Map of the World

Map of the World
Our World

Wednesday, May 13, 2020

Ku: Shiinaha; Ka: Adduun Dulman

Shiinow hadalkeygan si fiican u dhuux oo ka bogo. Waxaan ku mooday, iyo waxaad noqotay,  waa wax aan loo noqon doonin. Waxaan ku mooday ummad iyo qaran lala dhaqmi karo, laakiin waxaad noqotay labo wejiile, waxaana loo noqon doonin in caalamka mar dambe ku aamino.

Aad beynu kuu naqaanaa inaad tahay fuley xaar dheer, futo balaq balaq. In kasto aad tiro badantahay, weligaa laan dheere noqon meysid oo waxaa kuu diidaya masallafnimadaada daxaloobay. Walow aad leedahay taariikh qoto dheer, gunnimo ayaa kuu diidday inaad adduunkan ku yeelato magac iyo maamuus.

Xukuumadihii Ming, Han, Xu, Liao, Qing iyo Liang iyo kuwo kaloo tiro badan ayaa taariikhdaada ku xarriqan, badankooduna wax xiriir ah oo baahsan caalamka lama laheyn waxaan ka aheyn imberitooriyaddii Ming ee uu hoggaaminayey Boqor Yongle (1402-1424). Yongle uma suurtagasheen in uu afgembiyo Jianwen hadduusan aheyn Admiral ama Amiirul Baxar, dibloomaasi, badmareen, taliye raxan maraakiib, cag madhige (explorer) Ma He (Muxammad) oo Muslin ahaa isla markaana awowgii iyo aabbihiisaba ahaayeen labo soo xajiyay (AHUN).

Adoo indho xirxiran, caalamkana lagaa aqoon ayaa Muxammad si hagar la'aan ah magacaaga iyo jiritaankaagaba gaarsiiyey dacallada dunida. Nasiib darro, qoraallo mooyaane, Muxammad taallo lagu xasuusto umaadan dhisin. Qaddarin la'aantaada Muxammad waa dhaliil naceybka aad u qabto Muslimiinta oo dhan. Waa Eebbe Mahaddii, dawladda Maleyshiya ayaa u dhistay mid laabta Muslimiin badan qaboojisay.

Teeda kale, cabburinta Muslimiinta siiba dadka loo yaqaan uyghurs ee tiradoodu lagu qiyaasay 11m, degana gobolka Xinjiang, waa xadgudub aanan meelna ku geyneyn. Waxaad fashay fashaye, waxaad sugtaaba waa kudka iyo kaarka aad gacmahaaga ku sammeysatay loona yaqaan COVID-19 ee ka soo butaacay magaalada Wuhan. Dulleysiga iyo daandaansiga dadkan Muslimiinta ah ee aad ku xareysay xerooyiin waa ujeeddo aad dooneyso inaad ku bahdisho Muslimiinta oo dhan. Hase yeeshe, waxaa kuu sugnaaday lacnadi aadan ka biskoon abid.

Tirada ummadaada maanta waa 1.4bn, shakina kuma jiro in ama ay Muslimaan ama cudur idiin halakeeyo goortey noqotaba. In badan ayey Muslimiinta idinla macaamileen oo aad ka dheefteen, loogamana horreyn Badmaaxi Muxammad (AHUN). Maanta oo aad loolan quwadeed kula jirtaan dal iyo xulufadiisa, ayaa markaad quwad militeri wax kaga qaadi weydeen, ayaad ku tallaabsateen isticmaalka dagaal cudur, kaas oo ah nooca feyruuska (virus).

Horaa loo yiri, "naftu doqonsanaa damac waalanaa", illeyn waa midda ku tidhaa, "dahab aadan laheyn daldalo." Waxaad garan weyday, "risiq Eebbe kuu diiday kaa durugsanaa, midkuu duunyo siinaayo deeqsii oo dhowaa." Ma waxaad isleedahay, haddaad nabadi dooneyso, dagaal u diyaar garow? Haddey garashadaadu intaasi gaadhsiisantahay, caalamka wuxuu ku leeyahay, "imaadan barane, heelleey, iga bogo", waayo, saaxiibkaa Jabaan, ayaa kaaga xog roon wixii ku dhacay Dagaalkii 2aad siiba 1945 markii hal diyaarad oo la oran jiray Enola Gay ay hilfaha uqaadday magaalooyinkii Hiroshima iyo Nagasaki. Duuliyihii diyaaraddasi ee nooceedu ahaa B-29-45-MO Superfortress waxaa la oran jiray Korneel Paul Tibbets, gacanyarihiisuna wuxuu ahaa Robert A. Lewis.

Dhan kastoon u eega cago jugleynta aad igu hayso, waxaad il duuftay in ay kugu gaddaamanyihiin labo quwadood oo mid waliba xambaarsanyahay qumbuladda Niyukileyarka kuwaas oo kala ah Hindiya iyo Bakistaan. Haddey dhacdo is farasaar, wixii kuu soo gurmada waa faro kutiris. Hongkong oo ka xorowday Ingiriiska 1999 ayaad xakameyn la'dahay, Taiwan na kuma rabto.

Haddal iyo dhammaantii, Shiinow maqal oo macaanso. Waxaan ahay adduun dulman. Teeda kale, caloolyoobayey maxaan xalay ciil la ladi waayey. Markastoon ku eegaba, waxaan is weydiyaa, miyaadan waxba ka duwaneyn xoolaha lamaalo oodan aheyn dawlad xor ah, lehna calan xidhan oo aadduunka la heer yahay? Mise, waxaa kuu beenguraya falsafadaha aan diiniga aheyn sida Konfushiyuusiga (Confucianism), Tawosiga (Taoism) iyo Buudisimka (Buddhism)?

In kasto dhaqaalahaaga yahay mid furfuran, dhibka ugu weyn ee ku haleelay waa dhaqanka siyaasadeed ee ku saleysan mabda'a shuuciyadda ee laga arrad baxay 1989 billowgii dabadhammaadkii Dagaalkii Qaboobaa---waana xilligii Gidaarkii Baarliin dhulka lala simay. Aabbihii Shuuciyadda oo ahaa Midowgi Sofiyeet, waa kii burburay dariiq kalena jeexday. Maanta, waxaan ka aheyn Pyongyang,

Waayeel wedkiisa wuu yaqaanaaye, ogow gadhkeyga waxaa ka baxay wax aad gacandhi (gacandha) mooddo. Feyruuska aad dunida ku harqisay ama laguu qariyay bal ka sal gaar. Haddeysan aheyn, noo soo sheeg bal aynu ogaano inaad tahay "lax dhukani abaar moog arrintaadu noqotee, ma udbaad asleysa, udbihii maad asleysa."

Waxa dhacay adduunayada
Dhib iyo xumaan jira
Qaar baa dhuumanayoo
Dhibtu wehel u tahayo
Dhawraayo gacaloo
Inay maru un dhawaaqaan
Dhur sugaaya waliyoo
Dhabar kiyo xanjaadkiyo
Dhudhumada ka jabayoo
Dhiigii hoorsanayoo
Dhawac baa ag yaalo
Dhakhtar looma qaado
Lagu dhaafay meel oo
Ka dhaqaaqay ehelkii...

No comments:

My Contribution to Chapter Book in French Edition

  LES AUTEURS Assamala AMOI - Odome ANGONE - Aïssata BA - Kadiatou BALDÉ - Bénédicte BIDJECK SONG - Koumanthio Zeinab DIALLO - Ann EL SAFI -...