Showing posts with label Story. Show all posts
Showing posts with label Story. Show all posts

Friday, March 17, 2017

LIBAAXADDII JIKADA

Soomaalida qurbaha ku nool wey meelo galgal badanyihiin. Taasina waxaa ku kallifeysaa sidey ku heli lahaayeen nolol maalmeedkooda iyo xoogaa dheeri ah illeyn maata gaajeysan ayaa ka danbeysaaye.
Waa mar kalee, haddana waa dalka Yemen. Gabadh Soomaaliyeed ayaa waxaa shaqo ku saabsan nadaafadda laga siiyey guri uu lahaa nin Janan ahaa oo goor danbe ku naf waayi doona diyaarad nooca qumaatiga u kacda oo ay cillad farsamo soo ridday.
Gabadhii waxay cabbaar shaqeysaba, waxaa la ogaadey in ay si wanaagsan u taqaan cunto karinta. Xaaski Jananka ayaa waxay gabadhii u xil saartay in Jananka ay u noqoto cunto kariye.
Cuntada ay kariso, xitaa carruurta ayaa ku dagaallami jiray. Haddey noqoto saambuuska marka aad goosato aan laheyn saliid dililiqeysa oo aan dharka kaa wasakheyn, baasta alfoorno oo dhadhan macaan iyo udeyg ku soo jiidanaya, bariiska bilaaw iyo biriyaani.
Subax baa Janankii gabadhii quraac ka dalbaday weyna u keentay waloow uu ka maqnaa khubuskii uu jeclaa ee uu ku goosan jiray. Gabadhii buu ka codsaday in ay u keento khubus waxayna u sheegtay in suuqa laga soo waayey.
Wuxuu faray bal in ay qaboojiyaha wax un ka raadiso.Wax yar kadib ayey ku soo noqotay una sheegtay in waxa ay qaboojiyaha ku soo aragtay aheyn wax uu cuni karo. "Waxba igama geline, xitaa hadduu toddobaad yiillay ii soo kululee iina keen", ayuu faray inantii weyna u keentay. Intuu ku quraacday khubuskii qamiirka ahaa, kana dhergay ayuu u mahad naqay gabadhii.
Wax yar kadib ayuu u yeeray gabadhii kuna yiri, "dad baan haaysan khubuskaasi qamiirmay ee weligaa cunto ha qubin."

