Map of the World

Map of the World
Our World

Saturday, September 20, 2008

CUDURKII FILANWAA

Kuusow wuxuu ahaa wiil xarago badan dhallinyaronimadiisi; inkasto uu qooqanaa, haddana hablaha isagama dhici jirin. Taxadar iyo feejignaaan, deganaansho iyo qunyarsocodnimo, aftahannimo iyo sheeko macaani ayaa kamid ahaa calaamadaha lagu yaqiin. Wuxuu ahaa baarri yar iyo waayeelba utura. Waxaa lagu yaqiin xoog iyo itaal dheeri, xarrago iyo labis wanaagsan, salaadana kama tegi jirin. Haddaad eegto muuqaalkiisa, wuxuu umuuqday ragga ka dhexmuuqada goobaha lagu jimicsado ama jirka lagu dhiso. Bidhaantiisa keliya ayaa cajebin jiray dumarka guur doonta ah siiba kuwa tirada badan ee kunool galbeedka ee loo yaqaan ‘single mothers’. Waa naago aan laqabino haaysta carruur.

Hablahani Soomaaliyeed ee lagu soo daadgureeyay Mareykanka ayaa ahaa kuwo ragoodii la dilay ama iskood ugeeriyooday kadib dagaaladii sokeeye ee kaqarxay Geeska Afrika markii Maxamed Siyaad Barre laga tuuray xukunka sannadkii 1991. Mid waliba waxay muujinaysay hannaan quruxsan sifa mar un ay uhesho nin uqalma oo lakoriya ubadka.

Kuusow guri kasto cagta uu dhigo wuxuu kala kulmi jiray martiqaad xoogan, heeso dabacsan, maaweelo aan kala go’ lahayn, qosol iyo maamuus, cunto macaan, iyo ayadoo hablaha kukala tartamaan hanashadiisa. Dabcan nin kasta wuxuu leeyahay habdhaqan ugaar ah. Kuusow wuxuu umartiyi jiray Owliyo oo cabaar ujirtay halka uu deganaa iyo kuwo kaloo tiro badan. Waxaa shukaansaday Cabdiya, Calaso, Caasho, Istarliin, Baarliin, Barwaaqo iyo weliba ina adeertiisa Fartuun. Intaaso hablood kuma uusan arag mid uqalanta. Guri kasto uu galaba waxaa kadhexdhawaaqi jiray heesooyiin macaan oo ay qaadayeen hoboladii caanka ahaa. Ha ahaato Maxamed Saleebaan tubeec, Sahra Ahmed Jaamac, Kiinsi Aadan, Cabdi Tahliil Warsame, Cumar Dhuule iwm. Wax kasto lagu qanciyaba, Kuusow ujeedadiisa ma ahayn inuu faraha lagalo naag ilmo haysata. Wuxuu uhanweynaa gabadh ay isla soo koreen oo kunooleyd magaalada Xamar berisamaadkii. Waa Ambiya qoordheer.

Kuusow iyo Ambiya waxay wadadhigteen hal dugis Qur’aan burburkii kahor; waxay ahaayeen deris; labadooda waalidna waxay ahaayeen qaraabo iyo saaxiibo. Kuusow wuxuu go’aansaday inuu soo guursado Ambiya inta goori goor tahay. Intuusan Afrika u ambabixin ayuu sannad idil tumaayey labo shaqo. Wuxuu isku mushquuliayay lacag uruuris iyo dadaal dheeri ah. Habeen iyo dharaar ayuu telefoonka kula hadli jiray Ambiya. Ayadana waxay kuriyoon jirtay habeenka ay aqal geli heesta loo qaadi doono oo ahayd “hibo iyo ducaba naga hooya” iyo weliba “calaf lama dago lama diidi karo waa deeq Ilaah”.

Waa labo hagaag kuheshiiyaye dooqoodaa isku keenay. Markuu sannadkii udhammaaday ogaadayna inuu uruursaday lacag kufilan, ayuu Kuusow goostay tigidh diyaaradeed iyo weliba wax iibsi. Kabo nooca casriga ee loo yaqaan Nike, Reebok, Adidas, dhar cadaan iyo carbeed, barafuuno, iyo waxa dumarka lagu qurxiyo ayuu labo boorso kabuuxshay. Dabadeedna maalintii duulimaadka lagaadhay ayuu ukicitimay garoonka diyaaradaha ee baaxadda weyn ee New York-waana halkii uu deganaa muddo toban sannadood ah. Waa garoonka loogu magacdaray Madaxwynihii J.F. Kennedy. Tigidhkii ayuu dhiibtay mar allaale markuu yimid xafiiska laga maamulo shirkadda diyaaradaha ee Pan American Airlines ama PAN AM.

