Waagii hore xafladaha wey iska yaraayeen oo meelaha dhallinta ay ka qaraaban jireen waxaa kamid ahaa meelaha lagu sheego muraad ama sabb sida aroosyada, nebi ammaanka, wanqalka, Qur'aan akhriska, iyo ducooyinka guud ee la duceysto ee loo dhigo qof bukaan ah ama mid faataxada loo maraayo sifa uu hadafkiisa ugaaro ama cudur muddo lala tacaalayey uga biskoodo.
Dhallinta aan camalka lahayn weyba usii diyaar garoobi jireen inta aanan la gudo gelin xafladda maalmo kahor. Hadduu aroos yahay dharka iyo barafuunka, kabaha, feseleetiga, dhowr xabbo oo sigaar ah iyo kuustoo tubaaka ah oo ay ku daaqsimaan inta xafladda damaashaadkeeda lagu gudo jiro, ayey sii diyaarsan jireen ama amaah ku heli jireen.
Burburkii dawladdii dhexe kadib, waxaabad mooddaa in is bedel dhacay maadaama dhaqamo kale lala qabsaday. Waxaa kamid ah damaashaadka heesaha oo ay fanaaniin faraha looga gubtay tumaan Soomaali ama ajaanib midkey doonaanba ha noqdaane. Is dhexgalka gabdhaha iyo wiilasha, ragga iyo dumarka ayaa wuxuu noqday wax caadi ah oo aanan marnaba laga gabban. Ayadoo diinta ay dhinac ka fideyso ayaa haddana balo aan hore loo aqoon dhinac kale ka shidantahay.
Kala qeybsanaanta ummadda waxay horseedday in qabiil waliba dhinac ubaxo oo uu lasoo baxo wacdaro ugaar ah. Haddii nin madax ah kusoo fool leeyahay magaalo qabiilkiisa ku badanyahay, waa loo sii gurmadaa oo waxaa loo sii diyaariyaa xaflad heer sare ah ayadoo xafladaasi lagu martiqaadayo dad kala nooc ah oo ay ku jiraan majaajilisteyaal, fannaaniin, gabyaa, mutacallimiin, odey dhaqameedyo, nabad-doonno, mashaa'ikh akhriya ducooyiin iyo faataadhugleyaal tiro badan, kaboleefyaal, quraafaadtiriyeyaal, iyo kuwo xambaarsan duluc aan la garaneyn.
Halkii awal hore laysugu immaan jiray keliya cunto cunid iyo faataxayn, hadda waxay isku bedeshay niikoniikeyn iyo naagonaageysi. Dabcan dad baa waxaas oo kale u arkaa ilbaxnimo iyo horumar la gaadhay. Dhaqaale badan ayaa lagu baxshaa is dhexgalka noocan oo kale. Ogoow, kuwa ka faa'idaya cuntada iyo sharaabka habeenka damaashaadka ma aha masaakiin ee waa dad dheregsan. Dhaqamadan foosha xun hala ogaado in ay saameynayaan carruur badano hadda fayoow ka muuqdo.
Qoysaska qaarkood waxayba usoo ijaaraan koox muusikada tunta shaqsi debedda ka immaanayo oo la martigelinaya. Waxaa dhici kartaa in habeen idil loo soo jeedo oo la wada niikiyo. Shaqsi debedda ka immaanayo oo berritona dhibsan doono darxumada dadka deegaanka, isku dhexyaacsanaanta magaalada, iyo kala durugsanaanta dabciga guud ayaa lagu luminayaa hanti faro badan.
Haddii uu qof madax ah magaalo soo gelaya, waxaa habboon in la sammeysto borotokool lagu dhaqmi karo kaaso ah in wixii uu dadka usheegi lahaa laga siidaayo telefishenada, raadiyaha, iyo jaraa'idyada. Haddii sidaasi la yeelo, wixii war ah wuu gaadhaya cid walba. Haddii aan sidaasi la yeelinna, warku wuxuu ku ekaanaya koox tiro yar. Shaqsiga debedda ka immaanaya waxaa wanaagsan in lacagta uu ku fataalayo lagu hirgeliyo wax muuqda oo ummadda anfacaya.
Maanta, xafladaha waxay isku rogeen "farta lee iigu fiiq aan soo jabsadee". Kuwa kasoo qeybgelaya waxay ubadanyihiin dad doonaya in xilligaasi un ay naftooda u raaxeeyaan. Mowqifkii laga lahaa muraadkaasi waxaa dhici kartaa in uusan hirgelin illeyn inta daneyneysa muraadka laga leeyahay ayaaba iska yaree.

No comments:
Post a Comment