Saturday, December 12, 2009

Yaa, salaad badanaa, ma dad bey soo dishay!

Duq Barreey yaraanteedii waxay soo martay qiso aan weligeed maskaxdeeda katirtirmeyn. Ayadoo shan iyo toban jir ah ayaa aabbaheed kudaray nin ka da’weynaa. Habeenkii ugu horeysay ee ay aqal galeen ayaa waxaa lasoo darsay arrin kayaabshey: ninkii qabay ee ka da’weynaa ayaa bikrajebin waayey. Wuxuu ahaa habeen ay lakulantay xanuun badan. Waxaa dhibkaasi oo dhan ukeenay gudniinkii fircooniga ahaa ee ay ayeydeeda kusameysay mar da’deedu ahaa toban sano. Hase yeeshee, ninkeedii ayaa wuxuu kuyidhi, “waxaa iga ballan ah in habeen dambe dhawaaqaaga laga maqlo xaafadaha oo dhami”. Barreey oo ogeyd xanuunkii iyo dhiigii kabaxay habeenkii hore, ayaa isu diyaarisay sidii ay uga samatabixi lahayd habeenka kusoo aaddan ee ninkeeda uu uqabtay inuu kalatuuri doono.

Gabadhani da’da yar ee daafaha Soomaaliya oo dhan looga yeedhi doono ‘duq Barreey’ waxay dhaafi doontaa wacdaro aan hore loo arag. Maalintii oo dhan ayay murug iyo maaweelo kujoogtey. Mar ay qorraxdu hoobatay oo habeen lagalay ayaa waxaa soo hoyday duqeedii oo aan lahayn dheg laqabto. Sideedaba Soomaalidu ‘nin baa naagtiisa bikra jebin waayey’ waxay ahayd arrin aan sideedaba laqaadin karin oo waxaaba loo arki jidhay ninka noocaasi oo kale mid dhintay ama halaagmay.

Mar allaale markey casheeyeen oo ay isku xaabiyeen wixii cunto ee guriga yiil, ayaa la abbaaray sariirta. Qaddar yar waxay sariirta kujidhaanba, Barreey waxay barkinta hoosteeda kala soo baxday middi afeysan. Odeygeedii bey caloosha dhoowr jeer kaladhacday middidii. Halkii ayuuna ku nafwaayay. Mar uu waaga baryay ayaa deriskoodii soo booqday. Mase, Barreey wey maqantahay odeygeedii oo meyd ahna wuxuu yaallaa sariirta asagoo si xun udhiigbaxay.

Halkii ayaa lagu soo baraarugay loona diyaargaroobay sidii loo aasi lahaa meydka. Muddo yar kadibna meydkii ayaa lagu hubsaday qabdriga. Cidina ma baadigoobin Barreey; sidii ayaana lagu iloobay.

Isla habeenkiiba Barreey waxay ufakay hawdka. Habeenkii ayay dhexseexatay god waraabe. Saqdadhexe ayaa libaax jiidanaya wax uu soo dilay dibdib usoo galay godkii ay Barrey kujidhay. Barreey waxay dareentay cabbur iyo argagax. Inyar bey yara gamacday. Goor dambe mar ay soo baraarugtay, ayay iska soo gooysay tooreey ay sidatay. Ayadoo gacanteeda gariireysa umbay hal mar libaaxii futada kagelisay tooreeydii. Libaaxi intuu argagaxay ayuu intuu kor ubooday ayuu kusoo dul dhacay geed kurtun ah oo meesha kuyiil. Kurtunkii baa libaaxa dilay oo dillaacshay caloosha. Barreey halkii bey kasii wadday safarkeedi ilaa ay kagaadhay tuulo aad uga fog meeshii ay ninkeedii kudishay. Dhowr maalmood kadibna waxay aadday magaalo kale oo ay kutaqiin dad kale oo eheladeeda ah.

Dhowr bilood kadib, Barreey waxaa guursaday nin ay halkaasi isku shukaansadeen. Ninku wuxuu ahaa ragga naagaha aan u ogoleen debedwareeg ama waxa loo yaqaan ‘wareeg iyo waab tiris’. Barreey waxay ninkii udhashay toban carruur ah oo ubadan wiilal. Barreey waxaa ugu horreyay gurigeeda oo ay kasoo baxdo markii dawladdii meleteri la afgembiyay. Waxaa lakulmay jabkii Soomaali oo dhammi aafeeyay. Waxay gashay xero qaxooti oo kuyaal waddan Soomaaliya laderis ah. Caruurteedii oo idil waxay usoo baxeen debedaha ayadiina wey diiday in ay debeda aaddo.

Maadaama Barreey ay xilligani cimri tahay, waxay goosatay in ay iska toobadkeento oo nolosheeda cibaado kudhameysato. Aay Barreey waxay guri ladegtay dhowr gabdhood oo aan laqabin. Habeen walba Duq Barreey waxay soo kici jidhay saqda dhexe sifa ay utukato salaatul leyl. Hablihii ayaa karaahiyeystay qubqacdeeda iyo feynuuska ay kor udheereyneyso. Habeen habeenada kamid ah, mar ay Duq Barreey aadday musqusha ayaa labo sheekeystay. Mid baa midda kale weydiisay, “dee, ina adeer, habartani maxaa haaysta. Ma dhiig Muslim bey soo gashay. Waa maxay habartu, kaseexan waaynaye”? Inantii kale ayaa ugu jawaabtay, “naa sooma ogid nin hore uqabay ayay madaxa masaar kaladhacday oy dishay.”

Ayadoo hablihii wadahaasawaya ayey Duq Barreey dalaq gurigii soo tiri. Markaasey kutidhi gabdhihii, “naa maxaad kuqosleysaan.” Mid baa gabadh kale oo jiifta intay farta kufiiqday ugu jawaabtay Duq Bareey, “taasi jiifta ayaa nagu dhuustay” markaasey Duq Bareeyna intey qosol jabsatay tidhi, “walee maantaan ogaa sidey digir isugu daldaleysay”.

Gebogebo iyo gunaanadkii, Aay Barreey iyo kuwa kale ee gacmaha dhiiga kuleh xalaaeystayna dhiiga aadanaha ha ogaadaan inay jidho maalin loo yaqaan “Yowmul xisaab”.

No comments: