Daanyeerka oo ah xayawaan ku nool duurka, hawdka ama meelaha ugaadha lagu xareeyo si loo daawado, ayaa ugu dhow dadka dhaqan ahaan. In kasto daanyeerka uusan hadlin sida dadka, wuxuu leeyahay astaamo u dhow dadka, waxaana ka mid ah 8 calaamadood. Maadaama dadkii naga horreeyay xilliyadii Jaahiliyada ay lahaayeen dhaqamo aan waxba dhaamin daanyeerka dhogorta badan, illaa maanta, si kasto aadmiga u ilbaxay, weli wey isa shabbahaan daanyeerka. DNA ayaa lagu ogaaday in dadka iyo daanyeerka isa shabbahaan 97%. Labada daanyeer ee aan halkan kaga hadlayo waa Bonobos iyo chimpanzees.
Bani'aadmiga taariikh kala geddisan ayuu soo maray, tii ugu liidatayna waa xilligii isticmaalka dhagaxaanta ee loo yaqaano "Stone Age." Haddiiba illaa maanta dadka qaarkii ay ku noolyihiin nolol lamid ah xayawaanka duur joogga ah, sida qowmiyadaha ku nool dhulka jiqda ah ee Amazon ee dhaca Qaaradda Konfur Ameerika, ee aan weligood milicsan nolosha casriga ah, waa wax la aqbali karo in daanyeerka ay ehel iyo dhaqan wadaagaan. Daanyeerka iyo dadkaa aan soo sheegay, keliya waxay ku kala duwanyihiin ku socodka labo iyo afar lugood, hadal, ama luuqad.
Sida dadka ayuu daanyeerka garaad iyo garasho leeyahay. Hooyada carruurteeda waxay ka ilaalisaa wixii halis ku ah ee ay damcaan in ay ku tallaabsadaan, halka aadanaha laga yaabo in uu il duufo daba orod adduun awgeed. Canuga daanyeerka hadduu damco in uu fuulo geed asagoon jidhkiisa weli yeelan xoog ku filan, hooyada wey ka celisaa ayadoo madaxa gilgisha ama ruxda. Haddey intaasi deeqi weydo, seynta ama lugaha midkood ayey soo jiiddaa so uu u so daadego. Looma ogola in canuga daanyeerka la farocayaaro hooyo kale. Digniintana waa hooyada kale oo madaxa ruxda oo lamid ah 'maya'.
Daanyeerka hadduu gaajoodo, sida bani'aadmiga ayuu gacan taagaa taasi oo muujineysa wax i sii. Waxay raacshaan dhoolo qosol ama ilko caddeyn la xidhiidha qalbi soo jiidasho si ay xadafkooda u gaadhaan. Goortey gaajada si xun u saammeyso, lug iyo gacan taag ayey isticmaalaan. Wey caroodaan sida dadka waxaana laga fahmaa muuqaalka wejiyadooda. Hase yeeshe, in ay laabta isa saaraan, dhabarkana iska dherbaaxaan, waa astaamo kalgaceyl iyo muujin mahad iyo wanaag colaadi ka maqantahay. Hadduu hal gacan hal il ku daboolo, waa muujin 'lurka igaa daa'. il keliya oo la dabooli, waa farriin ku socoto dad iyo daanyeerka kale ee ay ehel wadaagaan.
In ubadka daanyeerka qaarkii qosla marka la qodqoteeyo ama la xadxateeyo sida noocyada orangutan, chimpanzee, bonobo iyo gorilla, waa u ekaansho dhaqan dadeed. Orangutan oo micnahiisa yahay 'ninka socda' af Maleyshiya, waxaa lagu yaqaan in uu ku socdo labo xilliyada qaar. Nooca daanyeerka loo yaqaano macaques, waxay leeyihiin dareen ay ku gartaan qaraabadooda muuqaalka wejiyadooda.
Waxa cajabiyay cilmi baareyaal muddo dheer ku hawlanaa dhaqanka daanyeerrada waa degganaanshaha ay ka dheefaan marka la siiyo cunto iyo cabbitaan laabtooda qaboojiya siiba marka ay so wajahdo nolol cakiran. In kasto ay kala siif yihiin, daanyeerrada qaar baa leh nasab iyo nasab dhimman. Siiba kuwa dheddiga ah ayaa waxaa wajaha takoor, kaaso ku kiciya hammaansi, isxoqid, isa sasabid labada hammuun isku qaba, qunyar socodnimo, iyo weliba cunto ka go'id la halmaala naceybka ay ka qaadaan takoorka. Kuwa dereja sarreeya waxay quutaan dharaar, kuwa hooseeyana habeenki.
Xulashada boombolaha carruurta ay ku cayaaraan goor lagu tijaabiyay, waxaa la ogaaday in dheddig iyo labood ba aysan isku xulasho aheyn oo sida gabdhaha iyo wiilasha mid waliba leeyahay lexjeclo u gooni ah. In daanyeerka uu yaqaano farsamo gacmeedka ayaa waxaa lagu ogaaday u kuurgalid sida farshaxanka uu isticmaalo goorta uu aboorka godadka kala soo baxayo. Isticmaalka caws duuduuban oo tidcan ayaa u sahla dabinta aboorka ku xareysan dudumooyinka.
Sida shimbirba, shimbirkiisa ula duulo ayuu daanyeerkuna isku weheshadaa. Haddey shax ku tartamayaan, ka laga raayo wuu qalbi jabaa, cuqdadina wey wehelisaa. Wax kasto bulshada caqabad ku ah wuxuu sababa is afgaranwaa iyo dagaal ragaadiya bulshada daanyeerrada sida bani'aadmiga.
Maanta oo la marayo xilli teknolojida lagu talaxtegey, ayuu aadanahu u dhaqmaya sida daanyeerka aan la barbardhigay dhan garaad iyo garasho ba. Quruumo ku loolamaya awood dhaqaale iyo mid militeri, ayaa horseedaya sidii midba midka kale u ciribtiri lahaa.

No comments:
Post a Comment