Saturday, April 12, 2008

"Hooyo, marka hore waxbarashadaada dhammeyso"

Malyuun waa haweeney Soomaaliyeedo quruxdeeda lala yaabay. Yaraanteedii ayaa lagu ogaa qoor dheer sida garanuuga; waxay lahayd timo kufidsan dhabarkeeda kana qurxoon kuwa hablaha Hindida iyo Carabta oo laysku daray; waxay kusii darsatay dheerar dabiici ah, sanqaroor, midab maariin ah, ilko caddaan badan, iyo nadaafad joogta ah. Waxay ahayd qof nasiib badan oo dabeecad wanaagsan, una naxariista dad oo dhan masakiin iyo maal qabeenba. Ragoo dhan ayaa waxay oran jireen, 'haddaan qabi lahaa taasi oo kale'. Haddaba naagi rag badan hal mar mawada guursatee, waxaa nasiib uyeeshay ina adeerkeed Xaange oo ahaa nin bulshaawi ahi oo kaftan badan. Magaalada Xamar oo ahayd caasimadii dalka, ayey ku aqal galeen.

Labada lamaane waxay kadhasheen qoys cudud kulahaa xukuumadii markaasi katalineysay Soomaaliya. Wax daryeel la'aan ah weliyood meysan arag. Waxay ku noolaayeen nolol barwaaqo ah. Guri weyno 'Villa' ah ayaa hoy u ahaa. Qaabka loo dhisay gurigooda wuxuu soo jiidan jiray ilkastoo milicsata. Gudaha gurigani waxaa kubeernaa ubax noocyo badan.

Dhib ugama soo horeyn dagaalkii ahliga ahaa ee lagu hoobtay markii dawladdii militari la afgembiyay. Nasiib daro, Xaange, oo markaasi ay uhaysay saddex caruur, ayaa lagu dilay qalalaasihii bilowgiisi. Malyuun waxay kamid noqotay malaayiintii Soomaali ee wadanka debedda uga baxay. Waxay soo gashay Kiiniya oo ay kamid noqotay qaxootigii ladejiyay xeryaha Xagardheer. Nolosha xeryaha ayaa kunoqday waxaan loo dulqaadan karin. Cuduro badan ayaa kadilaacay; siiba cudurada laaya caruurta iyo waayeelada.

Muddo labo sannadood markay kasoo wareegtay burburkii Soomaaliya ayey usoo wareegtay dhanka caasimmadda Kiiniya ee Neyroobi. Waxay iska diiwaangelisay xafiiska qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHR kaaso udalbay deganaansho dalka Mareykanka. Waxay sugeysay hal sano intii lamaareynaayey dhoofkeeda.

Malyuun iyo caruurteeda oo kala ahaa hal wiil iyo labo gabdhood, ayaa waxaa looso qaaday waddankii ay weligeed niyadda kuhaysey-waa waddanka sinaanta iyo cadaalada-United States of America. Imaatinkeedi waxay lakulantay caqabad badan sida luuqadda iyo dhaqanka dadka oo kaduwan. Waxaa kudhacay jahwareer. Waxay isu haysatay inay kunoolaan doonto noloshii ay soomartay nolol kasii fiican. Waxay moodi jirtay in cimilada Mareykanka leedahay midabka huruudka; in lacagta ay dhoobantahay waddooyinka oo aaban innaba hayaaraatee lashaqeyn. Wixii ay qalbiga kuhaysay oo dhan waxay noqdeen waxaan waxba kajirin. Waxaa ladijeyey guryo loo yaqaan 'apartments' oo dabaqyo ah. Socodkii ayaa dhib kunoqday maadaama ayan weli baran sida gaariga loo wado walow ay goor dambe laqabsan doonto nolosha wadada.

Rag badan oo Soomaali ubadan ayaa usoo guur doontay, dhamaantoodna way diiday. Malyuun hareedleey waxay ballan kuqaaday inaysan nin guursan inta carruurta agoomaha ay kawada baxayaan jaammacadda. Carruurtii oo dhan bey geysay dugsiyada waxbarashada siiba meelaha ay dadka cadaanka ahi degaan sifa waxbarashadooda ugaadho heer sare. Dawladda ayaa kaalmo lacageed iyo mid cuntaba ugu deeqday. Dumar badanoo Soomaaliyeed ayaa kula taliyey inay iska guursato dhammaana way kugacan seyrtay. Waxay kutiri dumarkii, "anigu dooni maayo in ubadkeyga ugacan galaan nin Soomaaliyeedoo hadhowto isku roga halaq oo caruurta iga laaya anigana ijirdila".

Malyuun hareedleey waxay nolosha laxarbisaba, ilmihii ayaa ukoray oo noqday qaayngaadh. Gabadhii ugu weyneyd ee Nasra waxay kaqalinjebisay jaammacad qadiimi ah ayadoo baratay dhakhtirnimo; tii kuxigtayna oo ahayd Saruuro waxay dhiganeysay 'kalkaaliye caafimmaad'; wiilkana wuxuu dhemmeynaayey dugisga sare. Malyuun noloshey keydsaneysay ayaa usoo bidhaamay. Waxay istiri, "wallee goor dhowr waan raaxeysan markey ilmahan iga wada tagaan ayagoo wax bartay." Malyuun hadafkeeda ayaa wuxuu ahaa inay iska degto Imaaraadka Carabta oo halkaasi ka bidhaansato arrimaha Soomaaliya.

