Thursday, February 21, 2008

Soomaali Galbeed Xoriyadeedu Wey Muuqataa


Hadda kahor waxaa layidhi dagaal-ooge Soomaaliyeedoo tun weyn ayaa booqasho ugu tegay Madaxweynihii hore ee Kiiniya Daniel Toroitich Arap Moi. Wuxuu ugu tegay gurigiisa loo yaqaan Kabarak ee kuyaal magaalada Nakuru ee dooxada Rift. Madaxdii iyo waxgaradkii qabiilweynaha Ogaadeen ee kudhaqan Kiiniya ayaa aad uga xumaaday qaabilaadda Madaxweynaha uu gurigiisa ku qaabilay nin dagaal-ooge ah. Haddaba, waxaa Madaxweynaha kasoo baxay sir aan horey loo maqal; wuxuuna odayaashii usoo martiyay ku yidhi: "Nimanyahaw waa adinka ii arka inaan idiingefaye bal idhageysta". Asagoo hadalkiisa halkii kasii ambaqaadaya ayaa wuxuu kuyidhi: "Hadda kahor ayaa anigoo ah Madaxweyne Kuxigeen, matalayana dawladda Kiiniya ayaa waxaan kaqeybgalay shir saddexgeesood ah oo ay wadajir iyo iskuduubni isaga kaashanayeen boqortooyada Itoobiya, dawladda Kiiniya, iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya; shirkaaso lagu lafaguraayey sidii laysaga qaban lahaa qoyska Ogaadeen ee kubaahsan Itoobiya, Kiiniya, iyo Soomaaliya iyo sidii looga hortegi lahaa siyaasaddiisa ku saleysan xornimo udirirka. Haddaba maanta oon Madaxweynaha Kiiniya ahay, waad aragtaan halkaan idiingaarsiiyay".

Haddaba xilligani uu Moi Madaxweyne Kuxigeenka ahaa, waxaa talada Kiiniya hayey odeygii la odhanjiray Mzee Jomo Kenyatta kaaso ummadda soomaaliyeed ee kudhaqan dhulka sabanadii hore loo yaqiin NFD udiidi jiray kana hor istaagi jiray nooc kastoo horumar ah: ha ahaato dhaqaale, waxbarasho, caafimaadka, iyo siyaasadda guud. Kenyatta door weyn ayuu kacayaaray dhabarjebinta qoyska Ogaadeen haddana Moi waa tegay oo waxaa xukunkii Kiiniya boobay ninka ay Kenyatta isku heybta yihiin ee loo yaqaan Mwai Kibaki.

Dhanka kale, xukuumadihii soo maray Soomaliya waxaan ka ahayn dawladdii militeri ee uu madaxda ka ahaa Maxamed Siyaad Barre, sidoodaba, Ogaadeenka way iska ilaaliin jireen. Xukuummadihii Cabdirashiid, tii ina Cigaal, iyo tii Cabdirisaaqba, Ogaadeen wuu ka oomanaa. Haddaba saddexdani xukuummadood midkood ayuu ahaa kii kaqeybgalay shirka Moi uu horey uga qeybgalay. Maxamed Siyaad Barre hooyadiisa waxay ahayd Ogaadeen baa layidhaahdaa taasaana ku kalliftay inuu abtiyaashiisa badbaadiyo iskuna dayo inuu ka xoreeyo geyiga Soomaali Galbeed xukuummadihii taxanaha ahaa ee Itoobiya. Dabcan, Siyaad Barre wuxuu muujiyay qiiro Soomaaliyeed oo lama ilaawaan ah. Inkastoo dagaalkii 1977-78 lagu jebiyay quwaddii Itoobiya ee lamagacbaxday "Libaaxi Afrika", farogelin shisheeye katimid Ruushanka, Kuuba, iyo Yemen, ayaa usaamixi weyday Maxamed Siyaad in ciidamadiisa kusii jiraan dagaalka. Dagaalkii 77-78, Kiiniya door weyn ayey ka cayaartay sidii ay ugargaari lahayd dawladdii Mengistu Haile Miriam. Inkastoo Moi mowqifkiisa siyaasadeed wax iska bedeleen sannadihii dambe, haddana waxaad ogaataa in Moi uu lawareegay xukunka Kiiniya sannadkii 1978 dabayaaqadiisi kadib markuu geeriyooday Kenyatta.

