Map of the World

Map of the World
Our World

Thursday, August 14, 2014

WAREYSI: MADAXA JAAMACADDA KISMAAYO

WardheerNews
Odhaahda Tifaftirk:Tan iyo intii ka dambeysay burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa isa soo tarayay kobaca waxbarashada sare ee Soomaaliya, waxaana waddanka laga hirgeliyay jaamacaddo tiro badan. Kuwaas oo ku kala baahsan gobollada dalka oo dhan. Jaamacaddahaas tirada badani, run ahaantii  dhibatooyin iyo durrufo kaleba ha iska jiraane haddana waxay dabooleen illaa xad baahiyihii dhanka tacliinta sare ee ka jiray dalka inkastoo ay ku jiraan kuw badan oo aan u qalmin magaca Jaamacad.
Jaamacaddaha dalka ka jira waxaa ka mid ah Jaamacadda Kismaayo (JK) oo iyada sanadihii labada kun badhtamahoodii laga hirgeliyay magaala madaxda gobolka Jubbada Hoose ee Kismaayo. Si aan haddaba wax uga ogaano marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Jaamacadda Kismaayo iyo guud ahaanba heerka waxbrasho ee jaamacadda, waxaanu wareysi la yeelanay madaxa Jaamacadda Kismaanyo Dr Maxamed Weli. Wareysiga waxaa qaadday Adan Makina oo ka tirsan bahda WardheerNews.
____________
WardheerNews (WDN): Ugu horreyn kusoo dhowoow WardheerNews.
Dr.M.Wali2
Dr Maxamed Weli
Dr. Maxamed wali Madaxa Jaammacadda Kismaayo (JK):  Marka hore waxaan salaamayaa bahda wardheernews.com iyo inta kutaxan oo idil waxaana leeyahay Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu, waana dhawahay walaal.
WDN: Goormaa la billaabay Jaammacadda Kismaayo, Yaase billaabay oo iska lahaa fikradda aas-aaskeeda?
Dr. Maxamed Wali: Waxaa la  billaabay 1-9-2005, waxayna ahayd waqti ay bulshada ku nool Jubbooyinka ay aad ugu baahnaayeen waxbarashada  sare, waxaana xusid mudan in ay jaamacadda Kismaayo ay tahay Jaamacaddii ugu horraysay oo laga hirgaliyo magaalada Kismaayo  abidkeed taariikhda Soomaaliya.
Waxaa iska lahaa fikirka lagu aasaasay  Jaamacadda Kismaayo Hay’adda Tawfiq Welfare Society iyo khubaro ku xeel dheer waxbarashada sare oo iskaashaday, waxayna sameeyeen cilmi baaris la xiriirta aqoonta sare iyo baahida ay bulshadu u qabto, ujeeddaduna, waxaa kale oo ay jawaab u ahayd in Jamciyadda Tawfiiq ka jawaabto baahida la xiriirta ardayda ka qalin jabisay dugsiga Jubba oo ay gacanta ku haysay maamulkiisa iyo waliba arday kale oo ka qalin jabisay  labada dugsi oo kale oo markaa ka jiray magaalada Kismayo, si loo helo shabakad waxbarasho oo heerar kala duwan ah, iskuna xiran. Jamciyadda Tawfiiq waxay ku guulaysatay in ay dhisto nidaam waxbarasho oo ka bilowda heer hoose ilaa heer sarena gaarsiisan.
WDN: Yaa baxshey ama yaa iska kaashaday dhaqaalaha lagu dhisay jaamacadda?
Dr. Maxamed Wali: Jaamacadda Kismaayo waxay leedahay xarrun balaadhan oo dhacda waqooyiga magaalada Kismayo oo ka kooban qaybaha kala duwan ee ay jaamacaduhu u baahan yihiin, waxaana ka qaybqaatay dhisidda xarruntan Bangiga Horumarka Islaamka ee kuyaala Jidda, Sacuudi Carabiya iyo hay’ado kale oo kasoo jeedda waddamada Carabta, iyo ganacsato Soomaaliyeed oo ka soo jeedda goballada Jubbooyinka. Dhinaca hawl galinta jaamacadda waxaan ku wadnaa lagacta (fee) aan ka qaadno ardayda dhigata jaamacadda Kismayo iyo maalgelinta hay’adda Towfiiq.