Nasra waxay isbarteen Caydaruus oo hooyadiis Bishaaro ay ka kari weyday gabadh udhalatay waddanka Mexico. Bishaaro waxay taagneyd heer ay isla hadasho maadaama wiilkeeda uu kadhacay meel xun. Maalin maalmaha kamid ah ayaa Caydaruus ku yiri hooyadiisa, "hooyo waxaan jeclahay inan Soomaaliyeedoo aan isbaranay goor dhow." Bishaaro aad ayey ugu riyaaqday hadalka wiilkeeda kaso yeeray. Waxay ubalanqaaday wiilkeeda haddii uu keeno gabadha uu jecelyahay, in ay uguurin doonto wax kasto haku qaadatee. Habartii waxay niyeysatay in wiilkeeda kabixi doono saagsaagnimada.

Waxba kuma aysan qaadan Caydaruus keenista Nasra maadaama ay awal horeba kuwada xiriiri jireen telefoonka gacanta. Gabadhii ayuu ballamiyay. Nasra iyo walaasheed Saruuro midna magudneen taasaana lagu sifeeyay degdega ay kudegdegtay Nasra wiilka aan lagareyn camalkiisa iyo summadiisaba. Maalmo kadib, waxaa yimid Nasra oo diyaar loo ahaa. Hooyadii wiilka dhashay oo ah Bishaaro waxay diyaarisay qado macaan badan oo cajabisay Nasra. Waxaa kaloo Nasra lasiiyay haddiyad isugu jira dahab iyo dhar qurux badan. Halkii ayey Caydaruus iyo Nasra go'aan kugaareen inay is guursadaan. Isla maalintaasi ayaa odey kitaab gaab ah umeheriyay.

Nasra markay gurigoodii kulaabatay ammin habeen ah ayey usheegtay hooyadeed inay soo arkootay wiil Soomaaliyeedoo cajabiyey. Malyuun wey qarracantay. "Nasrooy, hooyo maad sugtid intaad shaqo kabilaabi ood unoqon walaalahaa maciin", ayey Malyuun kutiri gabadheedii weyneyd Nasra oon dheg jalaq usiin waanadeeda. "Hooyo, maxaad la guur seegatay? maxaad u seegtay nolosha adduunyo? Ma waxaad dooneysaa inaan guur seego sidaada oo kale"?, ayey weydiisay hooyadeeda. Malyuun waxaa kudhacay qalbi jab iyo niyad xumo.

Iblitilada halkaasi kuma ekaan. Maalintii xigtay Nasra waxay casuntay ninkeeda cusub. In yar markuu kursi carbeed kufadhiyay ayaa Nasra walaalkeed ugacan qaaday Caydaruus kana dilaaciyay shaar qurux badano uu xdhnaa isla markaana gaadhsiiyay dhaawac fudud. Meeshii waxaa kadhashay buuq sidii ayuu Nasra ninkeedii cusbaa uga hayaamay gurigooda.

Salaadii subax kahor intay Nasra kacday ayey alaabteeda oo dhan kuguratay boorso ayadoo go'aansatay inaysan dib dambe ugu soo noqon guriga hooyadeeda. Walaasheeda Saruuro ayaa kusoo kacday sanqadha Nasra. Isla markiiba hooyadeed ayey wargelisay. Malyuun oo habenkaaso dhan seexan weyday ayaa hal mar kaso booday sariirta. "Hooyo, maxaa kuugu dhacay"?, ayey weydiisay. "Ma walaalahaaga agoonta ah ayaad kadhaqaajin, Nasrooy"? ayey su'ashay inanteedii fallaagowday. "Haa oo dib dambe ii arki meysid", ayey Nasra hooyadeed ugu jawaabtay. Isla markiiba Nasra waxay kudhacday Taxi debedda utaagnaa.

Malyuun dhulka ayey kudhacday weyna miyirbeeshay. Waxaa soo wajahay xanuun xagga maskaxda ah. Isla maalintaasi ayaa loo keenya wadaad diin saara. Subaxii xigeyna wey soomiyirsatay. Waxay wacday dad badano ay xidhiidh lahaayeen waxayna usheegtay in talo faraheeda kabaxday. Qabiilkeedi baa shiray waxaana la go'aamiyay in loo gurmada hooyada gabadha laga dhacay.

Malyuun iyo caruurtii uhadhay kama aysan quusan dabagalka Nasra. Malyuun waxay wakiilatay odayaal ay isku heyb yihiin waxaana laso ogaaday halka ay Nasra cirib iyo jaan dhigtay. Habartii wiilka dhashay ayaa loo tegay laguna eedeeyay in ay sameysay wax kabaxsan diinta, dhaqanka, iyo caadada. "Walaalayaal, anigu wiilkani khaatu billaahi ayaan kataagnaa", ayey tiri hooyadii wiilka. "Hadduu wiilka layimid marwo Soomaliyyedo hananeyso, dee waa nasiib aan hore iiso marin, ee maxaa ibtiloo idiin muuqda"?, ayey si indho adeyg ah ku tidhi asxaabtii loo gefay. Gabadhii ayaa intay soo baxday usheegtay dhammaan odayaashii in ayadu tahay qayngaadh wax khasbi karana ayan jirin, haddii kalese waxay waceysa booliska. Odayaashii iyo Malyuun waxaa galay cabsi waxaana go'aan lagu gaadhay in gabadhu lanoolaato wiilka xuquuqdeedana latixgeliyo.

Malyuun ilaa iyo iminka wey isla hadashaa weyna gabowday oo timahedii madowga badnaa ayaa cirro isu rogay. Gabadhii Nasra kuxigtay ee ahayd Saruuro aayaheeda dambe waa lafalanqeyn la'yahay. Tolow ma waxay raaci doontaa dariiqii Nasra? Wiilkana sidee buu noqon doonaa?

No comments: