Showing posts with label Myth. Show all posts
Showing posts with label Myth. Show all posts

Wednesday, May 13, 2020

Dhalashadii Soomaali Wareera

Hooyo Cataabo goortey caloosha ku sidday wiilka ay ugu wanqashay Ina Fagax, marxalado kala duwan ayey kala kulantay intuu uurkeeda ku jiray. Fagax oo ahaa aabbihii dhalay wiilka, dan kama geli jirin daryeelka xaaskiisa xilligii ay xaamilada aheyd.

Waa cilmi aan horey loo aqoon e, saqiirka makaanka ku jira xilli wuxuu gaadhaa garaad iyo garasho uu yeesho. Wax wuu maqli, dareen buu yeeshaa, wuuna dhaqdhaqaaqaa asagoo isku rogrogaya kolba dhinac.

Debacsanaanta dabciga hooyada wuxuu sababi karaa, xanuun la'aan iyo dhalasho reyn reyn leh. Hase yeeshe, haddii hooyadu muujiso dabci qallafsan, caro badan, iyo caaytan, sidoo kale ka caloosha ku jira dareen baa galaa.

Maqnaanshaha Fagax weeye ta keentay in Cataabo isla hadasho marna canaanato Soomaali Wareera. "Najis, najis dhalay, ey ey laga soo gooyay, maanlaawe, diinlaawe, qumey, doofaar yahaw, dhinte, tuug, gaal baa ku dhalay, aabbahay ima dhalin haddaan ku ciijin", iyo colaado kale ayey hooyo Cataabo ka dhigatay halqabsi goortey canaananeyso saqiirka aysan garan in uu noqon doono wiil ama gabadh.

Ugu dambeyn, Cataabo wey foolatay waxaana loogu yeeray eeddadeed Baarreey oo ka dhalisay. "Soo bax adduunka laguugu dhibye" intey tiri hooyadii dhashay, ayey umuladiisana sii raacisay, "Fool Midgaanle, kii dhalay u ekaa, waxaad iila muuqataa dameer iyo labadiisa dhegood." 

Tuesday, May 5, 2020

Dawaco iyo Yaxaas

Sheekooyiin tiro badan oo malo awaal ah ama sheeko xariir ah ayey Soomaalida ka sammeysay xayawaanka duur jooga ah ee loo yaqaan dawacada. In kasto aysan laheyn jir baaxad weyn, ka agdhowaanshaha deegaanada uu ku badanyahay adhiga, siiba riya cadka iyo laxaha aan is difaaci kareyn, ayaa u sahla in ay had iyo jeeraale qaaddo weerarro is dabajoog ah si ay cadkeeda u soo dhacsato.

Sida la ogsoonyahay, dawacadu ma quudato bakhtiga sida dhurwaaga ama waraabaha oo lagu yaqaan in uu raamsado haraadiga libaaxa, shabeelka, iyo haramcadka. Mana aha maangaab sida waraabaha oo hadda kahor intuu hal iyo nirigteeda soo weeraray, hashina candhada ka goostay, nirigtana bishimaha raf ka siyay deetana intuu goon goon isku tuuray, qosol la dhacay, deetana raacshay odhaahdii aheyd "maxay ka nuugtaa oo ku nuugtaa."

Cadkiis-magooste dhurwaaa waxaa ragaadiyey fuleynimo, laakiin burur, foori, iyo qosol xigga giddac giddac istuur, waa caadadiisa. Geesiga waa ka gaashaanka u daruura cadowgiisa e, in lax ugu geeraarto "waraabow maalin wacan", waa arrin u gaadh ah Xaar Saclaha garashada Yar.

Shaki kuma jiro in dhurwaaga yahay "fuley xaar dheer futo balaq balaq", waayo, waxaa marag ma doonto ah in hadda kahor uu arkay daanyeer daba guduudan. Intuu qalbiga ka hadlay ayuu yidhi, "qaarna hilib baa dabada kaga wadhwadhan, qaarna gaajaa soo ridday."

Lax badhi go'an, orgi boqonta maqantahay oo liicliicaya, ceesaan candho la', iyo waxar caloosha laga soo ruugay waxaa sababay gaadmada dawacada xilii adhi-jirkii geed qudhac ama qansax ah hoos jiifa ama harsanaya. Gabbal dhaca ama waaberiga weeye xilliga hororka iyo gaadmada dawacada ku talaxtegtey hawl qabadkeeda.

Dawadu waxay ku xeeldheertahay khayaanada ayadoo isticmaaleyso af macaan, laab soo jiidasho, iyo qalbi dhuux u sahla isticmaalka carrab ay ka soo ammaahatay yaxaas warmoog ahaa Sannadkii Yaxaas Gaad. Dawacadu, carrab u khaas ma aysan lahaan jirin oo hadalka wuu dhibi jiray. kaba soo qaad waxay lamid aheyd shigshigow.

Haddaba, waxaa hadda kahor dhacday qiso dhexmartay yaxaas iyo dawaco. Goorey eegtay asagoo jiifsan webiga jinkiisa, afkana kala qaaday, shimbirina dhex yuururta, ayey la yaabtay dheerarka carrabkiisa. Salaan kadib, dawaco waxay yaxaaski u sheegtay in ay dani weyn ka leedahay sidaasna ugu soo jarmaadday.

Waxay u sheegtay yaxaaski, in codsi yar ay u fuliso. Gooruu ku yiri oodda ka qaad sheekada, ayaa waxay u sheegtay in ay jeclaan laheyd in uu ammaahiyo carrabkiisa quruxda badan si ay ugu soo alalaasto ama ugu soo mashxaraddo arooskii walaasheed oo isla maalinkaa la qabanayey. Waxay ka ballan qaadday in uu maqli doono daryaanka carrabkiisa goortey durbaanada cartamayaan galbihi.

Dawaco wey ku ballan furtay yaxaaski, mana aysan soo celin carrabki xilligi lagu ballamay. Goor waaga beryay ayey dawacadi is keentay webiga qarkiisa, una sheegtay yaxaaski in aysan soo celineyn carrabki. Wuxuu ugu goodiyey in biyo webi dambe aysan kabban doonin. Ayadina waxay ugu jawaabtay, "xareedda Eebbe iyo bilbilka abbaay baa ka badan."

Friday, December 14, 2018

Like, Love, Haha, Wow, Sad, and Angry
Sometimes called Emojis or Emoticons, the characters above are all electronic facial expressions and at times are referred to as Smileys. While 'Like' towers above the rest, followed by 'Love', 'Angry' remains at the lowest ebb because it is an act of foaming at the mouth, being pissed off, on the warpath or exasperated, antagonistic, and aggravated.
Since Love is an affair related to the heart, many friends avoid clicking it since it is a show of intimacy, passion, and amour. Though rarely used, the study of Love is called erotology. Since friendship between two contacts could grow into a love affair, only those with confidence have the tendency to give it a click.
Haha is simply laughter or jubilation ,or exclamation of a statement. Wow could mean astonishment or consternation while being Sad implies being sorrowful and disconsolate. You would feel sad at the death of a friend or relative, poor academic performance, or anything below your expectations.

Battles of the Past

Introduction First and foremost, I would like to inform our ardent reader that I started writing this book on the 23rd of August, 2024. The...