Map of the World

Map of the World
Our World

Tuesday, March 18, 2008

HAWL ‘QARAN’

‘Maxaad tidhi? Mobile’kii (cellphone) baa iga xumaadayee, kaalay oo iisoo hagaaji bay ku tidhiyaa!’ intuu yidhi Yucub - oo inta badan dadku ugu yeedhaan naanaystiisa wayso-cadde; ayuu yara hakiyay daqdaqaaqii kursigii uu hadba dhan isugu wareejinayay. Waxa uu talafoonka kula hadlayay saaxiibkii oo ay ku balan sanaayeen inuu war uga keeno gabadh uu baryahanba ku fikirayay inuu guursado.

Yucub waxa uu Wasiir(madax-xafiiseed) ka ahaa Xafiiska Wax-qabadka Umaada iyo Dabargoynta Musuqa, muddo lix bilood ku dhawaad ah. Waxaase talafoonkan xumaaday uga muhiimsanaa, siday gabadhaasi u aragto qorshahiisa oo uu u bandhigay habeen saddexaadkii.

‘War hayee, maxaa kalooy kuu sheegtay? Micnaha arimahanagii?’ Yucub ayaa weydiiyay.
‘Walaahiii,waxba iima sheegin.’ Saaxiibkii ayaa ku jawaabay.
‘Adigu maad la soo qaadid sheekada?’ Yucub wuxuu codkiisu u muuqday mid saluugsan jawaabta saaxiibkii.
‘Waan la soo qaaday, laakiin waa caadi umbay iigu soo gaabisay’. Saaxiibkii ayaa dhanna u dhaafinwaayay.
‘Caadiyeey maxaa tahay?’ Yucub ayaa si xamaasadaysan u waydiiyay.
Wuxuu su’aashiisa raaciyay ‘haa e, maxaad adigu ka fahantay muuqaalkeeda ama jawiga guud’.
Saaxiibkii oo aad u dhibban ayaa u sheegay in wax uu hadda ka shegi karo ayna jirin.
Yucub ayaa talefoonkii iska xidhay, isagoo aad u murugaysan, kuna gunuunacaya ‘annagaa wax aan waxba fahmi Karin, wax u diranay.’

Albaabka xafiiska Wasiirka waxaa fadhiyay, markii aan soo dhaafay, dad ugu yaraan aan ku qiyaasay ilaa iyo afartan, oo dhoobnaa halkaas ilaa muddadii wasiirka, oo aan ilma-adeer nahay, uu isoo galiyay gudaha xafiiskiisa. Wasiirku wuxuu jeclaysatay inaan wax kala arko ‘mashquulka’ shaqo ee u saamixi waayay inuu i qaabbilo muddo todobaad ku dhawaad ah, oo ah tan iyo intii aan joogay magaalada. Waxaa dadkaas horjoogay laba askari oo hubaysan iyo nin jilibkanaga ah oo ‘mutadawac’ ah; kaas oo la ii sheegay inuu kala saaro dadka intii ugali wasiirka iyo inta kale.

Gabadha xoghaynta ah, oo dhinac gees ah kombuutar yaal hor fadhiday, waxaa la ii sheegay inay shaqaddeedu tahay uun inay warqadaha la qoro teep-garayso islamarkaana qaybiso.

Markii aan xalay gurigiisa ugu tagay ayuu isagoo yaxyaxsan igu yiddhi, ‘war ninyahow adigu Canada iyo dhul hagaagsan baan ka timide, waxa nahaysata waxba ka ma ogid’. Sidaa darted ayuu ujeclaystay inaan subaxnimadda la arko ‘shaqooyinka’ uu umadda u hayo.

Daqiiqdoo kabacdi markii uu sheekaddii talafoonka uu dhamaystay, waxaa noo soo galay ninkii albaabka masuulka ka ahaa oo wasiirka ku yidhi, ‘ kii yaraa ee Diish’ka (satelletite dish) hagaajin jiray baa taagane…’ Isagoon hadalkiiba dhameyn, wasiirkiina aan jawaab ka sugin, ayuu soo daayay wiilkii.

