Map of the World

Map of the World
Our World

Saturday, March 1, 2008

Warqad cabasho ah oo katimid 'Laangaab' kuna socoto 'Laandheere"


Duudijow diinteeni dulan baa kayimid oo duudsi weeyaane
Dibdib baa layguridihaya dabin la iiqoolay
Dad madilin oo dahab uu lahaa iyo daaro kama qaadan
Dembi nimaan lahayn haddii deegta laga saaro
Dacyi iyo hoggaan haddii lagu dadaabeeyo
Ama daabab loo qaatee dakharro loo yeelo
Daanno iney gaadhi ninkaasi yaan laygu diidin
Hadegdegin duudijow adoon dayin xaqeygiiye
(gabyaa aan magaciisa la aqoon)

Ina adeerow Laandheere,
Inkastoon walaalo nahay haddana waxaa ii bidhaamaya xadgudubyo iyo dembiyo taxane ah iyo weliba waxaa igu maqal ah kutirikuteyn badan oo soo jiitamayey muddo dheer kuwaaso hadda gaadhay heer aan udul qaadan waayo iguna kalifay inaan kuuso jeediyo sifa aynu uga wada xaajoono si loo gaadho is afgarasho haddi kalese waxaa dhacaya kalahaad aan lahayn isu imaansho dambe.

Laandheerow, qabweynidaada waa tan iga dhigtay keligii socod; xantaada iyo namiimiyanimadaada waa tan igu ridday waswas aan kala go' lahayn; tiro badnaantaada waa waxaan ka digtoonahaay; adigaa ah seyid, xaq soore, iyo sammaanfale oo anigu waxaad iga dhigtay waxaan waxba ahayn.

Waad iga dad badantahay, haddana dagaal kastood hurisaba gurmad baad iiga baahantahay abidkaa; dagaal kastood gashaba waxaad doonto waa gacanqabasho sifa cadawga aan kuu jebsho hadhowtana aad keligaa quudato waayo waxaa laguugu yaqaan hunguri weyni; waxaad tahay keligii cune illeyn daaco qurunka kaaso burqanaya iyo laqanyada ku saaqeysa ayaaba markhaati cad ah; af dheeri aan aadanaha kale qabin ayaad laso baxdaye ina adeerow intaanan xarkaha kuu jarin isdabaqabo.

Haddii aynu dib u eegno marxaladihii kharaaraa ee Soomaaliya ay soo martay, waxaa inoo muuqanaya in aad door weyn kacayaartay burburinteeda; waxaa maragmadoonto ah in adiga aad usababtahay dhibaatooyinka nagu habsaday shaleyto iyo maantaba: sida dhaca, boobka, kufsiga, dilka, jaajuusnimada, ummulodooxa, barokicinta, cidhibtirka, awr-ku-kacsiga, dhiig daadiska, mijoxaabinta iyo xaalufinta dhirta inataba.

Laandheerow, waxaad gacanta saartay gabadh kasto qurux badano kadhalatay qoyskeyga. Inkastoon kuu arko maalqabe leh geel, lo', adhi, ido, dameero, dukaamo, warshado, baabuur, haddana wax lataaban karo kaama helo markastood soo doonto gabdhahayaga. Ma aanan foolxumaadeen haddii aad ii deyn lahayd hablahayga quruxda badan.

Maantana waxaad iigu yeedhaa: foolmidgaanle, foolxumow, dabaqori, dhuxulow, madoobe, matarme, dhegaweyne, cagaweyne, kaboweyne, dheri, makorow, qaloocow, jiisow iwm. Waxaad iga xayuubisay bilicsanaantii, hannaan quruxbadnaantii, iyo isu dheelitirnaantii. Alleylehe, haddaan shalaayaya.

Teeda kale, yaa nabaday qaxootinimada, dawarsiga, iyo dibedwareegga? Laandheerow, sow adiga ma ahid dagaal-ooge? Sow ma ahid kan dalkeena keenay cadow soo-jireen ah? Yaa lahaa hal abuurka 'separate' iyo 'girlfriend'? yaa kushubay xeebaheena sunta qumbuladda? Waxaaso idil waa adiga. Ogow adaa kufiday qaarad kasta iyo dal kasta. Yaa ugu qaad cun badan? Adiga.

Yaa ugu dhilleysi badan? Adiga? Xusul-baruur iyo caasi yaa dhalay? Adiga. Kuwa geedaha qudhaca hoostooda daadsan ee sugaya gargaar galley, saliid, iyo qamadi yaa ugu tiro badan ? Adiga iyo xaaskaaga Laandheerey.

Bakhtiga tirada badan ee laamiyada daadsan yaa ugu ubadan? Adinka. Waa kuma kan diiday waanwaanta? Adiga. Kuwa madaxtinimada kudagaalamaya wa'ayo? Waa adinka.
Yaa dadka xaqooda duudsiiya? Adiga.

Waa iga su'aale, miyaadan milicsan aayadaha Qur'aanka iyo waxa ay nafarayaan? Dhiiga aad daadineyso iyo kufsiga hablaha dhowrsan waa wax aad ka qoomameyn doonto maalinta qiyaame. Dhagarta iyo dhaca waa xisaab kusugi. Beenta iyo xanta ogow ayaguna waa dembiyo Waaweyn. Garanwaayey aniguye sideedaba ficil xumidaada ma wax kuu dhaqan ah baa? Kolleyto waxaad damacsantahay waa mid gooni yahaye, ninyahaw ma idiir naxaysa?
Anigoo gacal kumooday ayaad geed gaaban iyo mid dheerba iigu soo gabatay; beri hore ayaan garwaaqsaday inaadan gacal ahayn ee geedkaan hoos fariistaba waxaan gorfeeyo waa xaajadaadan gurracan ee ninyahaw guhaadka iga daa intaanan gacanta kaa jarin. Arkay sidaad adhaxda ii jadhay ood oonka igu deysay; anoo calool madhan ayaad cida kaloo cadaw inagu ah ceysh la wadaagtay; anoo buka baa intaad cidlo iigaga tagtay si cadowtnimo kujirto ciidda wareegtay; maantood camal lahayn calaf iskuma lihine nimba cagta dhan ha ujiido weligey ku caawin maaye.

Walaal, waxaan kuu sheegaya inaad demiso dabka aad shideyso haddii kalese berrito waad iga tiro yaraan marka lagu cidhibtiro ee hilibkaaga haadda loo wadho. Ogoow kaalmo dambe iga heli meysid gabadh damboon dhalayna guursan meysid. Kolleyto waxaad tahay nin laga kaaftooma inta coolaadda aad hurineyso laga soo afjarayo ee ogow adduun iyo aakhiraba abidkaa ibtila umbaad kunoolaan.

Laandheerow, horaa loo yiri "ragow barasho, geelow rarasho". Goor horaan kubartay barashana iiguma kaa laabnee ogoow. Dabcan waan kaa warhayaa inaad lawareegto koombo madhan dunida dacalladeeda waxaad soo tuugsatana ku isticmaasho dabargoynta dadka aad ka tirada badantahay.

Maxaa kuu diiday debecsanaan, naxariis, iyo khushuuc? Sow ma ogid wixii kudhacay Fircoon iyo xulufadiisi? Raaxada iyo rafaadkuba waa labo rugoodo ragga loo sameeye saaxiibow inta aanan saxariir kugu habsan ama sambabada ku shiidin sidii saaqid sakaraadoo noloshiisi silciyay, la imaaw dhaqan suubano Soomaali wadajeceshahay kudayashana mudan. Yaan la saluugin socodkaaga, kana fiirso sida aad ufurdaamiso danaha kuu gaarka ah. La jeclaw walaalkaa waxay nafsadaada jeceshahay hana siinin hambadii xaleyto kaaso hadhay.

Kajooji ubadkaaga dhaqamada shisheeye kuna soo dabbaal giddigoodba sidii Soomaali lagu yaqiin. Jooji waxashnimada iyo saaxiibtinimada aad lawadaagto kuwa shisheeyaha ah ee sina ayan ehel wadaagin kana waantoow xariga aad ujari kuwa aad ehel wadaagtaan.

Hadal iyo dhammaantii, haddii aynu gacal nahay ood garasho leedahay waxba kaama aanan hagrane inta aynu noolnahay ayadoon cabsi iyo colaad ka dhexmuuqan dhexdeena maan hal mar wada midowno sidii labo mataana ah laabtana isa saarno sifa hooyo iyo aabbe iyo ubadkeena hanaqaaday iyo kuwa nabadda jecel hal mar noogu wadariyaaqaan dunidana cajebinoo cid walibana tiraahdaa caku caykooda oo kale lacadaabi maayo.

No comments:

Somalia's Beauty of the Past

  Somalia is a Horn of Africa nation bordering Ethiopia, Djibouti, Kenya and the Red Sea and the Indian Ocean and endowed with assortments o...