Map of the World

Map of the World
Our World

Friday, May 8, 2009

Lyrics: Hooyooy La'aantaa by Mohamed Saleban

Hooyoy la'aantaa
Adduunyadu hubaashii
Habeen kama baxdeenoo
Iftiin lama heleenoo
Dadku uma hayaameen
Dayax heego joogoo
Sida haad ma fuuleen
Xiddig hawd ka lulatoo
hawo laguma gaadheen

Hubka laguma tureen
cirka hirar ka muuqdoo
ruuxaad hagaysiyo
dusha midho ku haystaa
hilin toosan waligii
ka habaabi maayee
Hooyoy addoomuhu
Halkay maanta joogaan
Adigaa u horseedee

Intaad hanad xambaartee
Haaneedka siisee
Horaaddada jaqsiisee
Habtay baan xisaabiyo
Tiro lagu helayn,
Marka aad nin hiilloo
Laga baqo hashiisiyo
Halyey diran dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.

Marka aad nin hoo-loo
marti hagar ka gelinoo
Gurigiisa habaqluhu
Isku soo halleeyoo
xayntiisa quudhoo
Hor ilaahay geystiyo
Lama hure dhashaa baa
Hooyoy lagu xasuustaa.

Marka aad nin himilada
Hilin toosan mariyoo
Hir markii la gaadhaba
Ku labaad hilaadshoo
haga maatadiisoo
La higsade dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.

Marka aad nin hooggiyo
Ka hor taga dagaalkoo
dabka hura baqtiiyoo
Garta hubin yaqaanoo
Xaqa hoos u eegoo
Halistiyo colaadaha
ku hagoogta dhiigoo
Dadka kala hagaajoo
Kala hage dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.

Markaad hoobal caanoo
sacabka iyo heelada
Labadaba hagaajoo
Hindisaha farshaxanoo
Hab-dhaca iyo luuqdaba
rabi hibo u siiyoo
Hawraarta maansada
Heensayn yaqaanoo
Hal-abuur dhasha baa
Hooyo lagu xasuustaa.

Dumar iyo haween baa
Nolol lagu haweystaa
Kuwa lagu hammiyayee
Sida hawd caleen wayn
Rag u wada hamuumee
Ishu halacsanaysaa
Hablahaaga weeyee.

Marka guur la haybshee
Gabadh heego dheeroo
Hoobaan la moodoo
Karti iyo hub-qaadloo
Quruxdana ka hodanoo
Hira laga aroostaa
Hooyo lagu xasuustaa.

Hooyoy la'aantaa
Higgaad lama barteenoo
Hooyoy la'aantaa
Hadal lama kareenoo
Ruuxaanad habinoo
Kolba aanad heesiyo
Hoobey ku sabinoo
Hawshaada waayaa
Hanaqaadi maayee
hooyo taftaada
dugsi laga helaayoo
Hooyoy dhabtaadaa
Hurdo lagu gam'aayoo
Hooyoy dushaadaa
Nabad lagu helaayoo
Waxa lagu hal-maalaa
Hooyo ababintaadee
Hayin lagu badhaadhaay
Hogol lagu qaboobaay
Gogol lama huraaneey
Dugsigi lagu hirtaayee
Hidde lagu arooraay.

Intaad hooyo nooshahay
Hambalyiyo salaan baan
Hanti kaaga dhigayaa
Hamrashiyo xaq-dhowr baan
Dusha kaa huwinayaa,
Hooyo dhimashadaaduna
Hooggayga weeyoo
Weligey hoggaagaan
Ka dul heesayaayoo
Hiyiga iyo laabtaan
Kugu haynayaayoo
Hengel baan u xidhayaa
Inta haadka duushiyo
Idil habar dugaaggee
Ifka hibo ku noolow
Aakhiro halkii roon
http://www.somalilyrics.net/music/mohamed-saleban-tubeec/hooyo/

No comments:

Somalia's Beauty of the Past

  Somalia is a Horn of Africa nation bordering Ethiopia, Djibouti, Kenya and the Red Sea and the Indian Ocean and endowed with assortments o...