Map of the World

Map of the World
Our World

Monday, February 25, 2008

Yaa midgaan ah? Kan jannada laga waaya

Waa yaab yaabkiisa iyo amakaag in Soomaalidu ay dhaqan kadhigato waxyaalo aanan loo baahneyn sida heybsooca dad ayaga la midab ah, la dhaqan ah, la af ah, la diin ah iyo weliba la deegaan ah. Dhaqamadani soo jireenka ah waxay sababeen in dad badani oo Soomaali ah laga sooco Soomaali inteeda kale ayadoo loo aaneynayo ficilo hore udhacay qarniyaal laga soo gudbay.

Dulligani iyo anshax xumidani na asiibay wuxuu noqday summad ama shaabad dadka lagu kalasooco sida xoolaha oo kale.

Xukunkani waxaa suulka ugu duugay odey dhaqameedyo cayaarayey doorka qaadi iyo qareen kuwaaso lahaa go'aano kama dambeys ah, oo innaba ha yaraatee, dhan kastoo loo eegaba, aan laga weecan karin, sababtayna inay soo marto marxalado kala duwan soona jiitanto muddo badan ilaa sabankani aynu joogno oo aysan jirin wax dawlad ahi oo is-hor-istaagta.

Waxaa la yiri, sida aynu ka dhuuxeyno sheekooyinka Soomaaliyeed ee taxanaxa ah ee soo jireenka ah:
beri baa labo wiilo walaalo ah sahmiyey. Markay dhowr maalmood socdeen ayey lakulmeen ayagoo gaajeysan neef geela oo bakhtiyey. Labadiiba si fiican ayey uga dhergeen hilibkii bakhtiga. Saddex cisho kadib ayaa mid iska matajiyey. Waxay muddo maqnaadaanba, waxay kuso noqdeen deegaankoodi halkaaso ay uwarameen aabbihii dhalay. Odeygii wuxuu lacnaday (habaaray) kii aan iska matajin wuxuuna uduceeyay kii iska matajiyay. Ilaa iyo imminka, kii diiday inuu iska matajiyo waxaa loo yaqaan midgaan waana la takoora. Dabcan, waa qisadii horseeday 'laan dheere' iyo 'laan gaab' ee aynu faraha kula jirno ilaa iyo imminka.

Gabdhaha kasoo farcamay ninkani la habaaray weligood guur kama helayaan Soomaalida inteeda kale. Faraciisa dadku lama degaan, wax lama wadaagaan, wiilashiisuna kama guursan karaan Soomaalida kale. Bal aan isweydiine, cunto calool maku jiri kartaa muddo saddex maalmood ayadoon dheefshiidmin? Jawaabtu waa maya? Halkani waxaa kaaga muuqan in xukunkani ahaa mid jahli ah oon laga baaraan degin.

Aan idinka waramo qiso kaloo la yaab leh oo kadhacday Kismaanyo; qisadanoo hore uqoray nin aanu saaxiibo nahay tebinteedana aan aniga iska lahaa.

Nin Talyaani ah ayaa wuxuu Kismaanyo ku qabay gabadh 'nasab dhimman' ah oo qurux loo dhammeeyay. Ninkani ajaanib ahi marwadiisa aad iyo aad buu ujeclaa. Maalin maalmaha kamid ah ayuu lakulmay gabadh 'nasab' ah taasoo ku tiri:"ninyahaw wax makuu sheegaa". Markaasu ku yidhi "haa, soo daa sheekada". Waxay ku tiri, "ma ogtahay in saaxkaaga aabbaheeda yahay kabo tole". Markaasuu ugu jawaabay, "maya". "Haye,dee intaasi umbaan rabay inaan kuu sheego" intay tiri ayey isdhaqaajisay. Gabadhani nasab-kusheegga ah waxay rabtay in ay ninkani dhaafsiiso xaaskiisa oo ayadu ay dhaxasho.

