Map of the World

Map of the World
Our World

Tuesday, May 5, 2020

Dawaco iyo Yaxaas

Sheekooyiin tiro badan oo malo awaal ah ama sheeko xariir ah ayey Soomaalida ka sammeysay xayawaanka duur jooga ah ee loo yaqaan dawacada. In kasto aysan laheyn jir baaxad weyn, ka agdhowaanshaha deegaanada uu ku badanyahay adhiga, siiba riya cadka iyo laxaha aan is difaaci kareyn, ayaa u sahla in ay had iyo jeeraale qaaddo weerarro is dabajoog ah si ay cadkeeda u soo dhacsato.

Sida la ogsoonyahay, dawacadu ma quudato bakhtiga sida dhurwaaga ama waraabaha oo lagu yaqaan in uu raamsado haraadiga libaaxa, shabeelka, iyo haramcadka. Mana aha maangaab sida waraabaha oo hadda kahor intuu hal iyo nirigteeda soo weeraray, hashina candhada ka goostay, nirigtana bishimaha raf ka siyay deetana intuu goon goon isku tuuray, qosol la dhacay, deetana raacshay odhaahdii aheyd "maxay ka nuugtaa oo ku nuugtaa."

Cadkiis-magooste dhurwaaa waxaa ragaadiyey fuleynimo, laakiin burur, foori, iyo qosol xigga giddac giddac istuur, waa caadadiisa. Geesiga waa ka gaashaanka u daruura cadowgiisa e, in lax ugu geeraarto "waraabow maalin wacan", waa arrin u gaadh ah Xaar Saclaha garashada Yar.

Shaki kuma jiro in dhurwaaga yahay "fuley xaar dheer futo balaq balaq", waayo, waxaa marag ma doonto ah in hadda kahor uu arkay daanyeer daba guduudan. Intuu qalbiga ka hadlay ayuu yidhi, "qaarna hilib baa dabada kaga wadhwadhan, qaarna gaajaa soo ridday."

Lax badhi go'an, orgi boqonta maqantahay oo liicliicaya, ceesaan candho la', iyo waxar caloosha laga soo ruugay waxaa sababay gaadmada dawacada xilii adhi-jirkii geed qudhac ama qansax ah hoos jiifa ama harsanaya. Gabbal dhaca ama waaberiga weeye xilliga hororka iyo gaadmada dawacada ku talaxtegtey hawl qabadkeeda.

Dawadu waxay ku xeeldheertahay khayaanada ayadoo isticmaaleyso af macaan, laab soo jiidasho, iyo qalbi dhuux u sahla isticmaalka carrab ay ka soo ammaahatay yaxaas warmoog ahaa Sannadkii Yaxaas Gaad. Dawacadu, carrab u khaas ma aysan lahaan jirin oo hadalka wuu dhibi jiray. kaba soo qaad waxay lamid aheyd shigshigow.

Haddaba, waxaa hadda kahor dhacday qiso dhexmartay yaxaas iyo dawaco. Goorey eegtay asagoo jiifsan webiga jinkiisa, afkana kala qaaday, shimbirina dhex yuururta, ayey la yaabtay dheerarka carrabkiisa. Salaan kadib, dawaco waxay yaxaaski u sheegtay in ay dani weyn ka leedahay sidaasna ugu soo jarmaadday.

Waxay u sheegtay yaxaaski, in codsi yar ay u fuliso. Gooruu ku yiri oodda ka qaad sheekada, ayaa waxay u sheegtay in ay jeclaan laheyd in uu ammaahiyo carrabkiisa quruxda badan si ay ugu soo alalaasto ama ugu soo mashxaraddo arooskii walaasheed oo isla maalinkaa la qabanayey. Waxay ka ballan qaadday in uu maqli doono daryaanka carrabkiisa goortey durbaanada cartamayaan galbihi.

Dawaco wey ku ballan furtay yaxaaski, mana aysan soo celin carrabki xilligi lagu ballamay. Goor waaga beryay ayey dawacadi is keentay webiga qarkiisa, una sheegtay yaxaaski in aysan soo celineyn carrabki. Wuxuu ugu goodiyey in biyo webi dambe aysan kabban doonin. Ayadina waxay ugu jawaabtay, "xareedda Eebbe iyo bilbilka abbaay baa ka badan."

No comments:

My Contribution to Chapter Book in French Edition

  LES AUTEURS Assamala AMOI - Odome ANGONE - Aïssata BA - Kadiatou BALDÉ - Bénédicte BIDJECK SONG - Koumanthio Zeinab DIALLO - Ann EL SAFI -...