Map of the World

Map of the World
Our World

Monday, April 14, 2008

Dagaalkii Boqolka Kun ee Doolar

Qaxooti badanoo laga keena wadamadada saddexaad laguna soo daadgureeyo wadamada hodanka ah ee reer galgeedka ayaan aqoon fiican ulahayn sida looga kafa'ideysan karo kheyraad badanoo ay ka indho daboolan yihiin. Taasina waxaa daliil u ah marka aad eegto sida ay qaar u najaxeen qaarna uduloobeen. Waxaa jira kuwo soo galay ayagoon waxba haysan haddana maalqabeeno ah kuwaaso ay ufuranyihiin goobo ganacsi siiba dukaamada cuntada, dharka, iyo qudaarta; haddaad dhan kale jaleecdana waxaad arki kuwo tiro badano isugu jira waayeelo iyo dhalinyaro wax bartay ama dhiganaya ama kadhigaya jaamacadaha; yeynan iloobine waxaa jira kuwo kusaaqiday nolosha oo daba orda nolosha adduunka ee qaloocan kuwaaso isku mashquuliyay dhileysiga ama sinada; daroogada sida qaadka, khamriga, xashiishada iyo maandooriyeyaal cuseyb ku ah ummadda Soomaaliyeed.

Haddaba, waxaa jira qoys iskutaxluujiyay sidii ay uga samatabixi lahaayeen gaajada iyo wixii lahalmaala. Waa labo islafahmay sida loo dheelo shaxda musuqmaasuq aan hore loo arag. Daadirow iyo Duniyo waxay Soomaaliya ku ahaayeen danyar muruqmaal ah oo si ba'an ula dagaali jiray gaajada. Hadaba, haddii ay heleen fursad qaali ah taaso ah deganaansho wadan rer Galbeed, waxay niyoodeen inay si dhakhsa ah ulacageystaan kadibna kunoqdaan wadankoodii hooyo goortii nabadi dhacdo.

Kadib markey isla falanqeeyeen sida ay wax ufarsameyn lahaayeen, ayey isla arkeen in dheesha ay kafududahay siday moodayeen. Ajendihii ay hindiseen ayaa wuxuu lanoqday wax sahal ah. Horaa loo yiri lacagi lacag bey dhashaa. Haddii ay si fiican ushaqeystaan, dee Soomaaliya waxaa looga aqoonsan tijaariin ama maalqabeen. Mid waliba habeenkii wanaag buu kuriyoodaa. Waxay riyada tustaa ayagoo dalxiisaya jasiirada Seysheles; mararka qaar waxay kuriyoodaan ayagoo kunool guryo waaweyn; marna waxay arkaan ayagoon waxba qabaneyn oo loo shaqeynaayo.

Haddaba, sifa ayan udabaalan riyo beenaad, ayey bilaabeen in ay kadhabeeyaan wax qabadkooda. Waxay go'aansadeen inay kala noqdaan 'separate' ama labo isqaboo kala tagay. Duniyo waxay wargelisay xafiiska arrimaha bulshada in ninkeedii ay isfureen. Mar haddiiba ay falkaasi kudhaqaaqday, Daadirow waa kamamnuuc inuu soo istaago guriga ay Duniyo iyo wiilkeeda laba jirka ah ay kunoolyihiin.

Duniyo waxaa loo ogolaaday lacag caddaan ah iyo raashiin beytimaal ah oo ciida kabadan. Kiradii guriga ee ay bixin jirtayna waa laga joojiyay. Waxaa kaloo laga dhaafay korontadii, gaaskii, iyo waxyaabo kaloo badano lacagta ka xayuubin jiray. Neefta ayaa kaso booday. Waxay mashruuc qarsoodi ah lagashay haween Soomaaliyeed sifa ay caruurtooda ugu keensadaan oo ay ugu hayso gurigeeda. Mar haddiiba dhaqaalaha loo kordhiyay Duniyo waxay goosatay inay sii kordhisato ama kororsato. Ogow, wax badso waxay leedahay wax beel. Waxay furatay xaruun dahsoono ilamaha lagu xanaaneeyo kaaso loo yaqaan 'day care'.

