Sunday, May 8, 2016

CALEEMO SAARKII MADAXWEYNEY HABAR KUULEY

Intey ka daashay siyaasadda ragga maskaxdoodda rogmaday ee waxba rimmin waayey muddo rubuc qarni ah, ayey hal maalin Soomaali Weyn caleemo saaratay madaxweyney karaamo badan Habar Kuuley. Maalinkii la caleemo saarayey, waxaa dib u soo noolaaday hiddihii iyo dhaqankii Soomaali ee ku sigtay in uu cidhib tirmo. Waa loo gabyey, loo dhaanteeyay, loo buraanburay, loo heeesay, loo geeraaray, loo dab shiday waana loo sacabbo tumay.
Caleemo qoyan ayaa loo lulay, roog casaan badan ayey ku dul socotay, salaan sharaf ayey ka guddoontay Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Raas Caeyr ilaa Raas Kiyaambooni inta u dhaxeysa, ayey Soomaali wada dammaashaaddey. Calankii Soomaaliyeed ee midabka buluugga lahaa kana dhex muuqday xiddigga shanta gees leh, ayaa magaalo kasta laga taagay loona qaaday heestii qaranka.
Goobta lagu qabtay caleemo saarka, ma aheyn Tarabuunka walaa Istaadiyo Muqdisho ama Istaadiyo Koonis, ee waxey aheyd Xerada weyn ee Xalane oo goor hore ay qalabkooda ka gurteen ciidamadii shisheeye ee hore u degganaan jiray kuna takri fali jiray qaranimada Soomaaliyeed.
Mutacallimiin ku xeel dheer xukunkan lama filaanka ah ee Habar Kuuley, waxey ku sifeeyeen mid aan hore loo arag oo horseed u noqon doona siyaasad casri ah oo dunida qaarkeed ka soo curan doonta.
Boqolkii maalmood ee ugu horreeyay ee Habar Kuuley ay xukunka haysey, wax dembi ah dalka kama dhicin, in kastoo boqolaal dagaal oogeyaal iyo huwantooda qoorta laga wada jaray kadib markii maxkammado dalka laga hirgeliyey ku caddeeyeen in ay galeen dembiyo lid ku ah qaranimada iyo nabadgelyada dalka,
Habar Kuuley waxay wacad ku martay in ay dhaqan gelin doonto shuruucdii ay ku dhaqmi jidhay Carrraweelo-taasoo aheyd in rag badan xiniinyaha laga jari doono haddey u hoggaansami waayaan habsami u socodka siyaasadda cusub ee dalka ka curtay.

The Horrors of Female Genital Mutilation

  By Adan Makina August 5, 2010 * This article contains graphic pictures illustrating the horrors of Female Genital Mutilation. Viewer d...