Wednesday, July 13, 2016

WICITAANKA DHAGEYSTAYAASHA: AQOON YAHAN AADAN MAKIINA

Laanta Afka Soomaaliga ku hadasha ee VOA oo saldhigeedu yahay Washington, DC oo wareysatay Aqoon Yahan Aadan Makiina oo tifaftire ka ah degelka www.wardheernews.com. Wareysiga wuxuu ku saabsanyahay Booliska Mareykanka oo dilal u geysta ragga Madowga ah ee u dhashay dalkaasi. Waxaa wareysiga qaaday Jamaal Cusmaan oo daadihiya Barnaamijka Wicitaanka Dhageystayaasha. Dhageysi wacan!

http://www.wardheernews.com/wicitaanka-dhageystaha-voa-aadan-makina/

Wednesday, July 6, 2016

GARAACA ARDADA AFRIKAANKA DHIGTA ISKOOLADA

Guumeeystihii markuu soo cago dhigtay Afrika, wuxuu sammeeyay labo qeybood oo waxbarasho ama manaahij: Mid loo qoondeeyay ilmahii Caddaanka ahaa iyo mid loogu talo galay carruurta Madowga ah. Guumeeystayaashii waxay tabo bareen macallimiin Madow ah.
Ardadii Caddaanka ahaa lama garaaci jirin, laakiin kuwii Madowga ahaa waa la tumi jiray loomana ogoleen in ay ku hadlaan afkooda hooyo Garaacii waagaa billowday weli wuu socdaa oo guud ahaan Afrika, garaaca ciyaal iskoolka dhigta waxay iska noqotay wax iska caadi ah oo ilmaha lagu edbinayo.
Dherbaaxo dheg dillaacisa, shabiiq maqaarka ardeyga ku reebta nabarro, bakoora lafaha baduuqda, garruun ardeyga curyaamisa, toontooma feeraha riiqda, haraanti aan kala joogsi laheyn, ayaa ka dhaqan galay qeybo badanoo Afrika kamid ah.
Waxaa intaasi u sii dheer,gaajo baahsan iyo calool madhan, harraad ama oon, kaneeco ku reebta cudurka maleeriyada, nadaafad darro,,iyo gurigii oo aan laheyn nolol maalmeed aanan laysku halleyn karin. Waalidkii dhalay cannugan dhibban, wuxuu aamminsanyahay ilaa hadda, in haddii aan canuga la garaacin, uusan wax baraneyn.

GUURE XAAJI DUDE: NINKII DHERBAAXAY GUUMEEYSTE INGIRIIS AHAA

Sannadkii 1958 ayaa ciidankii Soomaaliyeed ee ku sugnaa magaalada Wajeer (Wajir) kana tirsanaa maamulkii guumeeystihii ingiriiska oo dhammantood ahaa ha qabiil ayaa waxaa loo beddelay magaalada Siyaloow (Isiolo) waxaana laga reebay hal nin qudha.
Kuwii Siyaloow joogey oo ayaguna ahaa qabiil kale oo Soomaaliyeed ayaa waxaa loo soo beddelay Wajeer oo uu xukumayey gaal Caddaan ah oo la odhan jiray Sutter. Ninkii Soomaaliyeed ee ku hadhay Wajeer ayaa u sheegay Soomaalidii laga keenay Siyaloow in Sutter uu askartiisa ku garaaco suunka dhexda ugu xidhan.
Gaalkii ayaa waxay is maandhaafen askeri la odhan jiray Guure Xaaji Dude oo ka tirsanaa askartii Siyaloow laga soo beddelay. Sutter intuu suunkii dhexda ugu xidhnaa la soo baxay ku garaacay Guure Xaaji. Guure intuu udul qaadan waayey garaaca, ayuu gaalkii labada indhood dherbaaxo kala dhacay, halkaasoo gaalkii dhulka isa shalalay sidii lax gowrac sugeysa.
sutter markuu soo miyirsaday ayuu ku soo baraarugay askartiisii oo dammasanaa in Guure ay xabsiga dhigaan. Sutter, wuxuu ammar ku bixiyey inaanan Guure la xidhin. Sutter wuxuu askartii weydiiyey ninka dherbaaxay magaciisa waxaana loo sheegay in la yidhaahdo Guure Xaaji Dude. Beddelkuu ciqaabi lahaa ayuu Sutter geesigii dhulka dhigay ubaxshey 'Guure Wazimu'-taaso la micne ah Guurihii waalnaa. Dhacdadaasi kadib, Sutter wuu joojiyey garaacii uu caadeeystay.
Waxaa soo tebiyey sheekadan Xasan Jire.