Muddo kadib Duniyo waxay is aragtay ayadoo haysata ilaa iyo toban canug oo midkiiba lagu siiyo $750 bishiiba. Duniyo way najaxdee, tolow duni maxaa xigi doona. Ilamahani dhalaanka ah mas'uuliyad kama saara cuntadooda, dawadooda, iyo dharkooda intuba. Waa arrin utaal waalidiintooda. Caruurta waxaa loogu keena raxanraxan subax iyo galab ba.Wiilkeedi yaraa ee cidlada ahaan jiray wuxuu helay ilmo uu lacayaaro wuxuuna noqday bulshaawi.

Aw Daadirow wuxuu koray tagsi wuxuuna sameyn jiray lacag fooqalcaqli ah. Hurdo habar korin weyday horaa loo yiri. Maseexdo inta badan saacado yar mooyee; madamaashaado oo kuma cayaaro lacagtiisa; wuxuu soo shaqeeyana Duniyo ayuu farta kasaaraa oo ugu haysaa guriga. Magaalada ay deganaayeen, waxaa lagu qiyaasay inay kunoolaayeen ilaa iyo todobo malyuun oo qof. Inkastoo ay kala yihiin 'separate', haddana guriga kama uusan tegin oo habeen habeen ayuu soo jiif tagaa.

Muddo labo sanadood markey wax dhigayeen, ayey bilaabeen xisaabtan. Waxay ogaadeen lacagta ay keydsadeen in ay kor udhaaftay &100,000 oo Mareykan ah. Maadaama Soomaaliya wax xal kaso socon, waxay kutashadeen inay sii badiyaan dadaalkooda. Sideedaba, bani'aadmigu khilaaf kama dhamaado oo waatan labada isqaba habeen iyo dharaar iscunaan. Waxaa soo kala dhexgalay kala shaki iyo is aamin la'aan. Maalin maalmaha kamid ah ayey fooda isdareen. Daadirow ayaa ugacanqaaday naagtii hantida uhaysay.

Duniyo waxay wacday Booliska oo isla markiiba ooda soo dhigtay baabuur faro badan. Daadirow wuu argagaxay markuu maqlay guuxa baaburta booliska. Wuxuuu fahmay inuu gacangalay. Qadar yar kadib booliskii ayaa soo galay gurigii. Duniyo waxay jabsatay baroorasho. Booliskii ayaa amray Daadirow inuu debedda usoo baxo sifa loo katiinadeeyo. Wuxuu codsaday in loo ogolaado bal inuu soo qaato boorso dhar ugu jiray. Waa laga aqbalay. Gudaha ayuu ugalay qolkii jiifka wuxuuna lasoo baxay boorso yar. Duniyo ayaa kula dhegtay boorsadii. Way isjiidjiideen oo kudagaalameen. Booliskii ayaa soo kala dhexgalay kana qaaday boorsadii. Waa ay fureen; mise waxaaba kabuuxa lacag ay layaabeen.

Isla markiiba su'aalo ayaa laweydiiyay oo ay kamid ahaayeen halkii ay kakeeneen lacagahaasi faraha badan. Waxaa loo sheegay inay khalad tahay inay iska haystaan lacag aan lacanshuurin. Duniyo meysan fakan; ayadana waa lakatiinadeeyay. Daadirow iyo Duniyo waxaa loodhaadhiciyay xabsiga. Maalintii xigtay ayaa Duniyo iyo Daadirow midba gooni loo baaray. Waxaa loo sheegay inay yihiin khaa'imiin dawladda ugeystay boob iyo dhac maadaama intaaso sannadood lasiinahayey deeq ayagoo haystay dhaqaale kufilan.

Lacagtii dawladda ayaa lawareegtay. Duniyo iyo Daadirowna waxaa loo dhaadhiciyay maxkammad. Muddo bil kadibna waxaa midkiiba lagu xukumay min labo sano oo xarig ah. Wiilkoodii yaraana waxaa loo dhiibay qoys Soomaaliyeed oo sii haaynaya ilaa ay xabsiga kadhameysanayaan. Maadaama aysan haysan dhalashada waddanka, waxaa dhici kartaa in laga musaafuriyo waddanka gebi ahaanba. Wax badso waxay leedahay wax beel.

No comments:

Somalia's Beauty of the Past

  Somalia is a Horn of Africa nation bordering Ethiopia, Djibouti, Kenya and the Red Sea and the Indian Ocean and endowed with assortments o...