'NASAB DHIMMANKII' NASABOOBAY

In kastoo uu Soomaali ku dhex noolaa illaa iyo yaraantiisi oo uu la dhanqan ahaa, la diin ahaa, la af iyo la lahjadba ahaa, magtana la bixin jiray, nasiib darro noloshiisa waxaa ibtileeyay faanka laga faani jiray, sida loo bah dili jiray iyo sida ba'an ee loo takoori jiray asaga iyo eheladiisaba. Yaraantiisi looma ogoleyn in uu la cayaaro carruurta Soomaalida ee ay isku da'da ahaayeen.
Ninkan oo magaciisu ahaa Dhummo, wuu gaabnaa. Tubaakada ayuu aad uu cuni jiray, dhiilaha ayuu cugi jiray, xoolaha iyo dadkuna ceelka ayuu u dhaamin jiray. Ninkan sidaasi uu firfircoonaa oo dad iyo duunyaba ta'kuleyn jirey, ayey Soomaali Maryooley takoori jirtey. Sanka ballaaran, timaha jareerta ah, iyo murqaha waaweyn un baa lagu nici jirey.
Wax kastoo billow lihi dhammaad buu leeyahaye, Dhummo waa tii loo soo qaaday carriga Mareykanka burburkii Soomaaliya kadib. Asagoo 20-jir ah, ayuu soo galay dalkii caanaha iyo malabka. Isla markiiba wuxuu ku biiray machad laga barto luuqadda afka Ingiriisiga. Labo sano kadib ayuu ka qalin jebiyey waxbarashadii luuqadda af Ingiriisiga.
Dhummo tacliintiisi ayuu iska sii watay. Asagoo diyaarinaya dhigiriigii ugu horreeyay, ayey is barteen gabar caddaan ah oo la yiraahdo Jennifer. Jennifer iyo ninkii lagu caayi jirey "Dhummo dhaadhaamiyow, Dhummo dhiilaha cugow", waxaa u billoowday jaceyl aan la maleyn kareyn cududdiisa.
Dhummo intuu jaammacadda ku jiray, ayuu si labo jibaar u shaqeyn jiray. Wuxuu sidaasi u sammeynayey in uu hanto gacalladiisa Jennifer goor danbena Soomaali wacdaro lama illaawaan ah uu u dhigo. Goor ay uga hartay hal sano qalin jebintooda, ayey wada aqal galeen. Goortey qalin jebiyeenna, waxaa Dhummo loo dhalay gabar iyo wiil mataana ah.
Dhummo Soomaalinimadiisi maskaxdiisa iyo maankiisaba marna kama haadin. Qoysaska Soomaaliyeed ee ay deriska yihiin waa un kuwii berisamaadkii ay ku wada noolaayeen Soomaaliya ee ka faani jiray. Dhummo iyo Jennifer waxay wada billaabeen Mastar dhigirii hal mar. Sannad iyo bar kadibna wey wada qalin jebiyeen.
Labaduba waxay heleen shaqooyiin wanaagsan, noloshoodina kor ayey u kacday ayadoo Soomaalidii kale weli lacagta ceerta qaadanaya. Baabuurro qurxoon ayey iibsadeen. Guri qurux badanna deyn bey ku qaateen. Halka ay guriga ka gateen waa un isla halkii horraan ay u degganaayeen meel aan ka fogeyn.
Galbihii goorta ay carruuraha cayaarayaan, Dhummo waa uu ka mamnuucay carruurtiisa in ay la cayaaraan kuwa Soomaalida waayo sida ula muuqatay, carruurta Soomaalida ayaa gummoobay oo noqday NASAB DHIMMAN kuwiisina NASAB.

Tuesday, June 14, 2016

XAABADII INDHOOLAHA ARAGGA U FURTAY

Aabbe indhoole ayaa wiilashiisi mid ka mid ah faray in uu kaheeyo hal iyo rati oo hasha uu soo gado, ratigana badar lagu soo raro. Odeygii wuxuu la dardaarmay wiilkiisa in wax faataxa la socoto uu ku gado hasha.
Wiilkii hashii ayuu suuqa geeyey. Intaasi iga sii markii la dhahaba wuxuu sii raaciyaa,oraahda ah "maxaa la socdaa." Dadkii suuqa xoolaha joogay ayaa la yaabay, weyna ka kala dhaqaaqeen.
Markuu hashii iib ku waayey, ayuu soo carraabiyey. Intuu dhexda soo socdey ayuu la kulmay habar xaabo dhabarka ku sidato. Wey wareysatay wuxuuna u sheegay in hasha oo uu iib la rabay laga gadan waayey.
Habartii ayaa ka codsatay wiilkii in ayada uu ka gado hasha. Wuxuu weydiiyey qiimaha ay ka siineyso waxayna ugu jawaabtay in xaabada ay dhabarka ku sidatay kaga iibsaneyso. Su'aal ayuu daba dhigay oo wuxuu weydiiyey, "maxaa la socdaa"? Waxay ugu jawaabtay, "waxaa la socdaa afar faataxa oo min iyo moora gasho."
Xaabadii ayuu ka guddoomay wuxuuna ku wareejiyey hashii, halkii laga sugaayey badar. Markuu degmadiisi tegey ayaa lagu soo xoomay oo lagu buuqay. Odeygii wiilka dhalay ee indhoolaha ahaa ayaa dadkii ka codsaday in wiilkiisa ay ka joojiyaan buuqa iyo sawaxanka. .
Odeygii wuxuu su'aalay wiilkii oo wuxuu weydiiyey halkii ay ku dambeysay hashii uu faray in uu soo gado wuxuuna ugu jawaabay in dardaarankiisi uu ahaa in uusan gadin hasha haddii aysan faataxa la socon waxa looga iibinayo.
Markuu iib lacageed ku waayey ayuu xaabo faataxa la socoto ku doorsaday. Odeygii xaabadii ayuu shiday, iskuna qiiqiyey kadibna indhihii ayaa ufurmay. Xaabadii 10,000 oo indhoole ahaa ayaa lagu daweeyey mid walibana wuxuu ka qaatay labo qaalmood oo geel ah. Sow la yaab ma aha?