Saturday, July 2, 2016

GUUR, HALAQ GALEEN, IYO SADDEX GEERI

Nin baa wuxuu guursaday gabadh aad u qurux badan wuxuuna geeriyooday habeenkii koowaad ee ay aqal galeen. Ciddaddii markey ka baxday, ayaa waxaa dumaalay marxuumkii walaalihiisi mid ka mid ahaa asagana wuxuu dhintay habeenkii ugu horreeyay ee ay aqal galaan.
Soomaali dumaal waa u caado ee raggii noolaa waxay ka maarmi waayeen gabadha quruxdeeda iyo hab dhaqankeeda wanaagsanaa. Goortey ciddaddii ka baxdayna, waxaa dumaalay walaalkii labaad, asagiina isla habeenkii ay aqal galeen ayuu qudh baxay.
Deetana waxaa guursaday walaalkii saddexaad, asagiina wuxuu xijaabtay habeenkii ugu horreeyay.
Waa yaab iyo ammakaagee, gabadhii waxaa la aqal galay walaalkii afraad. Habeenkii ugu horreeyay ayuu diyaarsaday xarig iyo toorreey affeeysan. Intuu sasabay ayuu gurigii ka kaxeeyey wuxuuna geeyay meel guriga ka yara durugsan kadibna geed buu ku xiray.
Ayadoo geedkii ku xirxiran ayuu u cago jugleeyey. Intuu toorreeydii la soo baxay si uu u cabsi geliyo, ayuu ka codsaday iney u sheegto wixii walaalihiisi dilay Wuxuuna u sheegay haddii ay runta u bayaamiso oo xitaa ay qirato in ayada ay dishay, in uu cafinayo.
Runley bey aheyde, waxay ka codsatay in uusan waxba u geysan, maadaama ay run u sheegi doonto.Waxay tidhi, "mas baa caloosheyda ku jiraa wuxuuna soo baxaa markaan kaadinayo ama nin ii hawoodo ee ogoow walaalahaaga waxa dilay waa bahalkaasi igu dhex nool.." Ayadoo hadalkeedi sii wadata, ayaa waxay u sheegtay in bahalku horraan intaanan la guursan uu afka la soo bixi jiray marka ay kaadineyso oo uu leefleefi jiray kaadideeda.
Intuu gabadhii xarigga ka furay ayuu ka codsaday in ay u sheegto goor kastoo ay kaadi qabato, wuxuuna diyaarsaday surqin ka sammeysan xarig kaasoo uu ugu talo galay in bahalkaasi uu ku qabto. Wax yar kadib gabadhii kaadi ayaa qabatay weyna u sheegtay ninkeedi in uu diyaar garoobo.
Debedda ayey is la tageen weyna kada loobsatay oo billowday in ay kaadiso, isla markiina bahalkii ayaa madaxa la soo baxay oo xarriggii ayuu si fiican ula helay kana soo jiiday ferjigeeda. Mas weyn buu ahaayee, halkii ayuu ku dilay.
Wuxuu gabadhii ku wargeliyey in ay ogeysiiso mar kastoo ay kaadi qabato. Saddex jeer markey kaadisay habeenkaasi oo uu ninkii ka waayey wax ferjigeeda ka soo baxa, ayuu is dejiyey oo iska illaaway wixii tagoo hore. Gabadhii waxaay ninkeedii u dhashay 10 carruur ah weyna isku waareen.

Battles of the Past

Introduction First and foremost, I would like to inform our ardent reader that I started writing this book on the 23rd of August, 2024. The...