WDN: Wax ma nooga sheegi kartaa dhismayaasha ay jaamacaddu ka koobantahay?
Dr. Maxamed Wali: Jaamacaddu waxay leedahay saddex xarrumood. Tan  ugu wayn waxay ku taallaa  Waqooyiga magaalada Kismaayo,,waxayna ka ka kooban tahay 5 dhismo sida qolalka waxbarshada, Maamulka, Maktabadda, Masaajidka iyo Kaafteeriyada.  Labada xarrumood ee kale  waxay dhacaan maagalada gudaheeda. Mid waa isbitaalka Jaamacadda Kismaayo wuxuuna raacsanyahay Kuliyadda caafimaadka, xarrunta kalena waxaa wax ku barta ardayda kuliyadaha kale.
WDN: Ma jirtaa wax kaalmo ah oo aad ka heshaan dawladda Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada?
Dr. Maxamed Wali: wax kaalmo ah oo naga soo gaartay Dawlada soomaaliya ee fadaraalka ah ma jirto ilaa iyo hadda , laakiin jaamacaddu waxay aqoonsi buuxa ka haysataa Wasaaradda Tacliinta Sare ee Fadaraalka.
Waxaa iyana xusid mudan in xarrunta wayn ee jaamacadda ay maamulka Jubbaland iyo ciiddamada AMISOM xoog ku qabsadeen bishii Oktober 2012, markay magaalada soo galeen, kuna qabsadeen shirkii maamulka Jubba lagu dhisay, markuu shirkii dhammaadayna ay ka dhigteen xarrun ciiddan oo malayshiyaad lagu tababaro ,run ahaana in badan baan  arrintaa kala hadalnay maamulka ilaa haddana  waxba kama qabsoomin, waxaanan leenahay saasi ma aha sidii loogu abaal gudi lahaa Jaamacada Kismaayo oo u taagan adeegga bulshada una soo dhabar adaygtay  dhibaatooyn badan .
WDN: Ma jiraan Jaamacado kale oo aad xiriir la leedihiin?
Dr. Maxamed Wali: Haa waxaa jira jaamacaddo aan xiriir iskaashiyadeed aan la leenahay gudaha Soomaaliya iyo dibaddiisaba, sida Jaamacadda Banaadir “ Muqdisho “, Jaamacadda Bariga Afrika “ Boosaaso”, Jaamacadda Nugaal “ Laascaanood’. Waxaa ka mid ah jaamacadaha dibadda ee aan iyana xiriirka la leenahay Jaamacadaha Kenya,Uganda, Suudaan, Sacuudiga, Masar iyo Maleesiya.
WDN: Bal wax nooga sheeg manaahijka jaamacaddu ay ku shaqeyso?
Dr. Maxamed Wali: Jaamacadda manhajka ay dhigto waa mid waafaqsan manaahijta jaamacadaha caalamka, waana nidaamka 4 sano, sanadkasta wuxuu ka kooban yahay 2 xilli (semester), saacaduhuna waxay ku xirantahay kuliyadaha jaamacadda ka jira, laakiin waa mid waaafqasan qaababka ugu wanaagsan ee laga aqoonsan yahay caalamka.
WDN: Imisaa ardey ayaa hadda dhigta jaamacadda?
Dr. Maxamed Wali: hadda waxaa dhigta 550 arday, waxaana xusid mudan in gobollada Jubbooyinka ay ka jireen dagaallo joogta ah laga soo bilaabo 1991, waxaana ka dhashay barakac baahsan, dadka deegankuna waxay u hayaameen xeryaha qaxootiga ee dhadhaab (Kenya),  sidaa darteed waxaa jirta in ardada tiradoodu ay ku xiran tahay kolba sida daganaansho loo helo.
WDN: Imisa macalimiin ayaa wax ka dhiga jaammacadda?
