Map of the World

Map of the World
Our World

Wednesday, July 6, 2016

GUURE XAAJI DUDE: NINKII DHERBAAXAY GUUMEEYSTE INGIRIIS AHAA

Sannadkii 1958 ayaa ciidankii Soomaaliyeed ee ku sugnaa magaalada Wajeer (Wajir) kana tirsanaa maamulkii guumeeystihii ingiriiska oo dhammantood ahaa ha qabiil ayaa waxaa loo beddelay magaalada Siyaloow (Isiolo) waxaana laga reebay hal nin qudha.
Kuwii Siyaloow joogey oo ayaguna ahaa qabiil kale oo Soomaaliyeed ayaa waxaa loo soo beddelay Wajeer oo uu xukumayey gaal Caddaan ah oo la odhan jiray Sutter. Ninkii Soomaaliyeed ee ku hadhay Wajeer ayaa u sheegay Soomaalidii laga keenay Siyaloow in Sutter uu askartiisa ku garaaco suunka dhexda ugu xidhan.
Gaalkii ayaa waxay is maandhaafen askeri la odhan jiray Guure Xaaji Dude oo ka tirsanaa askartii Siyaloow laga soo beddelay. Sutter intuu suunkii dhexda ugu xidhnaa la soo baxay ku garaacay Guure Xaaji. Guure intuu udul qaadan waayey garaaca, ayuu gaalkii labada indhood dherbaaxo kala dhacay, halkaasoo gaalkii dhulka isa shalalay sidii lax gowrac sugeysa.
sutter markuu soo miyirsaday ayuu ku soo baraarugay askartiisii oo dammasanaa in Guure ay xabsiga dhigaan. Sutter, wuxuu ammar ku bixiyey inaanan Guure la xidhin. Sutter wuxuu askartii weydiiyey ninka dherbaaxay magaciisa waxaana loo sheegay in la yidhaahdo Guure Xaaji Dude. Beddelkuu ciqaabi lahaa ayuu Sutter geesigii dhulka dhigay ubaxshey 'Guure Wazimu'-taaso la micne ah Guurihii waalnaa. Dhacdadaasi kadib, Sutter wuu joojiyey garaacii uu caadeeystay.
Waxaa soo tebiyey sheekadan Xasan Jire.

No comments:

Somalia's Beauty of the Past

  Somalia is a Horn of Africa nation bordering Ethiopia, Djibouti, Kenya and the Red Sea and the Indian Ocean and endowed with assortments o...