Map of the World

Map of the World
Our World

Saturday, July 2, 2016

GUUR, HALAQ GALEEN, IYO SADDEX GEERI

Nin baa wuxuu guursaday gabadh aad u qurux badan wuxuuna geeriyooday habeenkii koowaad ee ay aqal galeen. Ciddaddii markey ka baxday, ayaa waxaa dumaalay marxuumkii walaalihiisi mid ka mid ahaa asagana wuxuu dhintay habeenkii ugu horreeyay ee ay aqal galaan.
Soomaali dumaal waa u caado ee raggii noolaa waxay ka maarmi waayeen gabadha quruxdeeda iyo hab dhaqankeeda wanaagsanaa. Goortey ciddaddii ka baxdayna, waxaa dumaalay walaalkii labaad, asagiina isla habeenkii ay aqal galeen ayuu qudh baxay.
Deetana waxaa guursaday walaalkii saddexaad, asagiina wuxuu xijaabtay habeenkii ugu horreeyay.
Waa yaab iyo ammakaagee, gabadhii waxaa la aqal galay walaalkii afraad. Habeenkii ugu horreeyay ayuu diyaarsaday xarig iyo toorreey affeeysan. Intuu sasabay ayuu gurigii ka kaxeeyey wuxuuna geeyay meel guriga ka yara durugsan kadibna geed buu ku xiray.
Ayadoo geedkii ku xirxiran ayuu u cago jugleeyey. Intuu toorreeydii la soo baxay si uu u cabsi geliyo, ayuu ka codsaday iney u sheegto wixii walaalihiisi dilay Wuxuuna u sheegay haddii ay runta u bayaamiso oo xitaa ay qirato in ayada ay dishay, in uu cafinayo.
Runley bey aheyde, waxay ka codsatay in uusan waxba u geysan, maadaama ay run u sheegi doonto.Waxay tidhi, "mas baa caloosheyda ku jiraa wuxuuna soo baxaa markaan kaadinayo ama nin ii hawoodo ee ogoow walaalahaaga waxa dilay waa bahalkaasi igu dhex nool.." Ayadoo hadalkeedi sii wadata, ayaa waxay u sheegtay in bahalku horraan intaanan la guursan uu afka la soo bixi jiray marka ay kaadineyso oo uu leefleefi jiray kaadideeda.
Intuu gabadhii xarigga ka furay ayuu ka codsaday in ay u sheegto goor kastoo ay kaadi qabato, wuxuuna diyaarsaday surqin ka sammeysan xarig kaasoo uu ugu talo galay in bahalkaasi uu ku qabto. Wax yar kadib gabadhii kaadi ayaa qabatay weyna u sheegtay ninkeedi in uu diyaar garoobo.
Debedda ayey is la tageen weyna kada loobsatay oo billowday in ay kaadiso, isla markiina bahalkii ayaa madaxa la soo baxay oo xarriggii ayuu si fiican ula helay kana soo jiiday ferjigeeda. Mas weyn buu ahaayee, halkii ayuu ku dilay.
Wuxuu gabadhii ku wargeliyey in ay ogeysiiso mar kastoo ay kaadi qabato. Saddex jeer markey kaadisay habeenkaasi oo uu ninkii ka waayey wax ferjigeeda ka soo baxa, ayuu is dejiyey oo iska illaaway wixii tagoo hore. Gabadhii waxaay ninkeedii u dhashay 10 carruur ah weyna isku waareen.

No comments:

Somalia's Beauty of the Past

  Somalia is a Horn of Africa nation bordering Ethiopia, Djibouti, Kenya and the Red Sea and the Indian Ocean and endowed with assortments o...