Ambiya xilligani waxay kusugantahay magaalada Nairobi ee ah caasimadda dalka Kenya. Waxay degantahay mid kamid ah hudheelada ugu qaalisan magaalada Nairobi. Qarashkeeda waxaa hore loga baxshay New York. Waxaa intaasi usii dheer gaari qaali ah oo laga soo kireeyay shirkadaha baabuurta raaxada ijaara. Wuxuuna ahaa baabuur nooca loo yaqaan Renault ee lagu farsameeyo Faransiiska. Muddo toddobaad ah ayaa Ambiya lagu qurxinaayey goob ay leeyihiin gabdho Hindi ah, waana goobaha loo yaqaan beauty salon. Kuusow markuu soo maraayo magaalada Qaahira ee waddanka Masar, ayuu soo laliyay telefon. Waxaa kaqabtay Ambiya. Wuxuu usheegay inuu kuso fool-leeyahay Nairobi muddo lix saacadood kadib. Dhammaan eheladiisa iyo saaxiibadiisa ayaa isasoo dhoobay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kenyatta International Airport sifa ay usoo dhoweeyaan. Tiro badano shaxaad doon ah ayaa kadhexmuuqday garoonka.

Qaddar yar kabacdi waxaa garoonka soo cagadhigtay diyaarad baaxad weyn. Ambiya oo aad moodo boqoradii Bilqiis ahayd ayaa loo xilsaaray soo dhoweynta Kuusow. Diyaaradii ayaa albaabada loo furay. Hal mar ayaa waxaa kaso yaacay dalxiisayaal, khubaro, safareey, madax dawladeed, caruur iyo waayeel. Dhammaantood waxaad moodaa in abidkood aysan arag dhibaato adduun. Kuusow wuxuu ahaa qofkii 105 ee soo dega. Waalidkiisa ayaa utilmaamay Ambiya muuqaalka Kuusow. Wuxuu ahaa nin dheero dhisan, midabka maadhiinka leh, laafyo qurux badano dhoolo caddeynaya. Ambiya waxay isku martay Kuusow intuusan waalidkiisa gacanta lagaadhin.

Waxaa meeshi kadilaacay mashxarad iyo oohin is dabajoog ah. Hadal iyo dhammaantii, waxaa laysku guray kolonyo baabuur ah waxaana loo kicitimay hudheelkii Ambiya deganeyd. Gabbalka intuusan dhicin ayuu Kuusow kala qaarijiyay wixii shaxaad doon ahaa. Waxaana lagu balamay in meherka iyo arooska laqaban doono isla maalin-waana saddex maalmood kadib. Qayilaad iyo quraafaad ayaa socday dhowrkaasi maalmood. Arooska wuxuu dhacay habeen dayaxa uu ahaa shan iyo tobnaad. Waxaana laysugu tagay hool weyno kudhexyiil hudheelka oo laga baxshay lacag badan.

Waxaa habeenka arooska laso ijaaray koox muusikada tunta, baabuuro tiro badan, cuntadana waxaa diyaariyay maqaaxid Soomaaliyeedo kutiil xaafadda Eastleigh ee ay Soomaalida kubadantahay. Waxaa gabadha meheriyay Sheekh Macoow oo caan ka ahaa culimada Soomaliyeed dhexdeeda.

