Map of the World

Map of the World
Our World

Friday, March 17, 2017

'NASAB DHIMMANKII' NASABOOBAY

In kastoo uu Soomaali ku dhex noolaa illaa iyo yaraantiisi oo uu la dhanqan ahaa, la diin ahaa, la af iyo la lahjadba ahaa, magtana la bixin jiray, nasiib darro noloshiisa waxaa ibtileeyay faanka laga faani jiray, sida loo bah dili jiray iyo sida ba'an ee loo takoori jiray asaga iyo eheladiisaba. Yaraantiisi looma ogoleyn in uu la cayaaro carruurta Soomaalida ee ay isku da'da ahaayeen.
Ninkan oo magaciisu ahaa Dhummo, wuu gaabnaa. Tubaakada ayuu aad uu cuni jiray, dhiilaha ayuu cugi jiray, xoolaha iyo dadkuna ceelka ayuu u dhaamin jiray. Ninkan sidaasi uu firfircoonaa oo dad iyo duunyaba ta'kuleyn jirey, ayey Soomaali Maryooley takoori jirtey. Sanka ballaaran, timaha jareerta ah, iyo murqaha waaweyn un baa lagu nici jirey.
Wax kastoo billow lihi dhammaad buu leeyahaye, Dhummo waa tii loo soo qaaday carriga Mareykanka burburkii Soomaaliya kadib. Asagoo 20-jir ah, ayuu soo galay dalkii caanaha iyo malabka. Isla markiiba wuxuu ku biiray machad laga barto luuqadda afka Ingiriisiga. Labo sano kadib ayuu ka qalin jebiyey waxbarashadii luuqadda af Ingiriisiga.
Dhummo tacliintiisi ayuu iska sii watay. Asagoo diyaarinaya dhigiriigii ugu horreeyay, ayey is barteen gabar caddaan ah oo la yiraahdo Jennifer. Jennifer iyo ninkii lagu caayi jirey "Dhummo dhaadhaamiyow, Dhummo dhiilaha cugow", waxaa u billoowday jaceyl aan la maleyn kareyn cududdiisa.
Dhummo intuu jaammacadda ku jiray, ayuu si labo jibaar u shaqeyn jiray. Wuxuu sidaasi u sammeynayey in uu hanto gacalladiisa Jennifer goor danbena Soomaali wacdaro lama illaawaan ah uu u dhigo. Goor ay uga hartay hal sano qalin jebintooda, ayey wada aqal galeen. Goortey qalin jebiyeenna, waxaa Dhummo loo dhalay gabar iyo wiil mataana ah.
Dhummo Soomaalinimadiisi maskaxdiisa iyo maankiisaba marna kama haadin. Qoysaska Soomaaliyeed ee ay deriska yihiin waa un kuwii berisamaadkii ay ku wada noolaayeen Soomaaliya ee ka faani jiray. Dhummo iyo Jennifer waxay wada billaabeen Mastar dhigirii hal mar. Sannad iyo bar kadibna wey wada qalin jebiyeen.
Labaduba waxay heleen shaqooyiin wanaagsan, noloshoodina kor ayey u kacday ayadoo Soomaalidii kale weli lacagta ceerta qaadanaya. Baabuurro qurxoon ayey iibsadeen. Guri qurux badanna deyn bey ku qaateen. Halka ay guriga ka gateen waa un isla halkii horraan ay u degganaayeen meel aan ka fogeyn.
Galbihii goorta ay carruuraha cayaarayaan, Dhummo waa uu ka mamnuucay carruurtiisa in ay la cayaaraan kuwa Soomaalida waayo sida ula muuqatay, carruurta Soomaalida ayaa gummoobay oo noqday NASAB DHIMMAN kuwiisina NASAB.

No comments:

Somalia's Beauty of the Past

  Somalia is a Horn of Africa nation bordering Ethiopia, Djibouti, Kenya and the Red Sea and the Indian Ocean and endowed with assortments o...