Map of the World

Map of the World
Our World

Friday, May 8, 2009

Poem Name: Seylo - Saxansaxo

Heestan waxa ku qaada fanaanka caanka ah ee Xasan Aadan Samatar,

Seyloo guyaal badan

Soo baxa kaliishii

Seelseelna loo degay

Sannad geelu badi dhalay

Oo sidigtii Laalays

Nirguhu aanay socod baran

Reeraha sintoodiyo

Kaymo saar leh loo dhigay

Oo igadh mid yari sabo

Maqaar lagu salaaxay

Sameeshay gaawaha

Oo baarqab soohani

Isagoo ah laba sabar

Soofeeyey micidoo

Ka sanqadhiyey doobtii

Salaadiina roorsaday

Ugubkii usaniyo

Surmo dheer la tiigsaday

Saqdii dhexena roob helay

Subaxii bariisada

Sidoodaan jaleecada

Saxansaxo ugdoon badan

Sanka kuula raacaa



Sange subag idaadiyo

Sumal badhidii lagu shubay

Oo sabada ceelkiyo

Sohdu tahay agtiisoo

Loogu dhaansho sacabada

Oo Sud iyo Hawd sare

Saddex guure daaqoo

Weli aan sadyari arag

Oo seeto iyo dabar

Labadaba ka saahiday

Oo sallow dagaaliyo

Cidi geyn saraayaha

Oo sararta naaxdiyo

Timihu isku seexdeen

Oo seyngargoorkiyo

Loo salaaxay guudkoo

Saxarkii ku duuliyo

Laga maydho siigada

Loo saaray kooraha

Cigaalkiina loo sudhay

Sarajooga iyo muuq

Sanku-neefle kelidaa

Adaa suuradiisa leh



Sagal gaaxday roob subax

Seermaweydo soo gudday

Waaguna ku sare kacay

Sarajoog nin dhererkii

Cadceeduna la siman tahay

Nuurkuna sagootiyey

Oo waqal sindadabiyo

Guulaamo socotiyo

Kala soocday dhibicii

Oo midab sibaaqiyo

Madow suul dhalaal xiga

Saddexdaa miduun yahay

Qof suureeyey kala garan

Oo beel sanaagiyo

Ku surmiyey saraar godan

Saadaalineysoo

Sugayaan inuu helo

Subaxii bariisada

Sidoodaan jeelacada

Saxansaxo udgoon badan

Sanka kuula raacaa



Dhulka saacu wada gaadh

Waannu kala sedroonyee

Meel idaha seel u leh

Riyaha salool u leh

Oo geela saar u leh

Oo dirir sagaariyo

Sagaal gudcurkuna helay

Saga xareedaan

Biyuhuna sunsumayaan

Oo saawa-saawiyo

Saxal cudur lahaynoo

Salka looga degay nabad

Oo saraarta dixidiyo

Siman tahay dareemadu

Oo sabiga caanihii

Lagu siiyey golihii

Habluhuna sibraariyo

Dhiilo saabka loo tolay

Sinta bidix ku qaadeen

Subaxii bariisada

Sidoodaan jeelacada

Saxansaxo udgoon badan

Sanka kuula raacaa

No comments:

Somalia's Beauty of the Past

  Somalia is a Horn of Africa nation bordering Ethiopia, Djibouti, Kenya and the Red Sea and the Indian Ocean and endowed with assortments o...