Map of the World

Map of the World
Our World

Monday, October 3, 2011

Suul Dhabaale

Cabdiraxmaan Dheere

Xoolahaba summaddaa
Lagu baadi soocaa

Dadna weedha sugan iyo
Sawraca tilmaantaa
Lagu kala sifeeyaa
Anna geelba sibir godon

Kugumaan salaamine
Sababaan tirsanayaa

Suul dhabaale waa hadal
Haddana waa si gooniya

Waxan sidaa Jacayl
Aan kula sugaaye
kugu simaye iga hoo

Sahra Axmed Jaamac

Cirku Sagal daruureed
Subaxdii u leeyahey

Waxa laga sugaa
Saadaasha roobkiyo
Xilli Seermo waydee
Inaguna sad iyo calaf

Iyo si Alle mooyee
Ka sal gaadhney caashaqa

Sanqashaduna waa hadal
Haddana waa si gooniya

Waxan sidaa Kalgacal
Aan kula sugaayee
Naftan ma isku sidignaa

Cabdiraxmaan Dheere

Surma seegto Waligeey
Iyo waxaad saluugtaba

Labadaba ka saahidey
Adna kaama sugayee
Sanqaroor gamaan leey
Sabar geenyo ugub leey

Quruxdii Suleeqiyo
Samirkii Ayuubleey

Suuldhabaale waa hadal
Haddana waa si gooniya

Waxan sidaa jacayl
Aan kula sugaayee
Kugu simaye iga hoo

Sahra Axmed Jaamac

San ku neef le adigaa
sadriga iyo laabtiyo

Qalbigaba ka sahansadey
Indhaha ruux aan saaroo
Kula simaba maan arag
Soomaaliya oo idil

Saami iigu muu hadhin
Adiguna iskeey sii

Sanqashaduna waa hadal
Haddana waa si gooniya

Waxaan sidaa Kalgacal
Aan kula sugaayee
Naftan ma isku sidignaa

No comments:

Somalia's Beauty of the Past

  Somalia is a Horn of Africa nation bordering Ethiopia, Djibouti, Kenya and the Red Sea and the Indian Ocean and endowed with assortments o...