Wednesday, July 29, 2015

WAREYSI: MAXAMMED DAAHIR ROOBLE OO KA TIRSAN MUCAARADKA JABUUTI

Odhaahda TifaftirkaWaxa hadda ka soo wareegtay tan iyo intii dawladda Jabuuti qaadatay xoriyadda 38 sano, iyada oo Jabuuti lagu tilmaamo dal deggan marka loo eego xaalada ammaan ee Geeska Afrika, islamarkaana ku talaabsatay horumar dhinaca dhaqaalha ah, ayaa haddana waxaa jira tabashooyin badan oo la xidhiidha musuqmaasuq baahsan, maamul kali tali ah, ku xadgudub lagula kaco xuquuqda dadweynaha, cabudhinta saxaafada, xisbiyada mucaaradka, iyo dadka ka soo horjeesta xukuumadda Jabuuti. Haddaba si aan arrimahaasi wax uga ogaano, waxaanu waraysi qoto dheer oo taabanaya dhinacyo badan la yeelanay Dr. Maxamed Daahir Rooble oo ka mid xisbiga mucaaradka ee Isbaahaysiga Badbaadada Qaranka (USN) . Waraysigan waxaa u qaaday WardheerNews Aadan Makiina.
—————
WardheerNews (WDN): Maxamed ku soo dhowoow shabakada WardheerNews. Bal wax yar i nooga taataabo taariikh nololeedkaaga?
Maxammed Daahir: Bahda wargeyska wardheerNews (WDN) , aad baan idinkugu mahadnaqayaa soo dhoweynta iyo sharafta aad igu sharafteen wareysi gaar ah wargeyskan caanka ah. Waxaa kale oo aan idinkugu mahadnaqayaa xil iska saaridda xaaladda waddanka Jabuuti aad iska saareysaan iyo xaqiiqa raadinta aad ugu jirtaan dalka Jabuuti in aad ku war galisaan dadka ku xidhan wargeyskan WardheeNews. Iyada oo dalka Jabuuti meel muhiim ah kaga yaallo Geeska Afrika, waanan dhawahay walaalayaal.
Djibouti- mapMagacayga sidaad ogtihiinba waa Maxammed Daahir Rooble, waxbarasho Dugsiga hoose–ilaa ka sare waxaan ku qaatay waddankayga Jabuuti 1978-1986. Waxaa kale oo aan wax ku bartay Jaammacadda Imaraatka Carabta (Shareeca-law 1988–1992), iyo waddanka Yemen, oo aan ka qaatay Culuumta Islaamka Master (Islamic studies) 2005, iyo Sudan oo aan ka qaatay shahaadada PH.D. ee Maamullada Cusub iyo Ururada Islaamiga ah.
WDN: Sidee ayay kuula muuqataa jawiga siyaadeed ee hadda ka jira waddanka Jabuuti?
Maxammed: Waxaan ku jiraa dadka aadka uga cabsi qaba jawiga siyaasadeed ee wadanka Jabuuti. Cabsidaasina asaas cilmi ah ayay ku dhisantahay, waayo markii doorashadii baarlamaanka ay ku guuulaysteen ururka (USN), waxaa toos usoo fara galiyay Madaxwayne Geelle. Sida la ogsoonyahayna doorashadaasi waxay ahayd baarlamaan, hase yeeshee Madaxwayne Geelle wuxuu u dhaqmay sidii doorasho madaxtooyo, wuxuuna tv-ga ka sheegay maalin ka hor doorashada in uuna oqoonsan doonin wixii kasoo baxa doorashadaa wayna u duubantahay maqal iyo muuqaal.