WALAALKII XASADKA AHAA

Goobtu waa xeryaha qaxootiga Kiiniya mid ka mid ah oo Soomaali badanoo soo barakacay ay degganyihiin.
Labo walaalo ah ayaa midkood labo wiil oo uu dhalay loo diray Mareykanka hab qaxootinimo. Wax yar kadib, wiilashii shaqo ayey billaabeen. Lacag aan kala joogsi laheyn ayey aabbahood u soo xawili jireen. Odeygii wuxuu is yidhi, alleylehe gaajo dambe is arki meysaan.
Odeygii wuxuu yeeshay raxan saaxiibbo ah oo uu qaadka u gado, kii la dhashayna wuu illoobay oo waxba uma uusan garan. Walaalkiisi ayaa dhowr jeer baryey bal inuu mucaawino u fidiyo maadaama kuwa debedda jira uu adeer u yahay ayna lamid yihiin kuwa asaga uu dhalay.
Muddo saddex sano ayey wiilashii lacag soo xawilayeen ayadoo adeerkoodkii laxmiga ahaana uu ka qatanaa. Maalin maalmaha kamid ah ayaa odeygii wiilasha dhalay loo soo diray lacag buuran. Walaalkiisi oo la socday lacagta la soo diray, ayaa ugaga hortagay xawaaladda wuxuuna ka codsaday inuu wax siiyo maadaama gurigiisa aanan dab laga shidin oo carruurtiina ay ka qatan yihiin. Wuxuu ugu jawaabay, "wax micna leh layma soo dirin oo waa in yaroo aan deyn isaga bixinaayo."
Kama uusan daba harine, asagoo is qarinaya ayuu daba galay kana soo kor dhacay walaakii oo goobta qaadka lagu iibiyo lacagta firdhinaya. Intuu garabka ka taabtay ayuu ku yiri, "ha iska dhammeyn lacagta waayo maanta ayaa kuugu dambeysa lacag damboo wiilashaada kuu soo diraan."
Dhowr maalmood kadib, kii wiilasha Mareykanka jiray dhalay ayaa telefoon qof ay qaraabo ahaayeen u soo diray una sheegay in labadii wiil midkood gaari jiiray oo uu geeriyooday, kii kalena uu waashey oo marada tuuray.

Sunday, August 11, 2013

Udugii la Xaday

Waxay ahayd xilli qorraxda sii galbaneyso ama sii dhaceyso. Garas Qoox wuxuu ahaa nin miskiin ah oo aan waxba haysan ama jeebadahiisa madhanyihiin. Maalinkaasi oo dhammi wuxuu ku howlanaa tuugsi iyo baadhitaanka qashin qubka sifa uu uga helo wax uu quuto. Nasiib darro waxba uma hagaagin. Garas Qoox wey la noqonweyday in uu habeenkaasi gaajo ku seexdo. 

Galab carrawgii ayuu is yidhi bal maad sii indho-indheysid maqaaxiddii uu lahaa maalqabeen Teneg bin Barmiil. Wuu kusoo laabtay oo abbaaray tenegii qashinka lagu uruurin jiray. Cabbaar ayuu ku dhexjiray oo qashinkii rogrogay. Mise wuxuu ka helay gabal roodhi ah oo ingegan. Wuu la fadhiistay sifa uu u cuno. Waa ay u dhadhami weyday. Wuu fekeray siduu suugo ama fuud uu ku cuno ku heli lahaa. Maqaaxidda maba geli karo oo waaba la cayrsanayaa oo Teneg bin Barmiil ayaaba diyaar u ah oo dilaya cid kastoo kusoo xadgudubta hantidiisa. 

