Map of the World

Map of the World
Our World

Wednesday, May 13, 2020

Dhalashadii Soomaali Wareera

Hooyo Cataabo goortey caloosha ku sidday wiilka ay ugu wanqashay Ina Fagax, marxalado kala duwan ayey kala kulantay intuu uurkeeda ku jiray. Fagax oo ahaa aabbihii dhalay wiilka, dan kama geli jirin daryeelka xaaskiisa xilligii ay xaamilada aheyd.

Waa cilmi aan horey loo aqoon e, saqiirka makaanka ku jira xilli wuxuu gaadhaa garaad iyo garasho uu yeesho. Wax wuu maqli, dareen buu yeeshaa, wuuna dhaqdhaqaaqaa asagoo isku rogrogaya kolba dhinac.

Debacsanaanta dabciga hooyada wuxuu sababi karaa, xanuun la'aan iyo dhalasho reyn reyn leh. Hase yeeshe, haddii hooyadu muujiso dabci qallafsan, caro badan, iyo caaytan, sidoo kale ka caloosha ku jira dareen baa galaa.

Maqnaanshaha Fagax weeye ta keentay in Cataabo isla hadasho marna canaanato Soomaali Wareera. "Najis, najis dhalay, ey ey laga soo gooyay, maanlaawe, diinlaawe, qumey, doofaar yahaw, dhinte, tuug, gaal baa ku dhalay, aabbahay ima dhalin haddaan ku ciijin", iyo colaado kale ayey hooyo Cataabo ka dhigatay halqabsi goortey canaananeyso saqiirka aysan garan in uu noqon doono wiil ama gabadh.

Ugu dambeyn, Cataabo wey foolatay waxaana loogu yeeray eeddadeed Baarreey oo ka dhalisay. "Soo bax adduunka laguugu dhibye" intey tiri hooyadii dhashay, ayey umuladiisana sii raacisay, "Fool Midgaanle, kii dhalay u ekaa, waxaad iila muuqataa dameer iyo labadiisa dhegood." 

No comments:

My Contribution to Chapter Book in French Edition

  LES AUTEURS Assamala AMOI - Odome ANGONE - Aïssata BA - Kadiatou BALDÉ - Bénédicte BIDJECK SONG - Koumanthio Zeinab DIALLO - Ann EL SAFI -...