryahooda haddana ladhacay hantidii yarayd ee ay isku waardiyeynayeen.

Sida ay qoreen shabakadaha sida caanka ah looga qiimeeyo adduunka, waxaa soo baxaya warar sheegaya in ciidamada Itoobiya iyo kuwa dawladda KMG ee Soomaaliyeed laga awood roonaaday ayagoo si ba'an ugu jabay dagaalka ay wadaan dhallinta lamagacbaxay Al-shabab ee isku uruursaday inay jebiyaan wax allaale wixii lid ku ah hanaanka iyo hor usocodka iyo inay dib usooceliyaan qarankii Soomaaliyeed ee baaba'sanaa muddo 17 sannadood inkasto quwado shisheeye ku loolamayaan sidii ay uhantiyi lahaayeen istaraatejiyada ay leedahay Soomaliya tan iyo marki xukunkii Maxamed Siyaad Barre lariday.

Riyadii Itoobiya tan iyo boqortooyadii Miniliq ee ahayd in Soomaliya kamid noqoto kilil kamid ah Itoobiya ayaa dhicisoobay una muuqda mid saameyn weyn kuyeelan doonto Itoobiya lafa ahaanteeda waayo waxay qarka kuhaysa burbur burbur hor leh. Dabcan, waxaa soo labakacleeyay dirirtii qarnigii 15aad iyo kii 18aad ee ay kala hogaaminayeen Axmed Gurey iyo Seyid Maxamed Cabdulle Xasan oo labaduba ladagaalamay Imbiritooriyadii Xabashida, Boortuqiiska, Talyaaniga, iyo Ingiriiska intaba.

Isweydiin malaha in dagaaladaasi hore udhacay iyo kuwa maanta daryaamaya ay door weyn kacaayaareen calooshood ushaqeystayaal wata summad Soomaaliyeed. Hase ahaatee, Soomaalidu waxay hore ugu maahmaahday 'dantiisa mooge maro duug horteedu dhammaadaa'. Qaxarka iyo dhibaatada Soomali kuhabsaday waxaa ka mas'uul ah rag Soomaaliyeedo damac xukun halakeeyay. Sideedaba, waa rag ayan kamuuqan qiiro waddaninimo kana fog qadiidada Islaamka waayo waxay xigsadeen oy lasafteen cadow soo jireen ah kaaso muruq iyo maal, har iyo habeen kuhowlan sidii uu udabargoyn lahaa cid kasto sheegata Soomaalinimo.

Qabyaaladda oo ay diinteena inoo sheegeyso in laysku aqoonsado keliya ayey Soomaalidu kadhigatay diin iyo mabda' lagu xakameeyo jiritaanka qaranka, qabiilka, iyo qoyska. Maanta caalamka waxaa kayaabshey sida ba'an ee ay Soomaalidu ugu dhaqanto qabyaaladda. Xitaa kuwii nasiibka uyeeshay inay kasamatabaxaan duulaanka dagaal oogaha iyo madaafiicda goobta ee Xabashida ayaa weli kakaaftoomi la' qabyaaladda iyo wixii lahalmaala ee lagu abtirsada.

Jaahwareerka Soomaaliya ma ahan wax muddo kooban lagu abaabulay ee waa dabin laqoolaayey muddo dheer una baahan in laysla meel dhigo wixii lagu daweyn lahaa. Waxaa marag madoonto ah in rag Soomaaliyeed ay hawdka noogu gabanayeen ilaa iyo toddobaatameeyadii ayagoo inoo qoolahaye dabinta aan maanta kujidhno. Horaa loo yidhi 'illeyn doqoni dab kama kacdo' ee waxaa ila gudboon Soomaali inay danaheeda katashato soona ceshato qarankeedi baaba'ay.

No comments:

Somalia's Beauty of the Past

  Somalia is a Horn of Africa nation bordering Ethiopia, Djibouti, Kenya and the Red Sea and the Indian Ocean and endowed with assortments o...