Todobo habeen iyo todobo maalmood ayaa ladamaashaadaayey. Waxaan maleynaya dhowrkaa maalmood cid gaajo kusexatay inaysan jirin. Arooskii kadib waxaa isku dhamaaday buuqii iyo sawaxankii. Labo todobaad kadib intuu Kuusow ladardaarmay waalidkiisa, walaalahiisa, iyo cagaladiisa Ambiya, ayuu dib ugu soo laabtay magaalada New York illeyn fasaxii baa kadhamaadaye. Wuxuu kuso laabtay New York wuuna soo wacay dadkii uu jeclaa ee uu kaga soo tagay Nairobi. Wuxuu xaaskiisi cusbaa udalbay fiiso ay kutimaado Mareykanka. Muddo kadib, Kuusow waxaa kuso booday xanuun uusan hore uqabin. Feerihii ayaa isku dumay; wuxuu dareemay daal xad dhaaf ah, dhidid fara badan habeenkii, iyo dhadhanka cuntada oo kalumay. Wuxuu utegay dhakhtarkiisa waxaana lagu sameeyay baaritaan adag. Waxaa laga baadhay cudurada dilaaga ah ee Maleeriyada, Qaaxada, Sonkorowga, Dhiig karka iyo kuwo kale oo faro badan. Jawaabtii sheybaarka waxay soo celisay inuusan qabin intaasi oo cudur.

Usbuucii labaad ayuu kunoqday dhakhtarkiisa waxaana lagula taliyay bal in mar kale laga qaado dhiig sifa loo ogaado waxa sidaasi ugalay. Labo maalmood kadib ayaa jawabtii lahelay. “Saaxiib waxaad qabtaa cudurka AIDS-ka” ayuu dhakhtarkii kuwargeliyay Kuusow. Hal mar ayaa Kuusow lagu soo booday. Dhowr daqiiqadood ayuu miyir beel ahaa. Markuu soo miyirsaday kadib ayaa waxaa dood dheer dhexmartay asaga iyo dhakhtarkiisi. “Goorma kuugu dambeysay naag aad laseexato”, ayuu dhakhtarkii weydiiyay Kuusow. “Labo bilood kahor” ayuu Kuusow ugu jawaabay. “Tumey ahayd naagtaasi” ayuu haddana dhakhtarkii weydiiyay. “Waa xaaskeyga oon kaso guursaday Nairobi, Kenya” ayuu Kuusow kujawaabay. “Haddaba ayadaa cudurka kuugu riday” ayuu dhakhtarkii hadalkiisa kuso gebagabeeyay.

Waxaa Kuusow loo qoray dawooyiinka loo yaqaan anti-retroviral drugs oo kacaawiya ladagaanka jeermiga faraha kulul kuhaya caafimaadkiisa. Intuusan gurigiisa tegin, ayuu Kuusow kawacay naagtiisa Ambiya telefoonkiisa gacanta. Sheeko kuma uusan furfurine, waxaa un keliya uu usheegay inay tagto rugta caafimaadka ee uqaabilsan arrimaha qaxootiga loo qaado debedaha siiba Mareykanka. “Haa xabiibi anigaaba balan kuleh halka aad ii direyso” ayey Ambiya si asluub kudheehantahay ugu jawaabtay gacalkeeda cusub.

Ambiya waxay tagtay halkii Kuusow udiray oo ayba balan kulahayd. Baaritaan dheer ayaa lagu sameeyay. Kadibna waxaa loo sheegay in lagu soo wargelin doono muddo dhow. Waxaa kaso wareegtay saddex asbuuc markii warqad looso diray loona sheegay inay qabto cudurka dilaaga ee AIDS-ka. Gabadhii way qaracantay waxayna gashay sariir.Habeen iyo dharaar waxay kuheesi jirtay "haddii aanay xabashiyey xoolaha lamaaliyo tahay dawlad xor ah, calankaa idiin xidhan Afrikada laheeryahay midka idin xasuuqe xulufada lahaysto, Xaayle maad iska qabataan" iyo weliba "hooy hooy Amxaaroy, inaan hadhay imoodaye, hadda waa ikano, haddaba waa anigu".

Kuusow markuu ogaaday xaaladeeda siday tahay ayuu kawareystay sidii cudurka AIDS-ka ay ku qaaday waxayna usheegtay in hadda kahor askar Itoobiyaan ah kukufsadeen xaafadda Kaaraan. Labadooduba waxay geeriyoodeen sannad guuradii koowaad maalintii ay aqal galeen oo kale ayagoon dib dambe ukulmin ubadna kala helin.

No comments:

Somalia's Beauty of the Past

  Somalia is a Horn of Africa nation bordering Ethiopia, Djibouti, Kenya and the Red Sea and the Indian Ocean and endowed with assortments o...