Magac waxba kuma jabna
Akhristow, magac waxba kuma jabna oo waa la bedeli karaa si sahlan. Waddanka hadda loo yaqaan Zimbabwe waxaa la odhan jiray Rhodesia, magaalomadaxdiisana waxaa loo yaqiin Salisbury waxaana loo rogay Harare kadib markuu Robert Mugabe noqday Madaxweynaha dalkaasi. Waxaa jidha dad badan oo Soomaaliyeed oo kagubanaya magaca Ogaden. Sida taariikha ay qeexeyso, Soomaali Galbeed waa ereyadii Maxamed Siyaad Barre, magacii hore ee Ogaden-na waxaa ubaxshay boqorkii utalinayey Itoobiya waagaas. Anigu aabbahay wuxuu dagaalkii labaad ee dunida kasoo dagaalamay dalka loo yaqiin Burma haddana jananada kataliya ubaxsheen Myanmar oo magaalomadaxdeedana la odhan jiray Rangoon haddana loo beddelay Yangon. Midowga Sofyeeti waxaa la odhan jiray Union of Soviet Socialist Republics ama USSR; dagaalkii qaboobaa kadib wuu burburay oo hadda waxaa magac u ah Russia. Ereyadii ahaa midow, sofyeeti, hantiwadaag, iyo jamhuuriya waa layska tuuray. Waxaa jidha dawlad kutaal galbeedka Afrika oo loo yaqaan Burkina Faso. Madaxweyne Thomas Sankara ayaa ubaxshey magacani laakiin awal hore waxaa ladhihi jidhay Upper Volta. Qofka haysta jinsiyadda Burkina Faso waxaa maanta loo yaqaan Burkinabe halka horey ulahaayeen magac kale.
Way xoroobi goor dhow
Shaki kuma jiro in Soomaali Galbeed ay xoroobi; shaki kuma jidho in ay iska xoori magacii uu ubaxshay boqorkii Itoobiya ee ahaa Ogaden; waxaana hubaal ah shakina kujirin in sinaan, caddaalad, iyo kala dambeyn la hanan doono. Tan maanta looga baahanyahay dhammaan umadda Soomaaliyeed meel kastoy joogtaba waa sidii loo garab istaagi lahaa walaalaheena dulman ee Soomaali Galbeed ee isugu jira qabiil iyo jilib kasta oo Soomaali ah. Soomaalida qaar ee aan siyaasadda iyo taariikhdooda udhuundaloolin ayaa waxay moodaan in geyigaasi loo qoondeeyay qoyska Ogaadeen keliya aysanna jirin cid kale oo ku abtirsata taasina waa huuhaa wax kama jiraan ah. Dhulkani waxaa laga helaya qoys kastoo Soomaali ahi inkastoo Ogaadenku ugu tiro badanyahay. Imisa dawladood oo Afrikaan ah baa kataliyaa qoysas laga tiro badanyahay? Waa buux. Aan ambaqaadno tusaale ahaan waddanka aynu deriska nahay ee Kiiniya. Qabiilika ugu tirada badan Kiiniya waxaa la yidhaahdaa Kikuyu goordhoweydna waxaa codkii Madaweynenimada kuguuleystay Raila Odinga oo kasoo jeedo qabiilka Luo; Arap Moi waa qabiilka Kalenjin ee aan saas utiro badneyn, muddo 24 sano ayuu Madaxweyne ahaa.

Akhristow, haddii Soomaali Galbeed xorowdo; lana helo dawlad lo dhanyahayo ogolna wax wadaqeybsi, waxaa hubaal ah in cid allaale ciddii cod badan hesho ay la wareegi xukunka. Haddii ummadda halkaasi deggan ay isguursadaan, kaba sii fiican oo wax la saluugaaba iska yaraan. Haddii axdiga qaranka noqdo mid waafaqsan danta guud ee ummadda kana tarjumta isu soo dhowaansho, madhici karto kala shaki iyo isqabqabsi.
Halganka ONLF
Waa kuwaajib qof kastoo damiir bani'aadminimo ay ku jirto in uu garab istaago jabhadda ONLF maadaama ay tahay tan maanta ugu tunka weyn. Horta waxaad ogaataan in marka xoriyadda loo dirirayo in khaladaad badan ay dhacayaan illeyn kan qoriga sita ma arko mana umuuqdaan wax sharci ah oo qabanaya ama uu kabaqaya waxaan ka ahayn kan jabhaddiisa oo ah mid aan baahsaneyn. Laakiin waa waajib in la cidhibtiraa jaajuska iyo dabadhilifka lashaqeeya guumeystaha waayo waa calooshiis ushaqeyste aan damqasho bani'aadminimo ayan inaba hayaraatee kujirin dhuuxiisa, damiirkiisa, iyo dhiigiisa intaba. Waxaa ammaan mudan geesiyaasha dhexda dhuujistay sidii ay isaga tuuri lahaayeen heeryada guumesytaha madow ee ku gabbanaya quwado shisheeye oy ehel ahaan wadaagaan xagga dhaqanka iyo diinta. Madaxda ONLF waa inay sii wadaan baraarujinta ummadda Soomaaliyeed; waa inay la jaanqaadaan hadba siyaasadaha addunka kajira dhan kastoy ujanjeeraanba; waa inayan ku gacanseydhin kuwa ayaga daneeya fikradaha ay usoo jeediyaan kana qaataan wixii markaasi manaafacaad kujidha; ugu dambeyntiina waa inayan had iyo jeer kacaajisin sidii ay walaalahooda kale uga heli lahaayeen dhaqaale joogta ah.

Guntii iyo gebagebadii, iftiin baa inoo bidhaamaya kaaso kusoo rogi doono Soomaali Galbeed ileyskii la rajeynaayey gu'yaal badan.

2 comments:

Farrahs Page said...

Makina aad baan uga helay maqaalkan oo aad saxneed inaad afsoomaali ku qorto maxaa jira target audience waa dadka afsoomliga ku hadla, sidaad u tidhiba soomaali waxay u baahan inay hawooto oo dawladnimo isu xil qaadaan haddii 4 wiilal oo tigree ah oo Maqalle ka yimid bay kaba qaad u noqon.
Soomaali allaha soo hanuuniyi inay nin aysan waxba isu ahayn oo aan kala jeclayn kabaha u qaadaan bay ka doorbideen in guusha walaalkood ay riixaan.
keep the hard work buddy
Faarax Kanada

Makina said...

Walaal waad ku mahadsantahay halkudhegyadaada igu sii abuuraya kalgaceyl Soomaalinimo. Qoraalka laftigiisu hadduu micne leeyahay waa bir aan lagoyn karin