Map of the World

Map of the World
Our World

Monday, April 21, 2008

"Gabadhaada Saaxiibkeeda waa Midgaan": War illeyn balaayo badanaa

Adigu ma aragtay rag maseyraya sida dumarka? Haddaad maya kujawaabtay, war baa kaa maqan. Sideedaba bani'aadmigu wax iskuma ogola; mid walba midka kale ayuu eeganaya; uma ogola wax horumar ah; oo waa waardiye aan mushaharo lagu siin waardiyenimadiisa.

Dhowr qof oo ay ubadanyihiin dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa meel kawada shaqeynjiray. Goobta ganacsi oo warshad ahayd ayaa waxaa iska lahaa nin caddaan ah. Wiilahashii Soomaali wiil kamid ah ayey is caashaqeen gabadh uu dhalay milkilaha warshadda. Raggii kale ee Soomaaliyeed ayaa kacarooday caashaqa wiilka iyo gabadha maalqabeenka. Waxay kutashadeen inay usheegaan aabbaha gabadha bal in uu wax kaqabto arrinkan argagaxa badan.

Maalin maalmaha kamid ah ayey usheegeen aabbihii gabadha inuu wax kaqabto arrinkan murugsan. Waxay usheegeen in wiilka gabadhiisa caashaqay yahay midgaan Soomaalida dhexdeedana kayahay mid takooran. Odeygii ayaa wuxuu weydiiyay dhallintii ama raggii iney dhammaan yihiin Soomaali iyo in kale. Waxay yiraahdeen, 'haa Soomaali beynu nahay laakiin wiilka iyo wixii ay ehel wadaagaanba isma guursano, isma dhex degno, islamana cunno ama wadaagno xitaa cuntada'; kaaso kayaabiyey gabadhi aabbaheeda.

Wuxuu kuyiri 'waa hagaage, bal berrito isku kaayakeena'. Halkii ayuu sheekada ugu xiray. Maaliintii xigtay ayuu raggii Soomaaliyeed kulmiyey. Qaddar kadib, wuxuu guddoonsiiyay waraaqo lagaga eryaya shaqada. Waxaa loo sheegay inay yihiin kuwo kudhaqma midab kalasooc oo cadaawad daran ay lafaha kagashay. Sidii ayey kushaqo seegeen. Gabadhii iyo wiilkiina way aqal galeen.

4 comments:

Anonymous said...

Wallahi waxaan camal waa wax lala yaabo, gabdhoodii weynoo diideen,, xatta shisheeyahii gabdho hoodaa?? aniguba waxaa wakhti dheer is jeCleen gabadh qaldaan ah,, waxaana la'iiga ga reebay buuQ dagaal.. lakiin hada nin aam muslim aheyn ey caruur udhashay..REER KEEDIINA WEYKU FARXEEN,,,, ANIGA WALLEE MA'ILOOBI DOONO CADAAWADA NALOOQABO,,, HADABA JAMAYKAAN AYAA KADHARGEY MASHALLAH

Anonymous said...

horta waxaanu sheegana dad muslim ah 100% laakiin dib ha loo noqdo oo horta soomaaali meelkasta ay joogto waxay godob ka galeeen waa dadka marka magacii loo xumeeyey ka cararay waa midgaan.tumaal madhibaan.
isla markaasna ay ayagu markii dagaalku dhacayna ku dhaartay in ay ka mid yihiin qabiiladaas oo yurub iyo amerika iyo austrelia ku nool cunayana calaf aysan qabiilkooda magaciisa ku cuninlahayn weligoood marka soomaali did ha isgu noqoto oo isla yaaaba hada idinkii ayaa (BAKHTIGII CUNAYA) dagaalkuna soomaali meel kasta ay joogto wuu sii jiri doonaa hadii ilaaah idmo ilaa aaad siisaan dadkaaas soomaalida ah xaqooda iyo dhulkoodaba.
gabadhiinana guurka ha daad diidaana xaaraanta aan ku aragnaa taaas ogaaaada.

Anonymous said...

waxaa la yaab ah soomaali in aysan is ogayn in ay ayagu waqtigaan ay(BAQTIGA CUNAYAAAN) oo ay ku tuugsadaan magaca qiimaha badan ee ay soomaliya ku cayn jireen walaaladood MIDGAAN hadana ay ayagu ku tuugsadaa aduunka meelkasta ay tagaanba.
(VIVA MIDGAAAN) gabdhihiinana guurka noogu diida anaguna xaaraanta ayaanu ku wasaynaaa porn ayaan ka duubaynaa sidaas ula socda inta ay soomaali dhulkayaga noo diidaysona dagaal ayaad ku jiraysaan kuligiiiin ama somali-land sheego ama bunti-land sheego ama mudug-land sheego iyo waxii la mid ah marnaba ma gaaraysaan ilaa aad xaqa ilaalisaaaan.

Anonymous said...

scw aniga waxaan ahy gabar midkaan nimnka qariyadana waan iskal waynahy waxaan ku iraahdaa anigoo midkaan ah maan ku guursanaa adigaa marka waa inaad qabiilkaada ku faantaa maha inaad ka faanto magaalada aan daganahyna waala iga yaqaana waxaana hay yumaal lakin dadka haday idhahan madhiibaan maatahy waan ahy muuse waan ahy yubir waan ahy gabooye waan ahy waana ku faanaa waana ku qanac sanahy alxmdu li laahi rabil caala miin waana iskal waynahy qariyadaa

Somalia's Beauty of the Past

  Somalia is a Horn of Africa nation bordering Ethiopia, Djibouti, Kenya and the Red Sea and the Indian Ocean and endowed with assortments o...