Map of the World

Map of the World
Our World

Saturday, April 19, 2008

Kafiirso Intaadan Falin

Culusow Soomaalida kale ee looyaqaan 'faradheerta' waa uu kayara duwanaa; wuxuu ahaa nin qunyar socod ah oo innaba hayaraatee aan degdegin walow hal maalin sidii labaatan jir ah uu kabooday geed-geedkaasoo ah talo xumo uusan sifiican uga baaraandegin. Sidiisaba wuxuu ahaa nin firfircoono shaqo badan oon marnaba ogolaan inuu gacan dadeed wax kasugo. Yaraantiisi ayuu bartay farsamada baaburta; waa waagii Soomaaliya ahayd dawlad laga wada aqoonsanaa daafaha dunida oo dhan. Waxaa Ilaahey kumaneystay itaaldheeri iyo labolafoodnimo; wuxuu ahaa nin heybad iyo maamuus udhashay; weligiis geed maxagan; abidkiis cudur maqaar kumadhicin; gabadhaan aqoon summadiisana, waxay weligeed kunoolaan jirtay murugo iyo ciil aysan abidkeed kabogsoon. Laakiin, wuxuu kadhashay qoys sabool ah, taasaana usaamixi weyday inuu dugsiyada waxbarashada arday kanoqdo. Guurna haba sheegin waayo wuxuu ahaa 'doob qalanjadiis gabay'. Wax balwad ah malaheyn sidaasuuna uga magangalay cudurada jirka dhalinteena jilciyay ayagoon xoogsan.

Dabcan, dad badano dan yar iska ahaa, ayaa kheyr badan kala kulmay burburkii kudhacay dawladii Soomaaliyeed ee Maxamed Siyaad Barre uu katalin jiray. Culusow iyo qoyskii uu kadhashay waxayba heleen daryeel gaar ahaaneed maadaama markan ay soo galeen wadanka Kiiniya ood moodo xoogaa in ay qadarineysay sinnaanta iyo caddaaladda siiba xeryaha qaxootiga oo ay maamuleysay laanta qaxootiga ee Qaramada Middobay. Nimaan waxba aqoon xeryaha qaxootiga waa ay kusaxariir waayo waxa wax laga sugaa waa raashiinka yar ee ay qeybiso UNCHCR. Culusow, intuu waalidkiisa iyo walaalihiisaba dejiyay guri carshaan ah oo uu gacantiisa kudhisay, ayuu shaqo tegey. Maadaama uu ahaa farsamo yaqaan, waxaa markiiba shaqo geliyay hay'ad samafal ah oo uu usameyn jiray baabuurta kahalaaba ama ciladeysan. Noloshiisi waxaa kudhacay isbedel weyn maadaama uu qaadan jiray lacag badan bil walba. Muddo yar kadib, wuxuu waalidkiisi iyo walaalahiisaba ufuray dukaan kaaso soo gelin jiray hanti farabadan.

Wax yar kadib, waxaa lasoo ogeysiiyay in dhammaan loo qaadayo cariga Mareykanka. Waxba kama soo wareegin markuu keligiisa maray baaritaankii iyo caafimaadkii lagu yaqiin laanta socdaalka. Wax dhib ah lama uusan kulmin bil kadibna waxaa lagu wargeliyay in howshiisi tahay gebagebo. Farxad iyo reynreyn ayuu lajoogi waayey Culusow. Wuxuu markasta oran jiray 'nimba boogta kutaal asagey bilbishaa'. Damiirkiisa ayaa usaamixi waayey in uu kusii dhexnoolaado hal qowmiyado isku af ah, isku diin ah, oo isku dhaqan ah. Wuxuu islahaa 'bal mar un aad qaboojisid laabta bilbileysa'.

