Map of the World

Map of the World
Our World

Saturday, January 30, 2010

Goormu Istaagi Doona Dagaalka Soomaaliya?

Tan iyo intii xukunka laga tuuray Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre sannadkii 1991, ummadda Soomaaliyeed weli waxaa ka dhex aloosan colaad aan dhammaad lahayn. Waa kastoo barya, qorrax kastoo dhacda, gudcur iyo ileys, gu' iyo jiilaal, waxaa dhegaha caalamka ka dhammaan la' ibtilo aan dabargo' lahayn iyo hadalhayn aan dhadhan wanaagsan lahayn. Waxaaso balaayo ah waxaa usabab ah rag aan damiir lahayn oo aan garaneyn muhiimadda ay leedahay dawladnimada. Si kastoo dib-uheeshiisiin loogu qabtana, ugu dambeyn natiijadu waa kalaguur. Mid kasta wuxuu hamiyaya inuu noqdo madax sifa uu danihiisa iyo tan qabiilkiisa uhormariyo.

Dabcan, dawlado badan ayaa soo maray isjiidjiid siiyadeed iyo dagaalo lagu hoobtay. Hase yeeshee waa ay ka gudbeen. Soomaaliyaana ma aha qarankii ugu horeeyay ee jaba oo waa looga horeeyay. Hadiii aynu eegno qaaradda Afrika, dawlado ay kamid yihiin Rwanda, Burundi, Liberia, Ivory Coast, Zaire, Kenya, iyo kuwo kale ayaa dhammaan xilliyo kalageddisan la kulmay colaad hadba noocuu rabo ha ahaadee. Inkasto loolan siyaasadeed uu kadhexdilaacay raggii horboodaayey hurinta colaadeed waddamadani aan hore kuso sheegay, waxay ugu dambeyn la yimaadeen heshiis iyo afgarasho sidii lagu badbaadin lahaa umadda dhibaateysan ee dhexdooda ku baaba'ayay.

Laga soo bilaabo 1991, Soomaaliya waxaa loo dhisay dhawr dawladood oo ay caalamka kubixisay malaayiin lacag ah. Dawladahaasina waxay noqdeen hal bacaad lagu lisay. Weriye reer galbeed ah ayaa wuxuu yidhi "Jeneraal Caydiid wuxuu cunaayey cunto nadiif ah oo kulul ayaadoo teendhada uu kujidhay debedeeda dadku ay gaajo ugu dhammaanayeen." Haddii Caydiid uu lahaan lahaa qof iimmaan iyo damiir dhab ah leh, kama suurtowdeen in uu dhergo ayadoo dadkiisa gaajo udhammaanayaan. Sideedaba, waa xaaraan in qof Muslim ah caloosha buuxsado ama dhergo asagoo og in uu jidho ruux kale oo gaajeysan.

Maanta, ummadda Soomaaliyeed dunida dacalladeeda oo dhammi ayey ku tabaaleysantahay. Waxaan ka ahayn kuwa qurbaha kunool, Soomaali inteeda badani gaajo iyo macluul ayey ladhammaaneysa. Haddii ay umaaddu shaqeysan lahayd, waxaa udiiday rag calooshood ushaqeysteyaal ah oo aan marnaba arki karin cid kale oo xamaalaata ama macaashta. Soomaali waxay noqotay wax ladilo, wax qaxa, iyo wax buka oo aan waxba istari karin. Haddii adduunka usoo gurman lahaana, kuwo dulli ah ayaa hortaagan oo udiidan daryeel ama gargaar caalami.

Soomaali deriskeeda ayey dagaal kutahay. Waxaa waddankeedu kadillaacay xisbiyo badan oo aan lahayn mabda'a ama tabo siyaasadeed. Kuwa horboodayana ama waa haraadigii dawladdii duntay ama waa odayaal kudagaalama maskax shisheeye. Qaar baa waxay layimaadeen dhaqan aan hore looga aqoon geyiga Soomaaliyeed. Dumarka ayey waddooyinka kukarbaashaan; dil joogta ah ayey umadda kuhayaan; canshuur ayan awoodiin ummadda masaakiinta ah ayey uruurshaan; dhac, boob, kufsi ayaa dadkii lala dabataaganyahay.

Dhirtii waa laxaalufiyay oo waxaa laga dhigay dhuxul loo dhoofiyo waddammada carabta; badeheeni waxaa harqiyay maraakiib shisheeye iyo qowleysato lamagacbaxay "budhcad badeed"; sun iyo qashin warshadeed ayaa laga buuxshay xeebihii; abaar, biyo la'aan, cunto la'aan, cudur, dil iyo dhac ayaa ciiddeeni rogay. Haddaba, waxaan odhan lahaa Soomaali ha iska sabarto, Eebbe ayaa keenayaa nasteexe.

No comments:

Somalia's Beauty of the Past

  Somalia is a Horn of Africa nation bordering Ethiopia, Djibouti, Kenya and the Red Sea and the Indian Ocean and endowed with assortments o...