‘Wali-yare, Diish’ka janaalladda (channels) cusub ee ku soo biiray, xaafaddi tagoo ii wada geli.’ Ayuu Yucub ku amaray wiilkii.
‘kuweed rabtaa?’ Wali ayaa su’aalay
‘Universal iyo jabuuti, iyo ilaa Somaliland TV way soo galaan baa la yidhi ee orod oo kuli ii geli.’ Wasiirka ayaa boqol Birr u fidiyay Wali; oo sii baxayay.

Waxaan si kadis ah uga war helay, nin askari ah oo si degdeg ah u soo dabamaray wiilkii sii baxayay, iyo wasiirkii oo kursiga intuu ka soo booday salaan diiran kala hortagay.
Salaam naw (saw nabad ma tihid) Tashoome? Indhet neh Geetaaye (side tahay taliye)?’ ayuu yidhi Yucub, isagoo laabta saaraya askariga.
Salaam naw (waa nabad)! Salaam naw (waa nabad)!’ intuu yidhi askarigii ayuu kursi jiitay oo uu ku fadhiistay.
‘Miyay alabaabka kugu xanibeen?’ ayuu af-axmaari ku waydiiyay, Yucub oo intaa u raaciyay ‘mashquul baan ahaaye’.
‘Maya. Dhib majirto. Laba daqiiqo unbaan fadhiyay’ ayuu yidhi laba-alifle Tashoome,oo katirsan ciidanka Xeradda Garab-case.
‘Laba daqiiqo aa’ Yucub oo cadhaysan ayaa ganbalel hortiisa yaalay ka dhawaajiyay, una yeedhay ninkii albaabka ka masuulka ahaa; oo aan shaqaale xafiisna aheyn.
‘War miyaana ku odhan ciidan wax ah lama celin karo. Maxaad u fadhisisay ninkan?’ Jaawaab isagoon ka sugin buu si kulul u canaantay una sheegay in mar danbe uuna u dulqaadan doonin.

Laba-alifle Tashoome ayaa wasiirka u sheegay in muraadka uu ugu yimid uu yahay, in wasiirku siiyo gaadhi iyo shidaal uu xaaskiisa oo Diri-dhabe joogta kaga soo qaado. Yucub ayaa markiiba amar arintaas fulinteeda ah bixiyay.

Waxaa kale oo Tashoome uu u sheegay wasiirka inay jiraan niman soo dacweeyay oo hagardaamo la maagan isaga. ‘ Yaa sawye, ya rer-digaale sawye, (ninkii isaga ahaa, kii reer-digaale), ineegaa mato nabare (aniguu ii yimid).’ Tashoome ayaa ooda ka qaaday wixii uu ninkaasi ka sheegay wasiirka. ‘ Yucub matfuu saw naw (Yucub waa nin xun), ciidanka ma jecla ayuu igu yidhi’. Hadalkiisii ayuu sii watay, ‘laakiin anigu tuug baad tahay baan ku idhi. Waana ku difaacay.’

Laba-aliflaha oo saluugay in Yucub uu shidaal iyo gaadhi uun ku sagootiyay, ayaa taabtay qodobkiisii uu ku furfuri jiray ‘masuuliyiinta’ gacanta adag. ‘Yucub, islaanta jaarkaaga ah waa nabad-diid, adiguna wax warbixin ah kama keentid ee waa side?’ ayuu waydiiyay wasiirka.

Yucub oo yaraha anfariiray, ayaa hadalo badan is dhax-dhigay.’ Ma ogi…waan la socdaa…eeen…imikaan daba galayaa.’

Wuxuuse Yucub gartay inayna arintaasi ka saarayn ‘kiiska’ uu ku jiro, iyadoo ‘qiimayntiina’ saddex cisho qudha ka hadhsan tahay. ‘ Tashoome, saddexdan kun ee Birr na xaaska shoobin (shopping) ugu soo samee,’ intuu yidhi ayuu jeebka gacanta galiyay.