Qaddar markuu ruugay roodhigii, ayuu goostay inuu ka faa'ideysto uduga raashinka ee sankiisa kusoo dhacaya. Wuxuu maskaxdiisa iyo qalbigiisaba ka dhaadhiciyay in roodhiga uu ku cuni karo udgoonka cuntada ee ay dabeysha uga soo gudbineyso jikada maqaaxidda. 

Halkii uu taagnaa ayuu isaga huleelay maadaama uduga ahaa wax u dhadhamaya sida cajiinka canjeerada. Dariishad kale ayuu ag istaagay wuxuuna ka dareemay dhadhan cambuulo. Madaxa intuu gilgilay ayuu ka dhaqaajiyay. Dariishad kale ayuu isku gaddaamay waxaana usoo dhadhamay wax sida calooleeyda ah. Dariishaddii u dambeysay ayuu isku aadiyay mise waaba hilibka loo yaqaan aroosto oo lagu shiilaya basal iyo wixii qudaar ahaa. 

Halkii ayuu raamsi ka bilaabay. Wuu la qabsaday oo cuntadii ayaa ubaxday. Mar uu kalabar marayo oo uuba dhereg udhowyahay, un buu hal mar ka war helay qof dul taagan oo ku qaayliyaya oo leh, "tuug, tuug dhale udgoonka cuntadeyda ayaad ku raaxeysaneysaa miya"? Isla markiiba kulleetiga shaarka ayaa lagu dhegay Garas Qoox waxaana lagu xidhay qol maqaaxidda kamid ah.

Qaddar yar kadib, Teneg bin Barmiil ayaa wuxuu wacay booliska oo si deg deg ah ku soo gaadhay goobtii. Teneg bin Barmiil dacwaddii ayuu ugudbiyay booliska taasoo ahayd in Garas Qoox sanka ku dhuuqay wixii udgoon ahaa ee maqaaxidda jikada kasoo burqanayey. Eedeeysane Garas Qoox waxaa loo dhaadhiciyay saldhiga booliska halkaasoo kiiskiisa lagu qoray buugga dhacdooyiinka ee loo yaqaan Occurrence Book ama OB. 

Tobankii aroornimo maalinkii dambe ayaa Garas Qoox oo dhafoorrada ay isku dumeen, dhuxulo naareedna daacaya gaajo iyo masaariif la'aan awgeed la horkeenay xakiim Cantara Baqash. Dacwaddii ayaa loo akhriyay Garas Qoox wuxuuna maxkammadda horteeda ka qeexay in uu falay dembiga lagu soo oogay. Xakiimkii ayaa ujeestay dhankii Teneg bin Barmiil, wuxuuna ku yidhi, "Teneg bin Barmiiloow isoo eeg oo ha udeymo la'aan falka aan fali doono". Teneg bin Barmiil waxaa la faray in uu dhegaha iyo indhahaba kala furo.

Xakiimkii ayaa wuxuu jeebka kala soo baxay shilin markaasuu weeydiiyay Teneg bin Barmiil in uu ujeedo iyo in kale. Teneg bin Barmiil wuxuu sheegay inuu ujeedo shilinka. Xakiimkii intu gacantiisa kor ubaaciyay ayuu shilinkii kor utuuray. Dhammaan waxaa lawada maqlay dhawaaqa shilinka oo ahaa, dhalalalalalalalalalalay...

Xakiimkii ayaa wuxuu weydiiyay Teneg bin Barmiil bal inuu maqlay dhawaaqa shilinka. Markuu qirtay inuu maqlay dhawaaqa shilinka, ayaa xakiimkii wuxuu ka codsaday Teneg bin Barmiil inuu bixiyo qiimaha dhawaaqa shilinka maadaama asagaba uu dalbaday in ninka maskiinka ah uu bixiyo udeygii uu ka dhuuqay maqaaxidiisa. Maxkammaddii waa lagu kala tegey Garas Qodaxna sidaas ayuu xurriyaddiisa ku helay.

Battles of the Past

Introduction First and foremost, I would like to inform our ardent reader that I started writing this book on the 23rd of August, 2024. The...