Dr. Maxamed Wali:  Jaamacadda macallimiinta wax ka dhigta waxay dhantahay ilaa 31 Macalin oo isugu jira kuwa haysta PHD iyo Master Decree, waana macallimiin khibrad aqooneed u leh waxbarshada sare iyo cilmibaarista la xiriirta.
WDN: Macallimiinta dhammaan ma wada Soomaali baa misa waxaa ku jiraa qaar ajaanib ah?
Dr. Maxamed Wali:  dhammaantood waa macallimiin Soomaali ah, laakiin qaarkood waxay haystaan Baasaboorro waddamo kale sida Kenya iyo UK.
WDN: Macallimiintiina immisa ayaa haaysta shahaadada Master’s ama PhD?
Dr. Maxamed Wali: Waxaa shahaadada PHD haysta  9 macalin inta kalana waxay haystaan Shahaadada Master, waxaa kale oo jira macallimin khibrad leh oo sanado badan ka soo shaqaynayay waxbarashada
WDN: Weli wax arday ah oo ka qalinjebiyay jaamacadda ma jiraan?
Dr. Maxamed Wali: Haa waxaa jaamacadda Kismaayo ka qalin jabiyay 5 lood  oo isku xigta taas oo ka bilaabanaysa 2010 ilaa sanadkan 2014 oo lodkii 5 naad qalin jabiyay bishii Juun 26-2014.
WDN: Maxaa idiin qorshaysan in aad ku tallaabsataan sanadaha soo socda?
Dr. Maxamed Wali: Waxaan rabnaa in aan ku biirinno jaamacadda kuliyado cusub anaga oo tixgalinayna istaraatiijiyada u dagan jaamacada iyo baahida ka jirta gobalka, sida Kuliyadda beeraha, Kuliyadda cilmiga badda, kulliyadda Xannaanada xoolaha, kuliyadda cilmiga computers-ka iyo kuliyadda injineeriyada
WDN: Ugu dambeyntii maxaa farriin ah oo aad halkan ka gaadhsiin lahayd shacabweynaha Soomaaliyeed ee kunool dalka iyo debedda?
Dr. Maxamed wali: waxaan u diraynaa in ay waxbarashadu tahay furaha horumarka shacabka Soomaaliya, mustaqbalka waddankana wuxuu ku xiran yahay badbaadinta iyo waxbaridda ubadka soo koraya. Midda kale haddaan nahay bahda Jaamacadda Kismaayo waxaan geed dheer iyo mid gaaban u kornay in waxbarashada sare aan ka hirgalino goballada Jubbooyinka oo dayacnaa laga soo bilaabo 1960kii. Waxaa sharaf iyo qiimo noo ah in goballada Jubbooyinka albaab cusub in aan u furno, taariikh cusub in aan u bilowno, waxaan halkan mahad balaadhan uga soo jeedinaynaa cidkasta oo ka qayb qaadatay taageerida jaamacadda Kismaayo, inta aan ka qaybqaadanina ay hadda hiil hooba lagarab istaagaan jaamacadda.
WDN: Aad ayaad ugu mahadsantahay wareysiga aan kula yeelanay, waxaana idiin rajeyneynaa guul.
Dr. Maxamed Wali: waad ku mahadsantihiin fursaddan qaaliga ah eed isiiseen si aad u baahisaan horumarka baaxadda wayn ee la xiriira waxbarshada sare ee ka curatay  gobollada Jubbooyinka, taas oo ay hoggaaminayso Jaamacadda Kismayo.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.
WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.
WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.
Copyright © 2013 WardheerNews, All rights reserved

No comments:

Somalia's Beauty of the Past

  Somalia is a Horn of Africa nation bordering Ethiopia, Djibouti, Kenya and the Red Sea and the Indian Ocean and endowed with assortments o...