Tashoome oo dhoola caddaynaya ayaa wasiirka si adag u salaamay isagoo sheegay in xilli kale ay iswaraysan doonaan; haddana uu ku degdegayo xafiiska Madax-weynaha oo laga sugayo. Yucub ayaa aad mabsuud u noqday maadaama uu ogaaday in Madaxwaynuhu uuna waxba ka qaadi karin,mar hadday Tashoome is fahmeen.

* * *

Ilaa iyo intii aan xafiiska galay oo aheyd 10:30 subaxnimo, iyo xiligii qado soo dhaawaatay, wax kale oo u soo galay wasiirka, waa jiray oday ku soo dabo dhuuntay nin shaxaad raadis ahaa oo wasiirku igu yidhi ‘waa af-maal oo waan iska hagaajiyaa’; markii uu nagabaxay. Odaygii soo dussay wuxuu ku qaylyay wasiirkii isagoo leh,‘miyaydaan bini-aadam aheyn. Waxaan ka imid tuuladdi Gaba-gabo oo oon iyo gaajo loogu baaba’ayo. Booyad biya ah hanaloo amro’.

Wasiirku si adag ayuu ula hadlay odayga. ‘adeer, ma booyad aan anigu darawal ka ahay yaad meesha ku aragtaa? Oonkase,xafiiskani ma waa tog ama wabi baa lagugu yidhi? Orod iska tag imika; intaana booliska xidha ku odhan. Sharci daraad xafiiska ku soo gashay.’ Ma uuna intaa ku joojin e wuxuu yidhi; ‘Hawl-qaran ayaanu meesha ku haynaa, ee anagu ashkhaas adeeg ma siino. Umaddaan u adeegnaa’.

‘War sharci aniga wax igama saaree; saaka oo dhan halkanaan kuu fadhiyay. Laguumana soo gali karo. Xaafaddaada afar cisho iyo habeenkood yaan dul taagnaa oo askartaadii soo dhaafi kari waayay. Adeeroow, ma sidanaa masuuliyad ah?’ odaygii oo aad u kululaday ayaa ugu jawaabay.

Yucub oo ‘fahmay’ in odaygu ‘ujeeddo’ kale u socdo, ayaa amray in boolisku odayga xafiiska ka saaraan. Kadibna, mid ka mid ah booliskii ayaa odayga garabka qabtay oo banaanka u jiiday. Inkastoo wasiirku lahaa ‘indhaha ku dhuftoo banaanka u saara’, waxay aniga ilaa muuqatay in yarkii booliska ahaa uuna jeclaysan inuu amarkaa fuliyo; waayo si tartiib ah oo aan riix-riix laheyn ayuu odayga u kaxeeyay.

Waxaan aad isu weydiiyay, midkood masuul ku haboonaa? Wasiirka mise yarka booliska ah!

Intii galinkii hore aheyd ee aan xafiiska ku wahelinayey wasiirka, oo aan ka badnayn laba saacadood; waxaan shah doonanay laba jeer-angoo sii dhex marnay dad tiro badan oo albaaka hortiisa, qaarna fadhiyeen qaarna taagnaayeen.

Xilli-qadaddi, anagoo cuntaddii dul fadhina ayaa naloo soo sheegay in islaanti Kaaha aheyd, oo wasiirka Habra-yar u ah ay naf-baxday. Waan la socday in maal-mahanba ay naf-ka dhowr aheyd.

Waxaan go’aansanay inaan aaskii qaban-qaabino; waana gudo galay hawshii. Muddo hal saac kadib ahba, waxaa naloo soo sheegay in xabaashi diyaar tahay. ‘Cagaf-cagaftii dowladda hoose ayaan helay’, ayuu noo sheegay Nuriye oo ah nin ‘tolka’ oo dhani ku yaqaan ka qaybgalka hawlaha la soo darsa reerka.

Intii aanu isu diyaarinaynay inaan maydka saaro gaadhi aan soo diyaarinay, ayuu wasiirku helay talafoon ka yimid gabadhii xoghaynta u aheyd. ‘Masarat, miyaana ku odhan u sheeg ciddii irabbta; inaan aaskii habar-yartay ku mashquulsanahay?’ Si canaan ah ayuu ula hadlay.

aaw bilahaal (haa,waad I tidhi). Gin,Towolde nabare, si nagraw, ayhonim yimtaa bilawal ( laakiin, Towoldhe ayuu ahaa ka ila soo hadlay; wuxuuna yidhi ma noqonayso ee ha yimaado). Towoldhe waa ‘la taliye xoog-weyn’ oo fadhiista Xafiiska Madax-waynaha.

