Map of the World

Map of the World
Our World

Sunday, October 5, 2014

Dimishiq: Magaalo Qaddiimi ah

Dimishiq, magaala madaxda Suuriya, waa magaalo taariikh dheer. Waxaa loo yaqaannaa "Luulkii Lama degaanka" (Pearl of the Desert). In kastoo lagu muransanyahay, dadka qaarkii waxay yiraahdaan waa halkii ay degganaayeen ummaddii Iram ee Qur'aanka ku sifeeyay "Irama daat al-Cimaad". Waxay lahaan jirtay xilligii Iram, daaro badan oo kolonyo ah oo safan.
Magaaladan waa magaalo qurux badan oo caan ku ah geedo, ubaxyo, iyo beero qurux badan. Sida ay taariikhda xuseyso, Dimishiq waxaa hormariyay dad kasoo hayaamay meelo kala duwan sida dhulka ku hareersan Badda Medhitereeniyanka, Koonfur-galbeed Aasiya, iyo gobollo ku dhow dhow.
Dimishiq waxaa soo maray boqortooyo kala nooc ah. Mar ayadaa gobollo kale qabsan jirtay marna ayadaa la qabsan jiray. Dagaalkii Labaad ee Dunida (1945-49) ayaa sii ba'an u baabi'yay guryo badan waxaana ka soo baxay dhul baaxad weyn oo bannaan ah oo loo rogay beero iyo dhul lagu indho doogsado.
Nebigeenna Suuban, Muxammad (SCW), asagoo la socdo adeerkiis Abuu Dhaalib, ayuu tegey Dimishiq. Quruxdii ay laheyd waagaasi waxaa ka soo warramay cag-ma-dhigihii reer Morooko ee la oran jiray Ibin Badhuudha sannadkii 1326. Waxaa uga sii horreeyay Ibin Jubeyr oo dul tegey magaaladani qaddiimiga ah sannadkii 1184. Sidoo kale, dhul mareenkii Reer Yurub ee la oran jiray Ludolph van Suchem, ayaa tegey Dimishiq runtiina wuxuu ku soo arkay qurux cajebisay.
Qoraagii Mareykanka ahaa marna shaactiroolaha ahaa ee la oran jiray Mark Twain ayaa asagana tegey Dimishiq sannadkii 1867 wuxuuna yiri, "wakhtigeeda laguma sifeeyo maalmo ama bilo, ee waxaa lagu sifeeyaa inta xukuumadood (boqortooyo) ee soo maray, qaar sare u kacay iyo qaar burburay" (fasiraad).
Xigasho/Tixraac

No comments:

Somalia's Beauty of the Past

  Somalia is a Horn of Africa nation bordering Ethiopia, Djibouti, Kenya and the Red Sea and the Indian Ocean and endowed with assortments o...