Map of the World

Map of the World
Our World

Wednesday, December 31, 2008

Sahra Axmed Jaamac: Fannaanadda sannadka 2008


Inkastoo Xaliima Khaliif Magool (Allaah ha unaxariistee) loogu magacdaray “boqoraddii codka”, haddana waxaa ammaan mudan inaan dib u eegno qeybta lexaadka leh ee ay Sahra Ahmed Jaamac kaqaadatay fanka Soomaaliyeed. Sahra Axmed Jaamca waa fanaanad Soomaaliyeedo door weyn kacayaartay taabagelinta iyo horumarinta heesaha Soomaaliyeed debedda iyo gudaha intuba. Dabcan, qof kasto wuxuu leeyahay dhadhan ugaar ah marka laga hadlaayo dhuuxa heesaha. Waxaan innaba hayaaraatee shaki kujirin in Soomaali badan tixgeliso codka iyo nooca heesaha ay Sahra qaaddo ama ay kuluuqeeyso fannaaniin kale' rag iyo dumarba.

Hadddaba, bahda bogga http://cleanthehorn.blogspot.com wuxuu garwaaqsaday in Sahra Ahmed Jaamac tahay fannaanaddii Sannadka 2008 inkastoo aysan sannadihii lasoo dhaafay ama ugu dambeeyay aysan kusoo kordhin fanka Soomaaliyeed heesooyiin cusub haddana waxaa xusid mudan in heesaheedihii hore weli door weyn kuleeyiin bulshoweynta Soomaaliyeed meel kastoy joogaan. Sahra waxay mudantahay hadhuub caano ah oo labeentu burqanayaan. Sahroy, afkaaga caano iyo malab lagu qabay.

Sahra Ahmed Jaamac waxay fanka kusoo jirtay muddo aad udheer. Heesaha ay qaaddayna waa ay tiro badan yihiin laguma soo koobi karo halkan qudha. Bal aan inyar hoos kuxusno heesaheeda qaaliga ah:
1. Badda Caashaq
2. Ciyow & Dhabarlow & Khadra Daahir
3. Dardaaran & Hassan Adan Samatar
4. Farskaagii laga badi & Bacalwaan
5. Gadh ba gadh baa la tusaayee & Samatar
6. Gaabiyaa nabsigu mee & Ahmed Mooge
7. Gacantaada midig & Adan Hurre
8. Goormaynu derisnaa & Qalinle
9. Haddii aynaan is arag heedhe & Samatar
10. Jacaylkii naftaydow noolow & Samatar, Shamso Omar, Dhabarlow
11. Kaan laabta ku hayee igu ladhan
12. Kii aan calamadayee carro edeg ka doortaa
13. Laqanyada jacaylkiyo & Bacalwaan
14. Lilalow
15. Ma naxoo jacaylku
16. Nasiib ha igu kaa simo
17. Qadar Dhacay
18. Ruuxa gala badweynee & Mohamed Yusuf
19. Sidaa ku garee la soco ee & Abdinasir Macallin
20. Sidiqabax & Aburaas
21. Sir Ma qabe
22. Sida ubaxa waaberiga & Aburaas
23. Ubax dayrtii baxayow & Hassan Diiriye
24. Uma barane hay badinee & Mohamed Yusuf
25. Wuu i daadeheeyaa
26. Wakhti

No comments:

Somalia's Beauty of the Past

  Somalia is a Horn of Africa nation bordering Ethiopia, Djibouti, Kenya and the Red Sea and the Indian Ocean and endowed with assortments o...