Markuu ninkii Talyaaniga ahaa usoo socday gurigiisa, umbuu galay isla hadal. Waxaa cajabiyay hadalkii gabadha ee ahaa in soddogiisa yahay kabo tole. Goor dambe markuu gurigiisi yimid ayuu weydiiyay xaaskiisa bal inay uga waranto in wax farsamo ah aabbaheeda takhasus uleeyahay. Waxayna usheegtay sidiyo kale. Qaddar yar kadib, wuxuu ninkii Talyaaniga ahaa soo booqday soddogiisa oo uu ugu tegay coosh uu kabaha ku farsameyn jiray oo ay uyaaleen qalab duugoobay.

Dhowr bilood kadib wuxuu ninkii Talyaaniga ahaa aaday dalkiisi hooyo siiba Napoli oo lagu yaqaan tumaalnimada. Wuxuu duqii usoo gaday qalab casri ah oo lagu tolo kabaha si dhaqso ahna ugahaqabtirtay baahidii badnaa. Wuxuu shaqaaleeyay dhalin yaro badano meherad la'aan ahaa waxaana shakhsi ahaan soo galay dakhli aad uweyn.

Bal aynu usoo noqono waxan Soomaalida ay diin kadhigatay ee loo yaqaan heybsooca. Waxaa jira qabiilo waaweyno faro kutiris ah oo aan sidaasi udaneyn heybsooca waayo waxay leeyhiin habab kaloo ay uladhaqmaan dadkani dulman. Waxay u ogolaadaan inay sheegtaan kuna abtirsadaan qabiilka markaasi tirada badan. Kuwa la haybsooca hablahoodu waa la guursadaa laakiin raggoodu maguursadaan kuwa isku sheega nasab.

Ilaahey wuxuu Qur'aanka ku qeexay in bani'aadmiga simanyahay oon lakala sareyn. Dhammaan waxaa laga soo farcamay Nebi Aadan (CS). Wax kasta oo nool waxaa laga abuuray biyo. Marka maxay kudhacday in qoys qoys kale iskaweyneysiiyo. Sow ayaga ma aha kuwa noo sameeya ableyda, waranka, midida, looxa, kuusha, iyo iwm? Maxaa nagu kallifay in aynu takoorno dad naga qurux badan, naga xoog badan, naga itaal dheer? Goormeynu waantoobeynaa? Goormaan garasho yeelaneyna?
Horta hala ogaado in Midgaanku yahay kan jannada laga waaya. Midgaanka waa kan colaada badan; waa kan aan xishoodka lahayn; waa seef laboodka; waa diradiraalaha aan harsan har iyo habeen; waa kan aan sadaqada bixin salaadiisuna ayan kaamil ahayn; waa weji macbuuska aan sariigta lahayn; ugu dambeyna waa kan ibliiska ku adeegto.


Qofka iimmankiisu dhammeyn waxaa lagu yaqaan isla weyni, kibir, qalqalooc,aammin darro, gooni-isutaag, anshax xumo, qoqobid iyo kalasooc, garasho yari, ibleysnimo, iyo ixtiraan la'aan. Waxaa hubaal ah in Soomaali badan sheegtaan inay yihiin Midgo sifa debedaha looga qaabilo.

Guntii iyo gebagebadii waxaa iga fariin ah: Soomaaliyey waa inaad ka towba keentaan dembiyadani xad dhaafka ah ee aad kagasheen walaalihiinan aan waxba galabsan, waaana inaad la imaataan sifooyiin wanaagsan oo raali geliya cid kastood heybsoocdaan una diyaar garowdaan sidii laysu guursan lahaa loona heli hal ummad oo kusota dariiqada toosane kuwajahan jannadii naloo ballanqaaday.



No comments:

Somalia's Beauty of the Past

  Somalia is a Horn of Africa nation bordering Ethiopia, Djibouti, Kenya and the Red Sea and the Indian Ocean and endowed with assortments o...