Waxaa naxdin labaad ahayd sida aw Madaxwayne Geelle mar labaad u xidhay rajo dad badan ay qabeen in furfurnaan siyaasadeed ay ka hirgali karto dalka Jabuuti. Ka dib diidintaankaa doorashadii wixii ka soo baxay uu diiday Geelle, mucaaradka Jabuuti waxay muujiyeen xilkasnimo badan , baaqyo badan ayay u fidiyeen Madaxweyne Geelle oo dalka Jabuuti kaligii ka taliya awoodihii wadankana ku soo ururiyay gacantiisa. Nasiib darro ilaa maanta lagama hayo wax af garad ah madaxweyne Geelle , arrimahaas oo dhan ayaa igu dhalisay in aan cabsi badan ka qabo mustaqbalka dalkayga.
WDN: Jabuuti intii uu hayay xukunka Md. Ismaaciil Cumar Geelle, waxa ay ku tallaabsatay horumar dhinaca dhaqaalaha ah, iyada oo hadda GDP-ga Jabuuti uu kor u dhaafay 5.4%. Jabuuti oo daris la ah waddamo ( Soomaaliya iyo Yemen) dagaallo iyo ammaan darro ay ragaadisay, markaas miyaanan la odhan karin wax badan bey qabatay xukuumadda Geelle?
Maxammed: a). Geelle markii uu waddanka qabtay waxa ay ku hagaagtay wakhtigii uu bilaabmay dagaalkii Eritrea iyo İtobiya dhamaadkii 1998. Taasi oo abuutay in baahidii shacabka İtoobiya oo u soo wareegtay maarsooyinka Jabuuti.
b) Arinka kale waa soo dagitaanka ciidamada reer Galbeedka uu hor kacayey Maraykanku dhacdadii 11-kii september kadib. Ku waa oo dhaqaala badan dalka ku soo kordhiyay, dhaqaala badan oo miisaaniyadda dalka 35 % gaadhaysa.
c) So dagitaanka ciidaamadda shisheeye waxa ay keentay in ay maal gashadaan shariikado waaweyn sida DP World Dubai iyo Jebal-Ali oo dhisay maarso iyo free-zone oo gaadhaysa maalgelinteedu $400 oo malyun oo doollar iyo Hudheelka caalamiga ee Kempeski.
Djibouti
Mudaaharaad, Jabuuti
Dhaqaale xoog leh ayey ku soo biiriyeen markaas horukaca dhaqaale ee 5.4% sidaas yuu ku yimid, waxa uuna yahay macro-economic (Dhaqaalaha guud) ee micro-economic (dhaqaalaha hoose) hoos u dhac weyn ayaa ku yimid. Fursadaha waddanka jira waxa kaliya ee ka faa’iideysta waa Geelle iyo kooxda ku wareegsan. UNDP report 2014 waxa uu sheegayaa in shacabka Jabuuti 42% saboolnimada daran (extreme poverty) ay ku jiraan, 80% sabool (relative poverty) ay ku noolyihiin. Shaqo la’aanta dhallinyarta dhaxdeeda waa 70% halka shaqo la’anta guud na tahay 60%.
Markaa dekedaha la dhisayo mashiinno ayaa ka shaqeeya shacabka reer jabuuti saboolnimo ayaa uga soo korodhay. Ta kale waxa aad ogaataan caawimaadda toos ka ah (direct foreign aid) ee la siiyo Jabuuti sannadkii waa $750 malyun oo doollarka Mareykanka ah. Jabuutina waxa ay kaga jirtaa qiimmeynta waddamadda adduunka ee horumarinta dadka iyo xakammeynta musuqmaasuqa- 170/180 Human Development Index iyo 107/170 Corruption Perception Index.
Intaa waxaa soo raacda shacbiga Jabuuti oo maanta haysato khidma darro xagga korontada, biyaha, nadaafad darrada iyo dhismo (infrastructure) la’aan iyo caafimaad darro iyo tacliin tayo daran.
Su’aasha is weydiin leh ayaa waxay tahay, dhaqaale kobcay 5.4% muxuu uuga muuqan la’yahay nolosha shacbiga reer Jabuuti? Markaas, haddii uu waddanku sidaa ku sii socdo Soomaaliya, Yemen iyo dalalka dhactay kama foga Jabuuti.

No comments: