Map of the World

Map of the World
Our World

Monday, March 17, 2008

Madax-kusheegga, Tuugada, iyo Jaajuusiinta Garissa way Midoobeen

Beri baa nin sarkaal ah, haaystayna derejada District Commissioner (DC)-waa Guddoomiye Degmo-oo ay qaraabo yihiin Madaxweynihii markaasi talada Kiiniya hayey looso bedelay magaalda Garissa sifa uu ula wareego xil markaasi laga bedelay nin asaga ka horeeyay.


Sida caadada u ahayd odayaasha caadaqaatayaasha ah ee kubahoobay musuqmaasuqa, jaajuusnimada, iyo boobka aan kala go'a lahayn, ayaa mar un isa soo dhoobay xafiiskii Guddoomiyihii cusbaa ayagoo doonayey bal mar un inay martiqaadaan sifa ay muraadkooda uga fushadaan.


Saaxiib, looma kala harin shaxdani. Wixii dhoolatus ahaa ee lagu yaqiin ayey hal mar un layimaadeen. Buuqa iyo sawaxanka ay la horboodayeen xafiiska hortiisa waa mid cid waliba oo goobjoog ahayd lafajacday. Jaadka miirowga kan ugu qaalisan ee loo yaqaan 'bei kali' ayey qaarkood calaajinayeen. Qaarna waxayba cabbayeen sigaar aan horey gobolka loogu arag. Hardankooda waa mid lagu riiqmi gaadhay.


Mid baa wuxuu xidhnaa qamiis, mid baa wuxuu kutaagsanayey hangool la xardhay; mid baa wuxuu kuluudayey usha saaxirka ah ee loo yaqaan 'saalimow' oo lagu soo dhoobay xeydh; mid kalena macawis aan hore loogu arag iyo nikis uusan weligiis dabagashan ayaa kadhexbidhaamayey; mid baa wuxuu ku labisnaa 'three piece suit'; mid kalena dharka loo yaqiin 'Kaunda Suit' ee uu caanka ku ahaa Madaxweynihii hore ee Zambia, Mudane Kenneth Kaunda ayuu ku laafyoonayey si xariifnimo ay kudheehantahay.


Horaa loo yiri "tuug, tuug baa loo diraa". Wax yar kadib ayaa waxaa loo fasaxay inay wadajir ugalaan madaxani cusub. Waa wareey! waxaabad moodaa saaxiib kamaqnaa in muddo ah. Qaar baa miraaday; qaar baa shafka shafka usaaray; qaar baa dhunkasho dhabanada kala dhacay; qaar baa dhulka isku dhuftay.


Horta nimanyahaw waxaan idiinsheegi reer galbeedku markey yimaadeen Afrikada Bari amaba guud ahaan Qaaradda Afrika, waxay dadka ukala qaybiyeen koox koox hadba sida ay afka, muuqaalka, deegaanka, ama lahjadda isaga ekaayeen markaasi.


Waxaa jira qabiilooyiin kunool Kiiniya oo marka ay hadlayaan ubadan oraahda ah 'abiyaa' ama 'abiyo' oo ay micnaheedu tahay 'abtiyow'. Qabiiladani waxaa kamid ah sida: Masai ama Maasai oo awalan iska lahaa magaalada Nairobi oo ay micnaheedu tahay 'meeshii biyaha qaboobaa' ahna erey kamid ah afkooda. Waxaa kaloo 'abiyo' ama 'abiyaa' yiraahdaa qabiilada ay kamidka yihiin Samburu iyo Rendille.


Arrinku waa mashaqee, ninka ay odayaashu oodda ujebiyeen wuxuu ahaa qabiilka loo yaqaan Kalenjin. Rer Galbeedku Kalenjin-tu waxay kusifeeyeen inay kamid yihiin dadka loo yaqaan Nilotes ama Nilotic. Waxaana ay sidaasi ugu micneeyeen waa dad dega Webiga Niil agagaarkiisa oo waa dad madow badan ayna ehel wadaagaan qabiilada ay kamidka yihiin Dinka oo dega Sudan iyo Luo oo dega daanta Lake Victoria ee Kubaahsan Kiiniya, Ugaandha iyo Tansaaniya.


Kalenjin-ku intii uu Moi talada hayey waxaa laga dareemayey inay ehel lawadaagaan Soomaalida waayo in badan baa dhihi jirey ereyga ah 'abiyo' ama 'abiyaa'. Dabcan, reer Galbeedku ayaa kusifeeyay qowmiyad aysan kamid ahayn. Haddaba, mudanahan cusub waxay odayaashu u arkayeen inuu ahaa nin ay ehel wadaagaan, sidaasi ayaana ku kalliftay in ay usoo dhoweeyaan sidii nin ayaga ladhashay oo kale.


Haddaba, waxay dabanashleeyaanba, shirkii wuxuu ku dhammaaday jawi wanaagsan ayadoo odayaashi ay kaga soo tegeen 'abiyow' ama ina abtigoodan cusub lacag aan xad lahayn. Waxay kunoqotay mudanihii cusbaa "yaab yaabkiis iyo ammakaag" waayo ma uusan filanayn soo dhoweynta noocaasi oo kale weligiisna ma uusan arag soodhoweyn noocaasi oo kale intii Kiiniya uu xilal kaladuwan kasoo qabtay.


Asagoon waxba is lurin ayuu lacagtii meel isaga tuuray. Maalin maalmaha kamid ah ayuu isugu yeeray odayaashi. Wuu umahadnaqay sidii sharfta lahayd ee ay ugu soo dhoweeyeen deegaankooda. Guntii iyo gebagebadii wuxuu weydiiyay bal inay usheegaan xigmadda kadamabeysay lacagta faraha badani ee ay agtiisa soo dhoobeen. Waxayna usheegeen in asagu yahay wiilkooda oo kale waajibna kutahay inay usoo dhoweeyaan sidii lagu yaqiin ee ahayd deeqsinimo, walaaltinimo, kalgaceyl iwm.


Wuxuu kacodsaday bal inay lacagahooda dib ugurtaan waayo wuxuu dareemay in lacagtaasi ay ahayd laaluush balse aysan ahayn mid ay kusoo dhoweynayeen. Wuuna uga digay inayan mar dambe la immaan ummurahaasi oo kale waayo waa waxyaabaha uu uyimid inuu ladagaalamo sida: laaluushka, musuqmaasuqa, xatooyada, iyo wax laysdabamarsiiyo.


Ayagoo sidii xuunshada uhaadaya uyunbuu mid waliba halkii isaga cararay. In muddo ahna lama maqal wax ku saabsan musuqmaasuq iyo wax lahalmaala.


Haddaba bal aan usoo noqono jaajusnimada. Magaalada Garissa waa hooyadii jaajuusiinta. Layaab maleh in dhulka loo yaqaan Ogaden ee Itoobiya guumeysato sidoo kale kubadanyihiin jaajuusiinta. Waxaa caado u ah guumeystaha inuu u isticmaalo qaar kamida dadka uu guumeysto shaqada jaajuusnimada.


Odey Soomaaliyeed ayaan hadda kahor lasheekeeystay. Wuxuu ii sheegay qiso kudhacday asagoo jooga Garissa markaasna kayimid Soomaaliya. Wuxuu yiri, "waxaan waayey cid i aamminta oo xitaa ii ogolaata musqul". Bal kawarran qofka loo diiday musqul shaki laga qabo awgeed? "Anoo taagan geed qurac hoostiisa ayaa waxaa ii yimid nin udhashay magaalada Garissa" ayuu sii raaciyay hadalkiisi oo ay kamuuqatay caro. "Waryaa, inteed katimid" ayuu iweydiiyay. "Waxaan ka imid Soomaaliya" ayaan ugu jawaabay buu yiri. "War hooy Soomaaliya dambe yaan lagaa maqlin magaaladan waa magaalo jaajuus".
Ninkii rer Garissa ahaa ayaa intuu meel qabuura ah farta kufiiqay ku yiri odeydii, "ma ujeeddaa qabuurahaasi"? Haa baan ku iri buu yiri. "Halkaasi waxaa kuwada aasan waa jaajuusiin uwada dhintay Tibisha (TB) ee lasoco marna afkaaga yaanan laga maqlin Soomaaliya ee nabadey".


Intii udhexeysay xuriyaddii Kiiniya (1963) ilaa haatan, gobolka Woqoyi Bari Kiiniya waxaa ummuuraha nabadgelyada gobolka oo dhan horbooda jaajuusiin Soomaali ah kuwaaso mushaharadooda ay ku xidhantahay hadba inta qof oo ay soo jaajuusaan. Raggani oo innaba hayaraatee wax caafimaad ahi ayan kamuuqan, ayaa kunool silic iyo saxariir waayo waa habaar kunool. Waxaad arkeysa ayagoo lafaha feeraha ay muuqdaan qaarkood; qaar dhegaha ayey la'yihiin ama il bey la'yihiin ama midabkooda ayaa doorsoomay. Gelin hore iyo gelin dambe waxay hor dhoobanyihiin xafiiska nabadsugidda sifa ay warar dadka uga tebiyaan.


Silic kunoole jaajuus, tuug tuug dhale, iyo madax-kusheeg aan cidna amrin waa ummuur cajabisey soo galootiga Garissa iyo safarreyda warmoogga ah ee yaan loo deymo la'aan dhammaantiin.

No comments:

Somalia's Beauty of the Past

  Somalia is a Horn of Africa nation bordering Ethiopia, Djibouti, Kenya and the Red Sea and the Indian Ocean and endowed with assortments o...