Wax latiriyey taag malehee, Culusow waxaa looso qaaday Mareykanka waxaana ladejiyay magaalo aad iyo aad uweyn. Maalmihii xigey ayaa lashaqo geeyay. Wuxuu kaloo bilaabay waxbarasho uusan hore uhelin. Wuxuu kaloo bilaabay jirdhis iyo jimicsi iyo inuu cuno cunto nafaqo badan iyo weliba qudaarta oo aysan Soomaalida isku fiicneyn. Nafaqo daradii haysay way kahaaday wuxuuna jirkiisa ku arkay isbedel weyn. Shaqada makaanignimada oo lagu yaqaan hawl badnaan ayaa usii dheerayd. Dhibkii iyo rafaadkii badnaa ayuu kareystay.

Laqabshada dhaqanka reer galbeedka waxba kuma aysan qaadan. Waxay isbarteen gabadh Soomaaliyeedo quruxley ah. In muddo ah ayey is shukaansanayeen. Gabadhu ayadana waxay ahayd mid aan yareysan xaga quruxda. Culusow inbadan ayuu kabaaraandegay lasocodkeeda. Wuxuu kuqasbay ineysan meel fagaare ah ugu immaan oo ay kubalamaan meel kaloo Soomaalida laga aqoon siiba magaalooyinka yaryare kayara fog tan ay kunoolaayeen. Wuxuu iska ilaalin jiray maqaayadaha Soomaalida iyo meelaha kale ee ay kucaweysimaan 'farodheerta'. Waxaa bartilmaameed unoqday maqaayadaha cuntooyinka macaan siiba kuwa dadka Shiinaha, Bakistaaniyiinta, iyo Hindida.

Istarliin waxay ogaatay inaysan kukhasaarin diidmadii faraha badnaa ee rag badano ilmo adeeradeeda ahaa ay kugacanseydhay. Calaf waa nasiibe, waxay go'aansadeen inay sida ugu dhakhsaha badan uqalgalaan sifa ay ubad kheyr qaba ukala helaan. Culusow oon lagu aqoon lexjeclo iyo wixii lahalmaala ayaa wuxuu kutalaabsaday inuu isku keeno wixii guri looga baahnaa. Wuxuu dalbaday daahyada Suuriya oo laga keenay magaalada Dimishiq; wuxuu kuwargeliyay nin gancsade ah oo Yemeni ah inuu udalbo kuraas carbeed noocii ugu dambeeyay; wuxuu Istarliin ugaday gaari nooca afarta lugood roga ee looyaqaan 'Cadillac' ahna nooca ugu wanaagsan ee Mareykanka kufaano; hadal iyo dhammaantii wixii yaryaraa ee guriga kadhinaana wuu soo dhammeystiray. Wuxuu gabadhiisii udalbay dahab nooc aan hore loo arag. Wuxuu Istarliin usoo ijaaray dharka arooska ee udhaqanka ah Reer Galbeedka. Sidoo kale wuxuu soo gatay dhar qiimo badan ee ah nooca 'three piece suit'.

Istarliin waxaa loo diray meelaha hablaha isku qurxiyaan waxaana xinnaha umariyay gabadh Hindiyad ah. Waxay labadooduba kuheshiiyeen in aysan arooskooda kadhigin meelaha Soomaalida kubadantahay sifa buuqa iyo sawaxanka unoqdo mid lagu raaxeysto. Istarliin waxay martigelisey dhowr rag iyo dumar ah asagana sidoo kale wuxuu uyeeray saaxiibadiisa oo isugu jiray Soomaali iyo ajaanib. Habeenkii arooska waxaa lawada dareemay damaashaad xasiloon iyo iskudhafnaan miisaaman. Saddex saacadood kadib, arooska iyo aroosadda waa la aqalgeeyay ayadoon wax xiisad ah dhicin.

Istarliin guurkeedii Culusow way kunasatay waayo culeys badano saarnaa ayaa kafuqay. Culusow ayaa kala wareegay lacagihii ay waalidkeeda udiri jirtay. Dhammaan eheladeeda ayuu lacag kudaadshey kana qaaday diiftii badneyd ee ay la ildaraayeen. Istarliin waxay noqotay hooyo guri joog ah oo aan marna kawelwelin duruufo adag oo soo wajaha waalidkeeda iyo walaalaheeda kuharay Soomaaliya. Culusow wxuu kaloo biili jiray waalidiintiisa iyo walaalahiisa oo uu uga soo hayaamay xeryihii qaxootiga ee kuyiil Kiiniya.

Bil kadib Istarliin waxay qaaday uur; toddobo bilood kadibna dhakhaatiirta dhalmada ayaa usheegay inay caloosha kusido wiil. Labadooduba waxaa kuso kordhay raxmad iyo farxad hor leh. Waxay sugaanba waa wiil iyo caano. Bishii sideedaad ayaa qoys guurkooda kaqeyb galay arooskoodii aaday Soomaaliya siiba magaaladii Culusow kudhashay. Waxay dhalashada wiilkooda sugaanba; waxaa maalin maalmaha kamid ah soo dhacay telefoon laga soo diray dal shisheeye. Illeyn waa saaxiibteed Istaahiil oo ay isku magaalo ahaayeen Culusow. Inteysan telefoonka soo dirin, ayey Istaahil booqatay
qoyskii Culusow kadhashay. Telefoonkan ayey ugu warami doonta saaxiibteed Istarliin wixii ay kalakulantay siyaaradani.

"Hello, waa tuma", ayey Istarliin weydiisay qofka soo wacaya.
"Abbaayo, waa aniga Istaahil, ee seetahay", ayey saaxiibteed ugu jawaabtay.
"Abbaayo, waan fiicanahay" ayaa kaso yeeray Istarliin.
"Naa heedhe, waxaan tegey xaafadii ninkaaga Culusow, waxaana soo ogaaday in ninkani yahay midgaan".
"Ala hoogayey, maxaad tiri, naa makaa dhab baa"?, ayey tiri Istarliin oo hal mar jirkeeda wadadhididay.
"Awalba been iguma aadan ogeynee, ee xajiso hadalkeyga. Waxaan gurigooda kuso arkay eeyo farabadan, waxayna deganyihiin xaafadii dadkii takoornaa, ee bal lahal ninkeyga aad rumeysatide", intay tiri ayey telefoonka kuwareejisay odeygii.
"War heedhe, maad iga deysaan dheesha"?, ayey Istarliin kutiri Istaahil ninkeeda.
"Waa wareey, hadal waa laguu dhammeeyay baan filaya", ayuu laso booday Istaahil ninkeeda.

Meeshii waxaa kabilowday fowdo iyo dagaal. Istarliin wey xanuunsatay waxaana lageeyay isbitaalka dhalmada dumarka halkaaso ay kujirtay ilaa ay kadhasho. Mar alaale markii isbitaalka laga fasaxay, ayey wiilkii dhalaanka ahaa faraha kasaartay Culusow kuna tiri, "qabso, waa midgaane kulabeyso". Halkii ayey kaga dhaqaajisay.

Culusow waxaa soo foodsaaray culeys uu xamili waayey. Wuxuu wargeliyey xafiiska qaabilsan danaha caruurta waxaana loo sheegay inuu soo raadsado qof haweeney ah oo uhaya canuga oo loo qoro mushahar. Dumar badano shaqo la'aan ahaa ayaa saf usoo galay ugu dambeyntiina waxaa hantiyey xanaaneyntiisa duq Karaay Kuuleey oo aan sidaa udhib badneyn.

Culuusow sidaasi kuma uusan samrine, wuxuu lashowray immaamka masjidka oo ka balan qaaday inuu laxiriiri doono hooyadii dhashey canuga. Istarliin oo markaasi soo reysatay ayuu imaamkii lakulmay unasheegay iney mudantahay ciqaab daran Ilaahey hortiisa haddii ay canugeeda soo ceshanweydo. Welina waa laga warsugaya. Culusow, magablamin wuxuu sugaaba waa wiilkiisii nasabka ahaa ee ay udhashay hooyadii 'farodheerta' aheyd oo ukora.

No comments:

My Contribution to Chapter Book in French Edition

  LES AUTEURS Assamala AMOI - Odome ANGONE - Aïssata BA - Kadiatou BALDÉ - Bénédicte BIDJECK SONG - Koumanthio Zeinab DIALLO - Ann EL SAFI -...