Wasiirka ayaa la dardaarmay aniga iyo nimankii kale ee ehel ka ahaa. ‘War bal aaska sii dhamystira; aniga shaqaa la iigu yeedhaye’. Casarnimaddi markii uu soo laabtay ee aan waydiinay waxa deg degga ah ee keenay in aas looga yeedho, ayuu Yucub noo sheegay; in Towoldhe uu u soo dhiibay ‘Qorshaha Abaabulka Bulshada ee Heer-Degmo’ oo uu ‘la-taliyuhu’ Af-Axmaari ku diyaariyey. ‘ Si fiican intaad u akhrido, af-soomali ku soo turjum (fasir). Caawa ka soo shaqee oo subaxa ii keen’ ayaa la soo faray Yucub, siduu noo sheegay.

‘Oo dee, waan geeriyeysnahay e, qof kale raadi, ama dib iigu dhig maxaad u odhan wayday’ ayaan Yucub waydiiyay.
‘Ninyahow, waa nin dabeecad xun oo hadal ku celinta ma jecla. Qiimaynta xafiisyadana isagaa u xil saaran.’ Mudane Yucub ayaa iigu jawaabay.

Saddex habeen ka dib, markii adeerkayo Daahir uu u gar-dhigtay wasiirka; oo uu ku eedeeyay inuu dib u soo eegi waayay, iloobayna abaalkii uu u galay oo ahaa inuu soo koriyay kadib markii walidiintii dhinteen isagoo aad u yar; Yucub wuxuu ku andacooday inuu aad mashquul u ahaa intii ‘xilka’ uu qabtay.

Wuxuu yidhi; ‘adeer, ma sidded-iyo-toban qof baan iska dhigaa? Hawal culus oo qaran baan hayaa. Hal maalin ood xaafiska ii raacdid baad garan lahayd. Waa kane Mooge waydii! Waxa hawl iyo shaqo xafiiska ii taal. Habeen oo dhan warbixin baan qoraa; maalin oo dhan xafiiskii baan umaddi u adeegyaa. Gormaan wax haleelaa? Midda kale ee la xidhiidha inaan ku iloobay, maxaan haystaa adeer? Xafiiska anigu adeeg umadded umbaan u joogaa e ma wax mushahar dheer baan ka helaa? Maxaad igu tuhmaysaa?’

Is-af garan waa ayay doodii ku xidhantay. Adeer Daahir oo cadhaysan ayaana daaradii ka baxay. Wax yar ka dib markii ay nala soo fadhiisteen ilaa lix xildhibaan oo ka mid ah golaha deegaanka iyo xubno kale oo xisbiga ah; ayuu wasiirku calaacalkan u jeediyay.

‘Wakaa! masuuliyadda aan umadda u hayo, waxay nakala gaysay adeerkay. Walle, nin hawl-qaran ku mashquulaan hawlahiisa kale haleelin!’

Waxaa wasiirku uu bogaadiyay mid ka mid ah saaxiibadii; oo wasiirka u sheegay in uu soo helay cajaladdii uu u diray ee Khadra Dahir. ‘iyadoo Orjinaal ah ayaan soo duubay’, ayuu yidhi.

Kolkay ‘madaxdii iyo masuuliyiintii’ kala hoyden, waxaa wasiirka u yimid nin uu ku sheegay inuu darawal u yahay ‘la taliye’ Tolowldhe. Wasiirku inta uu qolka hordada galay oo uu bac-weyn oo duuduuban soo saaray ayuu ninkii u dhibay kuna yidhi; ‘usheeg, meeshii kale wali ima soo gaadhin ku dheh.’

No comments:

Somalia's Beauty of the Past

  Somalia is a Horn of Africa nation bordering Ethiopia, Djibouti, Kenya and the Red Sea and the Indian Ocean and endowed with assortments o...